Tuesday, December 12, 2017

Maalin riyood!



Saakay, magaaladu waa magaalo kale. Tii aan ogaa maaha. Magacu waa magacii dhulkuna waa dhulkii, laakiin is baddal ayaa ii muuqdo. Is baddal weyn waliba. Inta uu is baddalka noocaan ah dhacayay taloow xageen jiray? Guriga waan ka soo dhammaaday. Waddadii ayaan cagta soo saaray. Iyadii maaha! Dukaamaha iyo dhismayaasha ku yaal hareeraheeda waa sidii, balse wax weyn ayaa is baddalay. Waa ‘nadaafadda’. Waddo sideeda u nadiifsan weligeey kuma socon. Qurux badnaa socodku maanta?! Waxa aan weydiin u galay sidii ay waxaan oo is baddal ah ku dhaceen? Ma intan yar ee aan ku socdo ayaa nadiif ah, mise dhammaan waddooyinka? Ma waddooyinka bas mise dhammaan magaalada? Aniga oo aan cidna weydiin sida ay wax yihiin, ayaan soo qaaday waddada. Waan socday oo aan iska socday.

Wiil 10 gu’ kor u dhaafay ayaa bac uu jallaato ka cunayay ku tuuray waddada. Aniga waxba ilama ahayn oo sidaa mar walbo ayaa ay dhacdaa. Wiil ku labbisnaa shaar caddaan ah iyo surwaal baluug ah una socday dugsi (iskuul hoose) ayaa bacdii qaaday, geeyayna daasad weyn oo loogu talo galay in wixii qashin ah lagu shubo. Wiilkii yaraa ayaa ku yiri kii bacda tuuray: ‘walaal, haku tuurin bacda waddada ay dadku marayaan. Ka soo qaad meel walba in uu gurigiinna oo kale tahay. Gurigiinna ma u ogolaaneysaa in sidaa qashin loogu tuuro?’ ‘maya walaal, waan hilmaamay. Waad mahadsan tahay’. Ayuu ugu jawaabay. Filan waa’ ayeey igu noqotay in aan arko qof dhallinyaro ah oo sidaa falayo, waayo dabeecaddaa oo kale uma aanan baran. Waxa aan filayay in uu yiraahdo: ‘maxaa kaa galay’ iyo wax la mid ah.
Aniga oo uu yaabanaha ii shidan yahay, ayaan sii socday. Dadku waa dhoolla caddeynayaan. Xitaa arki maysid wiilka gaariga caasiga ah raro iyo qof lacag isku haysto. War cajiibsanaa magaalku! Waddada iyo dhammaan waxa dul socdaahi saaka waa nadiif. Waad fariisan kartaa meel walba.
Nin oday ah ayaan wareystay:

- Adeer, waxaan sidee ku dhaceen? Dadkii qallafsanaa miyaa magaalka laga saaray?
- Dadka ayagaa fahmay in ay nadaafaddu muhiim u tahay. Iyagaa is xilqaamay. cid laga saaray magaalkana ma laha adeer. Adigu ma hadda ayaad soo gashay?
Ma aniga! Saw anigii joogay? 
- Adeer, maya maya, waan iska xaaladeysnaa. Laakiin ma fahmin sida ay wax u dhaceen?
- Dadka waxaa lagu wacyi geliyay in ay nadaafadda ku dadaalaan. “Qof walba sida uu uga fekero nadaafadda gurigiisa, ha uga fekero bannaanka inta irridiisa hortiisa ah. Maxaa yeelay magaalkuba waa guryahaa iyo bannaanka irdaha oo isku tagay” sidaa ayaa loogu digriyay.

Aniga oo aan fahmin waxa ay sidan ku dhaceen ayaan iska sii dhaqaaqay. War hawadu nadiifsanaa! Bacdii iyo bustii isla buubayay saakay maleh! Hawada aad qaadaneysaa waa nadiif. Waad ku raaxeysaneysaa in aad magaaladii ku dhex neefsaneyso.
Aniga oo intaa sii marinaya, qof baa iga kala daadiyay riyadii.

Saturday, December 2, 2017

WAALLIDII BUUBE


Geedi, waxa uu ahaa wiil fud fudud oo jecel howl kasta inuu dag dag ku qabto. Hayeeshee howshii loo diraa ma uusan dhameystiri jirin, iyadoo qabya ahna wuu ka tagi jiray. Sidaa darteed geedi waxa markii la arkay fudeedkiisa iyo haad haadkiisa loogu magac daray Buube. Buube inta badan waqtigiisa firaaqada wuxuu ku mashqulsan yahay, mobile-kiisa gacanta.

Maalin isaga oo qolkiisa ku jira, sariirtana dul fadhiya, mobilekana ku mashqulsan ayaa waxa soo wacay gabadh uu jeclaa oo lagu magacaabayay Falxado. Isaga iyo Falxado maalmo isma aysan arkin, mana aysan isa soo xiriirin. Marka ay soo wacday aad ayuu ugu farxay in uu maqlo codkii cuddoontiisa.

- "Haloow Geeddi?"
- "Haa Gammaan dumareey".
- "Sidee tahay xabiibi?" 


Buube xabiibi markii la dhahay farxad ayuu la aamusay. Cabbaar yar ka dib waxa uu la soo booday.

- "Haa falxado waan caafimad sanahay, adiga sidee tahay xabibti?"
- "Waan ficnahay alxmdullilah. Malmahan kuma arkin, maxaa kugu dhacay?"
- "Waxba iguma aysan dhicin e, waan mashqulsanaa xbbti".
- "Haye maantana mashquul miyaa tahay?"
- "Maya fariido".
- "Ka warran, haddii aan is aragno?"
- "Afkeygad kala baxday".
- "Hayee xaggeen ku kullannaa goormeesa kullannaa?"

Hadda amintu waa 03:20 kii galabnimo

- "04:00 isugu kaayo keen meel hebla, si aan meel hebla isugu raacno".
- "Haye xabiibi".
- "Haye, haye gacalooy".

Aminta ay ballameen waxaa ka harsan 40 daqiiqo, durbadiiba inta taw yiri shaambo miiska u saarneed gacanta ku qabsaday waa kaa suuliga dalaq yiri, biyo isku boobay. Waxyar ka dib ayuu ka soo baxay, isaga oo geesdhan qalalan yahay hal geesna ka qubeystay, shaambana madaxa kaga taal. Hooyadiis ayaa aragtay. “Waryaa Buube, maxaa kugu dhacay?” Ku tiri. “Maya hooyo, waxba.” ayuu ugu jawaabay. Duqdii oo yaaban ayaa iska aamustay. Qolkiisuu galay, waxa uu ka fekerayaa wixii dhax mari lahaa isaga iyo gacaladiisa. Isaga oo awalba howl kastaa qabyo kaga tagi jiray maalinkaa waxa u dheeraa fikir iyo isla shekeysi “Taloow Falxado sidii ay aheed ma kasii qurux badnaatay? Ma u sheegi doontaa in aad si xad dhaafa ugu xiistay? Inaad jecel mug weyn usii qaadday? Iyada xaggeeda maxaad kala kulmi doontaa? Ma kula midaa mise?” Su’aalahaas iyo kuwo la cayn ah ayuu is weydiinayay. Saa wuxuu qolka kasoo baxay isagoo shaatiga u kala dheer yahay, guluuska dhexe meesha ugu hooseyso ku xiran yahay, kab dacas-shiinees ah iyo mid saandal ah wato. Shaatiga uu xeran yahayna, waa shaatigii uu kula qeeylinayay gabdhaha walaalihiis ah “maxaa la iigu dhaqi waayay”, oo waaba wasakh. Isla markii uu qolka furdug kasoo yiri, hooyadiis oo awalba la yaabanayd marka uu suuliga kasoo baxayay ayaa aragtay. Waxa ay isugu yeertay dhalinyartii deriska ahayd kuna tiri: “Buube waa uu waashay e, hala soo qabto.” Afar xoog xooggan ayaa laga daba diray, isagii oo weli isla sii faqaaya ayaa ay qabteen iyagoo leh “Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim”. Isagii oo naxsan “waar maxaa idinka qaldan”. Warkiisaba lama dhageysane waa la qabtay oo lasoo waday iyagoo aayatul kursi akhrinaaya.

Markii la keenay ayaa waxa uu yiri: “Waar maxaad sidii qof waalan quranka igugu akhriyaysaan:” Waxaa loogu jawaabay “Ma adigaaba fiyoow, soow adigaan shaatiga kala dheer wata, kabaha kala noocaa xeran”. Inta isku naxay shibna yiri qolkiisa aaday ayuu boorsadiisa furay, shaatigii uu xeran lahaaba boorsaduu ku jiraa. Inta xanaaqay shaatigii soo bixiyay jeexay. Markasa lagu yiri “waar maxaad u jeexeysaa?” Kuye wuu iga dhuuntay. Hooyadiis ayaa ku tiri dhallintii: "war xira kan wuu waashee, wadaaddana iigu yeera."

Thursday, October 26, 2017

WAAYIHII WARSAME (SHALAY IYO MAANTA)

Isha sawirka: Google

Maanta waxa uu u hanqal taagayaa, martabado iyo jagooyin uusan ku fekerin tobaneeyo gu' ka hor. Waxa uu naawilayaa in uu wax ka beddelo, siyaasadda waddanka uga dagsan xagga waxbarashada. Ujeedkiisu waa in qof wal uu helo aqoon naftiisa hagta. Waxa uu soo diyaarsaday, kana soo shaqeeyay qorshe lagu horumarin karo, laguna hagaajin karo waxbarashada waddanka guud ahaan ka jirto. Waxa uu ka soo shaqeeyay qorshe uu la kaashaday saaxiibkiis, Gallad. Gallad waa saaxiibka keli ah ee uu la wadaago arrin walba oo asiga ku soo korodho. Isaga iyo saaxiibkiis Gallad, waxa ay is barteen iyaga oo dugsiga dhexe dhiganaya, halkaa oo Warsame ku soo biiray dugsiga Dhexe Sare ee Aw-geeddi. Gallad ayaa uu ahaa qofkii uu la saaxibay, soo dhaweeyayna markii uu ku soo biirayay dugsigaan.


Warsame iyo reerkoodu waxa ay deggenaayeen tuulo yar oo xoogaa ka fog magaalada.  Aabbe Faarax iyo hooyo Faynuus ayaa dhalay Warsame. Reerkoodu waxa uu ahaa reer xoolo dhaqato ah. Isaga ayaa ah curadka reerka. Waxaa ka yar Caynaan iyo Caaliya. Markii uu soo koray oo uu kuray garasho gaaray noqday, aabbihii Faarax waxa uu geeyay dugsi uu quraanka ka barto. Kolkii uu in muddo ah dhiganayay quraanka, higgaadda iyo fartana si fiican u bartay, waxa uu aad u jecleystay barashada Farsoomaaliga. Macallin Raage ayaa dhiga hingaadda farsoomaaliga. Ammintii uu bartay farta iyo dhigaalka farsoomaaliga, waxa uu aad u jecleystay barashada tacliinta maadiga ah. Waxa uu ku raaxeysanayay akhrinta buugaagta naadirka ah ee (farsoomaaliga ku qoran) tuulada laga helayay. Macalin Raage kheyr Alle ha siiyo e, waa nin tacliin badan yaqaanna. Tuuladaan ayuu soo dagay markii uu waddanku burburay. Keligii sooma uu degin e, cilmigiisi iyo aqoon tiisina waa la yimid. Waxa uu si bilaash(lacag la'aan) ah ku baraa, higgaadda iyo barashada Farsoomaaliga. Aqoontiisa waxa uu uga faa'ideeyay boqolaal tuulada degganeyd oo yaryar iyo waaweynba isugu jiray. Warsame, Macalin Raage ayaa waxa uu ka dhageystay in badan isaga oo ka faalloonaya tacliintii waddanka taallay xiligii ay dawladda dhisneed. Aad ayaa uu xiiseynayay ogaanshaha iyo barashada aqoon hor leh kana xeel dheer farsoomaaligaan hadda uu bartay. Waxa uu la sheekeystay, waxbadanna ka wareeystay macallin Raage sidii uu aqoon dheeri ah ku raadin lahaa iyo halka uu ka baran lahaa. Macalinka ayaa u tilmaamay halka uu waxbarasho ka heli karo, isaga oo u sheegay in aan la heleyn aqoontii hore oo kale.

Hadda dagaalkii sokeeye waa uu yaraaday, dadka intoodii waddanka dibadda uga baxday maahee intii tuulooyinka miyiga ku qaxay magaalooyinka ayeey dib ugu laabanayeen. Isaga caqabad ayaa hor taalla, waayo isaga ayaa reerka xoog u ah. Aabihii isaga ayaaba ka fir fircoon. Galab ayuu u yimid aabihii, isaga oo geedka kullanka ah ee ay harsadaan, derin (salli ka sameysan caw) u taal oo dhageysanaya BBC. Markii uu la dhageystay bbc-dii ayuu aabihii uga faallooday sheekooyin ka hadlaya, tacliinta iyo faa'idadeeda. Aabihii oo awal luguhu u fidsanaayeen, xusulna u saarnaa barkin caws laga sameeyay ayaa u soo fariistay hadalka uu wiilkiisu ka hadlaayo. Oday Faarax waxa uu awal ku dhibbanaa warqad uu walaalkiis dibadda uga soo diri jiray wax u akhriya, una qora wixii uu u celin lahaa. Taa maalmahan waxa uu uga maarmay wiilkiisa oo soo bartay sida loo akhriyo loona kiciyo Farsoomaaliga kadibna dib ugu qori jiray adeerkii Caynaan. Caynaan waa adeerka lagu samiyay wiilka reer Faarax ugu yar.
Faarax ayaa ku yiri wiilkiisa: “Aabbow, horta tacliintu waa wax fiican, sidaan arkayba. Waa ayna fiican tahay inaad farta gasho oo aad sii barato, laakiin aniga waa ii jeeddaa oo adigaan kugu nastaa, waayo dhib ayaan ku jiray inta uusan xoogaagu igu soo biirin, oo aanad cidda dhaankeeda iyo xoolahaba iga kaalmeyn. Balse kol haddaad leedahay, tacliin ayaan baranayaa horta aniga waan doonayaa inaad barato, maxaa yeelay; anigaa ‘ar hebeloow, walaalow kaalay warqad ii akhri iyo ii qor’ tuugmo ah la igu nacee in aanad sideeyda noqon oo dhammaantiin aadan wada noqon naha. Adi iyo walaaladaaba. Aabbe waad ogtahay cidna magaalada nooma deggena, adeerkaana waddankaba ma joogo. Aniga waa aanba iska adkeysanayaaye, aan xitaa Caynaan xooggiisa suga e, balse haddaad dhahdo, wax ayaan soo baranayaa, ayaa magaalada kuu joogo? Yaad la joogi oo quud la cuni yaad. Yaad yaad..."
Isaga oo sii wata ayuu ka dhexgalay: “Aabbe dhibba ha igu qaadatee kol hadaad adiga i fasixi quud iyo wax kaleba la waayi maa”.  

Reer Faarax waxaa u joogay xoogaa halo ah iyo tiro (100 neef) ari ah. Faarax ayaa talo u dhaqaaqay waxa uu u tagay xaaskisii Faynuus, una sheegay waxa dhex maray isaga iyo wiilkiisa. Labadoodii ayaa talo isula dhaqaaqay.
Faynuus ayaa tiri: “Horta Faaraxow, Xareed kaad ilma adeerka aheydeen soo maagalada ma deggena?".
“Haa, aniga ayaaba ku dago (gurigiisa joogo), marka aan magaalada innooga soo adeegaayo. Laakiin reer wiilkeenna u roon maaha. Xareedku waaba nin roone, afadiisaa inkaar qabto ah. Maya Maya ciddaa cid aan Warsame u dhiibi karnaa maaha.” Ayuu ku jawabay Oday Faarax.
Faynuus ayaa tiri: “kol hadeynaan cid kale heleyn, waa inaan iyaga miciin bidnaa oo ‘wiilkaas innaga haya dhibkiinba ha ahaadee’ ku dhahnaa.”
“Bal waa yahay" ayuu kaga jawaabay Faarax.

Warsame oo cidda dhaan ugu maqnaa ayaa yimid. Waxaa loo sheegay in cid reer Xareed la yiraa oo ay qaraabo yihiin lagala hadli doono, sidaas na uu gurigooda ku joogi doono inta ay waxbarashadu u socoto. Farxad iyo damaashad ayuu kaga fal celiyay hadalkaa. Faarax ayaa beledka labo neef oo ari ah u waday si uu reerka raashiin ugu soo iibiyo, reer Xareedna ugula soo hadlo arrintii ay isku waafaqeen isaga iyo afadiisa. Faarax ayaa Xareed kulan kula qaatay gurigiisa. Xareed ayaa arrinta uu Faarax ka dalbaday ka meer meeriyay oo madaxa ka dadbaday, meelo kalena iin uga yeelay, uguna soo gunaanuday: “Bal waan fiirin doonnaa”. Faarax ayaa is ka aamusay, kana dhaqaaqay, reerkiisana dib isaga noqday. Warsame waxa uu dareemay in reer Xareed aysan oggoleyn in uu la joogo iyaga. Dhawr maalin ka dib  ayuu talo soo jeediyay ah; in isaga la wado, reer Xareedna loo geeyo laguna yiraa oo keliya: “Xareedow wiilka waa wiilkaagii oo kale, waad ila dhashay, ilmahaaga ayuu la mid yahay, maanta ayuu waxtar kaa rabaa ee waa kaas Warsame Faarax” Oday Faarax ayaa markii hore diiday in uu sidaa yeelo, kana xumaaday sababta uu wiilkiisu isku liidayo. Isaga ayaa ugu jawaabay: “Aabbe danteenna masallo (maqaar) eey ayaan ugu seexaneynaa” Faarax ayaa ku qancay jawabta wiilkisa. Sidii ayuuna yeelay.

Reer Xareed ayaa loo geeyay Warsame. Oday Faarax, oday caqli badan ayuu ahaaye markii ay magaalada usii socdeen, labo neef oo ay sii wadeen; neef ka mid ah lacagtiisii waxa uu si qarsoodi ah u siiyay wiilkiisa isaga oo ku yiri: “Marka aad xaafadda wax ka weyso, meelaha maqaayadaha ah wax uga cun kistaan”. Markii uu dhawr maalin joogay xaafadda ayuu adeerkii ka codsaday in la geeyo dugsi (iskuul) hoose. Xareed ayaa sidii uu u meer meerinayay maalinkii dambe geeyay dugsi hoose oo ilmaha agoomaha ah la geeyo isaga oo arkaayo in ilmaha Xareed, iyaga oo aad u labbisan baabuur lagu qaado dugsi kalana la geeyo. Aad ayuu uga xumaaday in isagana dugsiga agoomaha la geeyo, ilmaha adeerkiina dugsi heer sare ah dhigtaan. Waa uu u dhabar adeygay in ay weydiiyaan ardadii uu dugsiga agoomaha ugu tagay: “Aabe, goorma ayuu dhintay? Hooyo ma kuu nooshahay adiga? Ehelkaagii wax aad taqaan miyaad la joogtaa?” Waayo ilmaha meshaas joogay ma garanayaan meel ay ku dambeeyeen waalidkood nolol iyo geeri.

Waxa uu soo maray rafaad badan. Mar waxa uu go’aan saday in uu baadiyihii isaga laabto kana tago meeshaan dan darrada iyo darxumada ku hayso. Waxa uu ahaa wiil yaqaan ad adeegga iyo adkeysiga. Markii uu dhammeystay dugsigii hoose ayuu aaday reerkiisii isaga oo ka cabanaya cunno xumi, hoy la’aan iyo waliba arrad la’aan. Hooyo Feynuus ayaa dhegaha ugu shubtay in uu adkeysto. Waxa uu dib ugu soo noqday magaaladii waxa uu ka tagay reer Xareed magaalada ayuu dhinac ka galay waxa uu raadiyay shaqo uu qaban karo si uu uga maarmo in uu reer Xareed dib ugu noqdo, waayo rafaad badan ayuu ku qabay. Isaga oo aan quud (cunno) ku heysan ayaa waxa u sii dheeraa jiif xumo, canaan joogto ah iyo waliba afadi Xareed oo aan arki karin isaga.

Maqaayad ayaa waxa uu ka helay shaqo ah: in uu saxamada dhaqo (xalo) iyo in uu miisaska tirtiro.  Ducaale oo ahaa ninka maqaayadda leh, ayaa la sheekeystay kana wareeystay halka uu ka yimid iyo waxa uu magaalada ka soo doonay. Ducaale ayaa ahaa nin wanaagsan, marka uu arkay wiilkan yar ee hawl karka ah iyo sida uu wax barashada u jecel yahay, u ballan qaaday in uu u ogolaanayo gelin waxbarasho ah. Waxa uu u sheegay in uu geyn doono dugsi ay ilmihiisu dhigtaan, oo uu maaluhana kala hadli doono si lacag yar looga qaado. Isagana uu siin doono mushaar uu isaga bixin karo lacagtaas yar,  maqaayaddiisana ka shaqeysto. Aad ayuu ugu farxay uguna mahad celiyay. Ducaale ayaa geeyay dugsiga dhexe sare ee Aw-geeddi waa halka ay Gallad isku barteen. Gallad ayaa ahaa isagana wiil duruufo badan soo maray. Labadooda ayeey dani saaxiibbo, wax walba wadaago ka dhigtay.

Warsame, waxa uu dhameeyay dugsigii sare. Kheyr Alle ha siiyo e, Ducaale ayaa soo gacan qabtay xilli uu u baahnaa caawinaad. Inta uu dugsiga sare ku guda jiray maqaayaddii waxa uu ka noqday xisaabiye. Shaqadii hoosena waa uu ka baxay. Oday Ducaale waa uu helayay cid u xisaabisa ama lacag qabte u noqota, waayo wiilashiisa oo aqoon sare leh ayaa joogay. Balse waxa uu is lahaa: Warsame niyadda yuusan ka dareemin in uu shaqo hoose (weelal dhaqid) bas ka haayo maqaayadda Ducaale. Sidaa awgeed ayuu shaqadan ugu soo dallacsiiyay. Isaga laftiisu waxa uu ahaa mid xisaabta ku fiican kana soo dhalaali karo shaqadaas loo igmaday.

Waxa uu weligiiba jeclaa suugaanta. Xilligii uu baadiyaha joogay ee uu gabanka yar ahaa. Waxa uu daawan xilliga aroosyada, ciyaaraha la soo bandhigo. Waxa uu aad u jeclaa ciyaarta dhaantada iyo ciyaaraha marka la ciyaarayo gabay ama tix laga horumarsiiyo. Isaga waxa uu jeclaa gabayadaas. Mudadaas uu arooska maalmaha sii jirana gabayadii uu habeennadii arooska soo dhageystay waa uu yaqiinay, laakiin muddo ka dib waa u hilmaami jiray. Dugsiga sare waxa uu ugu yimid suugaantii uu jeclaa oo qoran. Gabayadii uu xiiseyn jiray kuwo ka xeel dheer, kana mug weyn. Marka gabay uu macalinka ardayda u diro, isagu horay ayuu ka qeybi jiray.

Dugsigii uu dhiganayay ayaa uu macallin ka noqday markii uu dhameeyay. Macallin dhiga Suugaanta. Saaxibkiis Gallad, isaguna waxa uu noqday macallin dhiga Cilmiga Bulshada. Labadoodii waxa ay noqdeen isku mihnad. In kasta oo ay kala maaddo dhigayeen. Waxa ay wada degganaayeen guri ay kireysteen markii ay waxooga jeeb ah yeesheen. Habeenkii kolka ay casharrada berri diyaarinayaan waxa ay falanqeyn jireen qaabka iyo sida ay u shaqeeyaan dugsiyada. Waxa ay raadiyeen tabo ay iyaga aqoontooda ku sii kordhin karaan, inta aysan ka doodin kana faalloon tan dugsiyada taal. Gelin waxa ay ahaayeen bareyaal. Gelinna iyaga ayaa waxbarasho heer Jaamacadeed ah galay.

“Jiilaal abaariyo,
Jabad laga hayaamiyo,
Waxaan jabaqla’ soo maray.

Jarmaadiyo carraababa,
Jidka waxaan ku soo jiray,
Hadba jimicsi iyo taah,
Jabkaan anigu soo maray” 

– heesta Jamaadeey ee uu qaaday: AUN Cumar N. Cabdulle.

Friday, March 24, 2017

Ma miyiga mise magaalada? (xilliga roobka).

Goobta Sawirka: Calmadoow, xuquuqda sawirka: Cali Ducale
Kala duwanaanta miyiga iyo magaalada xilli roobaadka

MIYIGA

Waa xilli roobaad, waxaa marba meel ka hillaacaya oo ka gugcaya, guga roobka oo curtay. Dhirta qaar waa ay sii dhacriyeysaa roobka ka hor. Waxaa da'ay roobkii la filayay da'istiisii, garo oo halka kan waa miyi. Xoolaha oo abaarta ka bixisteeda xiisa u qabo waa laga celinayaa halka uu roobku ka da’ayo ama uu ka qayoodo ay kaga timaaddo neecaawda iyo carafta roobka, oo way u boholyowsan yihiin. 

Roobkii ayaa da'ay Alxmdullilah. Sidii la rabay iyo si ka wanaagsanba waa uu u da'ay. Dhulka waxaa meel walba oo hoos u godan waran (daadsan) xareed aad u macaan. Marka ay ishaadu qabato waxa aad moodeysaa caano shaah yar lagu dhexdaray. Togogga (waadiyada) waxa ay wadaan biyo gaduudan ay kala soo hoobteen dhagaxa sare iyo buuraha dhaadheer. Dhulku muddo gaaban dabadeed, waa kaa doogga ah oo ishii deymootaaba aysan kasoo noqon karayn. Xooluhu inta badan waa irmaan. Dhulku waa dhul barwaaqo, subaxa hore lo'da barqin loosii daayaa, dhulku waa wada dhado iyo dharab. Lo’da kolkii ay barqinka kasoo noqoto ay usoo wada yeerto weylaheedii saakadii hore laga reebay si ay ugu soo noqoto guriga, iyada oo si fiican u darartay ayaa la lisaa. dabadeed xoolaha la sii wada daayaa. Qaalmaha (kuwa lo'da iyo geela) ayaa orgoosho gala, kolkii ay ka dhargaan daaqa. Ariga abaartu dilatay kolkii ay daaqa hore leefaan iyana waa wada rimaan. Dhirta oo aad moodday inay wada nafbaxday goor hore se caleentu uun ka dhacsaneed nafta ayaa kusoo noqoto quruxda iyo bilic badanina u keenaan deegaanka. Ubaxa kala nooca ah iyo miraha ceynba ceynka ah ayaa aad la yaabeysaa, adiga oon cidina la wadaagin. Marka aad dhex istaagto meelaha keymaha ah, dhirta kala nooca ah leh, aad moodeysid in ay isku faanayaan. 

Dhulku waa dhul doog iyo barwaaqo badani ka muuqato, waa dhul ay indhuhu jecleysanayaan inay waligood eegaan. Marka aad neefsato soow kama sii darna! Sanka ayaad la raacaysaa udugga ka soo baxaya ubaxyada kala geddisan ee kala jaadka ah oo ay dabeyshu dhankaaga keentay. Dhegtaadu waxa ay jecleysaneysaa jabaqda kala duduwan ee shimbiriha geedaha dulsaarani ku ciyayaan, qaarbaad dhabanada la qabsaneysaa kolkaad aragto quruxda iyo hannaanka ay kuugu heesayaan. Cajiib! Alla dunida dhammideed may sidaan noqoto. Qaarbaad ku qosleysaa saa adigayba kaa foori qurxan yihiine, galbihii kolka la gaaro ariga oo meyracanaya isha mala raacday, waa qaar iskii u fadhiga oo baryo-qaadaya iyo qaar aad u maleysid in la yiri maanta ayaa duni kugu dambeyso oo isagoo calsoohu ka koreyso wax kale kusii guraya.


MAGAALADA

Waa meel iskeed u kulul. Ma dadkaa mise waa dhisma yaasha qaabka daran loo dhisay? Kolleey mooyiye iskeed beey u kulushahay. Roobka waa la rabaa oo la tebeyaa si loo qaboobo, se inkaarbaa ka dambeysa. Sababtu waxa waaye marka uu roobku yimaad malahan meelo hagaagsan oo biyaha kala maareeya. Guri kastaaba si qaab daran ayuu u dhisan yahay oo waxaa dhistay mid lacag ku faana, aanan ka fikirin aayaha guryaha ku xeeran. Mid kastaaba waxa uu ku mintidayaa yaan lagaa guri dheeraan oo daadka lagugu soo rogin. Halkaa waxaa ka baxay in laga fekero meeshii lagu qaabeyn lahaa biyahan aadka u heer sarreeyo. 

Cidkastaaba subaxii waxa ay bannaanka kusoo qubtaa wax allaale iyo wixii raashiin si kas cad xaqdarro loogu karshay, waayo cid kastaaba way awooddaa inay aqoolato raashinka quud ahaan ugu filan maalin kasta se waa yaan la idin dhihin reerka kan waa faqiir iyo wax lamid ah. Marka uu roobku yimaad aadbaad ugu farxeysaa illeen waa nimco Rabbi keenee, marka uu qayoodo roobku ma is tiri bal bannaanka fiiri adiga oo moodaya inaad biyo xareed iyo neecaaw qabow bannaanka ka heleyso, saa abkeey bullaacad soo hunqaacday iyo luuq luuqyada xaafadda oo asalba aaad moodeysay in maalin walba xeeys u gooniyi ku da'o oo wada ureysa ayaa aad la kulmeysaa, socod isku day ayaad is dhaheysaa, saa waaba ka daran waa; “bajiiq bajuuq, bajuuq bajiiq” iyo dhul soo wada uraya, waxaad is leedahay war halkaan waa xaafad dhexdeeda e, Laaamiga bal eeg. Haddaad yaab aragtay! Waa kasii daran, waxaad u maleynaysaa tog hooraya. Maxaa loogu samayn waayay biyahaan meel ay ka baxaan? “Waddanku waa bilaa dowlad oo muddo badan buu dunsanaa”. ayaa laguugu jawaabayaa. 

Ganacsadahaan ama xoole qabeen kaan guriga ku faanayow, ayaa kaa hortaagan in aad uga fekerto quruxda baladkaaga, sida aad uga fekertay in aan "waa faqiir" lagu dhihin? Iska dhaaf wax kala e, bacihii qashinka lagu aruurin jiray xitaa, inta kol hore la gubi lahaa, waxa lala sugayaa roobka. Halka bac socda waad la yaabi. Biyo aad cabto inta iska dhaafto, dhaafto, dhaafto, ayaad ka shakiyeysaa dhibicda roobka ee magaalada korkeeda ku soo dhacdaa ma sidaan ayeey u wasakheysan tahay mise. Taa waxaa kasii daran hadaad meel ku jeeddo laamiga ma ag mari kartid. Mid kastaa oo gaari cas wataaba (intooda badan) waakan biyahaa iyo bacahaa is dhex yaacaya shacabka ku dhibaateynaya "fash" iskuulleey ahoow, habar suuq kasoo adeeganeyso ahow, ama mid si kale isaga socdo ahow e, adiga iyo dharkaagiiba bac iyo biyo wasakh isla roorayaa ku salaamaya "assalamu caleykum, xagee baad ku jeedday? Xaafaddii isaga noqo adeer bilaa shuruud" , waa habaar toos ah waa hadalkaan ku iriye doonistii roobka miyeyna ka dambeyn habaarkaa. Kolkaasaad qaadi hees bilaa muusig ah:

Magaaladu qarribanaa,
Qurun iyo dhibaatiyo, 
Qaab-dhisme xumo badanaa!.


`Dhammaad`



Saturday, March 11, 2017

Waan la saaxiibi waayay!

Isha sawirka: Google


Markii aan ogaaday qiimaha uu leeyahay, waxa aan isku dayay in aan la saaxiibo si aan uga faa’ideysto qiimaha (aan aniguba arkay) lagu sheegayay. Goor walbo oo aan usoo dhawaado, waa iga sii fogaan jiray. Waxa aan isku dayay in aan la sheekeysto oo aan la fadhiisto si aan arrimo badan ugula hadlo laakiin jaanis ima uusan siin waayo wiligii maba fadhiisto.

Ma aha mid diidaya in lala saaxiibo, mana uu doonayo in la saaxiibkiisa ay hor istaagto shaqadiisa. Waa keligii tashade oo cidna lama tashado, cidna waxa ay jeceshahay ma weydiiyo, fursad in uu ku siiyo lagama yaabo oo uu ku weydiiyo wixii aad jeclaan laheed in aad ka codsato. Is kama kaa reebayo hadaad ku lug darsato, balse haddaad daasho oo aad rabto in aad nasato isagu maba nasto, Mana ku sugaayo. Marnaba lama sheegin, aniguna ma arag isaga oo taagan ama fadhiya. Ammin walba waxa uu ku fooggan yahay howshiisa. Sidiisa oo kale lama noqon karo!

Anigu, waxa aan jeclaan lahaa in uu joogsado kolka aan; hurdo, aanan rabin in aan wax qabto ama an ka caajiso wax qabashada IWM. Doonisteyda ma noqon, mana noqon karto mid guuleysato. Waayo haddaan hurdo ama soo jeedo isaga waa isugu mid. Waa hor u jeed aan waligii gadaal milicsan.

Sunday, February 26, 2017

DIB BAANNU U MIDOOWNAY!

Isha sawirka: Google

Waan isla soconnay. Isku mowqif ayaanu ahayn. Midkeenna iskiis go'aan uma gaari jirin. Waan isku faraxsanayn, in labadeenaba aanu is fahannay ayaan ku faraxsanayn. Go'aan walba halkeedii ayaanu isla dhigi jirnay. Annagoo sidaa ku soconno, ujeeddo iyo hal yoolna wada leh, ayuu mid labadeenaba naga weyni dhexda nagaga soo dhacay oo nagu soo lug darsaday naguna dhahay: "horay ma idiin sii raacaa?" Awal waxa ay aheed inaan wax walbaaba ka tashanno oo go'aan wada jira kasoo saarno e, saaka aniga uun baa go'aankii gaaray: "haaye inna mari. Maxaannu ku diidaynaa inaad na sii wehliso?" Show wuxu wehelba ma galo. 

Halkaas waxaa ka bilowday is maandhaaf aniga iyo rafiiqeygii aanu safarka ku wada soconnay. Asaga intaas waxba uma arkin, inkasta oo go'aanka aan keligeey gaaray yaab ku ahaa. Waxa aannu noqonnay saddex. Labadeennii hore iyo mid dhexda innooga soo dhacay, anigu ismaba aan lahayn saaxiibkaa iyo rafiiqaagii safarka aad isla soo bilowdeen ayaad ka dhaqaaqeysaa, se waabay dhacday taas. Mid kani jidka innooga soo dhacay, waa mid war badan oo afka uun ka falan. Saaxiibkeeyna, iskiis ayuuba u neceb yahay, dadka warka badan. Aniga mar walba, waxaan isku dayi jiray, inaan is fahamsiiyo labadooda, maadaama uu saaxiib keey dhibsanayay, ninkaan la socodkiisa. Laakiin waan fahmi waayay inuu saaxiibkey saxnaa. Waxaan soconnaba, waxaan sheeko iyo kaftan gurnaba, wuxuu noqday mid iga koobiya wax walbo, xataa hadaan sida idaha u ciyo: "macaac", wuxuu iigu jiibin jiray: "kkkkk, waad u ciyi taqaanaa sidooda e". Halka la iga raacay waaba qosolkaas. Dadku maxay u jecel yihiin inay saaxiibada kala geeyaan? Weydiintaas war celinteeda ma helin weli, se meeshaas waxaa ku yaraaday, aniga iyo saaxiibkeey is ka warqab keennii, wada tashigii iyo wax walbo oo aan isla socod siin jirnay. 

Dhowr mar oo uu isku dayay inuu ila hadlo waxaan dhageey sanayay aanan fiirinayay afka ninkii da’da weynaa oo carruurta iska yeelayay. Saaxiibkeey, wuxuu iiga digayay uuna arkay inaan saaxiib mooday ninkan naga wada weyn labadeena, anne waxaa dhagjalaq uma siine, ninkaan baanba ku tixmay oo aan xer u noqday. Marka ay iigu darnayd waxa ay ahayd marka uu igu yiri saaxiibkey oo hurda: “kasoo tag, aan baxnee labadeena waan isku filan nahay e?”. Marka uu arkay inay taasi ii cuntami waysay ayuu igu harqiyay, waxyaabo aan ku illaaway saaxiibkeey. Toloow ma doqon baan aha markaa? Haaye, maxaan war kaaga daalin waanka dhaqaaqay saaxiibkeey, weliba meel cidla ah, isaga oo kaaga daran e, sii hurda. Saaxibtinamadeydu xumaa! Waan dhaqaaqnay, jidka ayaan cagta saarnay, mowjad kale aan tii aan ku jiray ahayn, ayuu ii saaray. Qosol doqon ah oo i hilmaan siiyay, jidkeygii hore ayuu iga keenay waan iska daba galay uun. Sida uu marba marka kasii dambeysa hawada iigula sii baxayay, ayuu i joojiyay, meel bahgooya ah. Inta igu soo jeesayay igu yiri: "waryaa doqonka? Cagta wadada saar hadaad is bixin karto anigu waankaa weynahoo, iima cunnanto inaan siqiirkaa la socdee". Ma adeer baan dhahaa mise saaxiib, waa kan da’ weyni iigu faanayee. Adeer aa! Sow asagii markii horeba saaxiibtinimada idinkuu soo galay, ilaa meeshanna saaxiib-ta gurayay. War adeerna ha dhihin kan, waa kii saaxiibkaa kaa soo fogeeyee. Intaas aniga oo isku la hadlaya ayaan weydiiyay: "maxaa is badalay? Sow innagii wada soconnay? Maxay tahay aan kala harnadaan?" Waxkasto hadaan dhahay wuxuu iigu digtay inuu iga waayo aragsan yahay damiirkiisuna uusan siinayn inuu dhoocil xun lasii socdo intaan ka badan: "waryaa doqonka, intaanba dulqaad baan kugula soo socdee orodoo meelahaa la mar fud fudeyd kaaga". Yaab! Waxaan weydiiyay “Hadaad sidaan noqoneysid maxaad saaxiib keey iiga soo kaxeysay? Wuxuu iigu jawaabay: "waxaan ogaa in saaxiibkaa haddii uu kula socon lahaa, aan sida aan rabo aanan kaa yeesheen”. Xilligaa muxuu tarayaa calaacal iyo qoomamo. 

Waxaan ku roonaaday inaan dib usoo noqday soona raadiayay saaxiibkeey. Intaan wadada gadaal uga soo jiray waxaa mar mar igu soo dhacayay sheekooyinkii uu igu maasheeyay kii weynaanta iigu faanay. Horta miyaan fiyoobaa markaan saaxiibkeey oo hurda kasoo dhaqaaqay. Suufigan ilaaheyna soo raacay. Waxaan u tagay saxiibkeey oo aan la fiirin Karin, duruufta iyo diifta ka muuqato waa mid aan aniga sababteeda lahaa. Kol hadaan u sheegay inaan usoo noqday, ninkii aan isaga ka raacayna meel cidlaa igaga dhaqaaqay waa iska keey cafiyay dib ayaana u bilownay safarkeennii.

  `Dhammaad`

Monday, February 6, 2017

WAA UU KA BAQAYAA!

Isha sawirka: Google
Waa Buube. Saaka aadbuu isu diyaariyay. Ciddu waxa ay moodeysaa in uu iskuulka isku diyaarinayo, balse kala warla'. Saaka waa kan is eeg eegaya, iskuna leh: “subaxaan, waa in aad dhiiranaan muujisaa.” waxa uu isu dhiirrigelinayaa waa gabadha ay xaafadda isla deggan yihiin ee guriga sii jeeda kan kusoo jeedo deggan. Waa Bushra waa inan dabeecad fur furan iyo weji dhoolla cadeyn kugu qaabilaya leh. Waa qof joog iyo jamaalba isku darsatay. Hadaad aragto adigaaba isku jeclaan – oo keliya.

Buube dhowr mar ayuu horay isugu dayay in uu la hadlo misna la wadaago arrimahan uu kelida ku noqday ee ah in uu ka helay cuddoontan. Is-aragoodii koobaad waxa uu ahaa isaga oo iskuulka u cararaya aroor hore oo uu kula kulmay iyada oo suuqa kasoo adeegaysay. Aragtidii koobaad ayaa samada loola baxay Buube. Oo waxa baas ee la baxay maxay ahaayeen tolow? Kollay mooyiye, indhahooda ayaa mar qura is qabtay: QAC car bal ka jeedi adiga.Waa uu ku dheygagay. Dhoolla cadeyn ayeey ku qaabishay, waana ka dhaqaaqday. Buube meeshii ayuu kelidii ka dhaqaaqay asago la yaaban waxa socodkii sii ka joojiyay. Waxa uu isa sii weydiinayay: “adduunyadaanna ma xaafadey kula dagneed waa yaabe? Wuxu maxay ahayd, ma dad?” iyo weydiimo la mid ah.

Maalin walba waxa uu kula kulmayay halkii uu ku arkay markii ugu horreysay. Dhowr subax oo is-fiirin iyo is-garab mar la isku arkayay, waa kii Buube dhiiranaan iska dayay oo dorraad la hadlay:
“Asc, walaal. Sidee tahay?” Buube ayaa yiri.
“Wcs, walaal. waan fiicanahay. Adigu sidee tahay?” Bushra ayaa ugu jawaabtay.
“Anigu waan ficanahay, een een walaal horta een ma xaafada ayaad deggan tahay?” ayuu hadana weydiiyay isagoo hoosta iska leh: “ma anigaa ba fiyoow, illaa jeerkaan ku arkay. Halkaa iyo meel aanan garanayn ayaad durbaan nagaga tumeysaaye”.
“Haa walaal”. ayeey ugu hadal celisay.
“Een kumana aqaanne, halkaan uunbaan subaxii kugu arkaaye, waxaan is iri uun iska nabdi oo bal salaam” intaas ayaa neef tuur kaga soo baxday miskiinka.
“Haa dhib malaha walaal, waa runtaa anigu ba waan ku arkaa, balse kulama hadlin oo kumaba aan aqoonin” ayeey ugu jawaabtay.
“Haaye walaal horta magacaa?” ayuu su’aalay.
“Bushra walaal. Adigana?” ayeey ugu jawaabtay.
“Geeddi walaal, laakiin dadku Buube ayey iigu yeeraan.” ayuu ugu celiyay.
“Haye xaafaddaan sii aadayaa oo adeeggaan ayaa la iga sugayaa, walaal kheyr badan, barasho wanaagsan” ayeey ku tiri.
“Haa, haye haye walaal. Waa runtaayoo waa lagu sugayaaye kheyr badan.” ayuu ku yiri.
Ma isagaa rabo inayba ka tagto. Oo haday la joogto xitaa ma isagaaba la sii hadli kara waa kan intaan ku xiiqee.

Shalay ayuu go'aansaday inuu la sheekeysto, uuna la wadaago in uu daneynayo oo uu doon doonayo, balse waa ku adkaatay oo waxa uu ka bixi waayay salaam iyo nabdin. Markii ay kasoo hor baxday waa kan barafka ka qaboobaaday hadalna dhihi waayay – aan ka ahayn bariidiin.
“Asc, Bushra. Sidee tahay walaal?” ayaa uu hadalka ku bilaabay. 
“Wcs, waan ficnahay walaal. Adigu sidee baa tahay?” ayeey ugu jawaabtay.
“Waan fiyoobahay, bal xaafada sidee lagu yahay?” ayuu ugu celiyay.
“Nabad walaal aadbaa loogu fiicnaa.” Ayeey ugu jawabtay.
Intaas kolka uu yiri hadal kale waa ku dari waayay oo sida uu isku leeyahay bal wax kale ka hadal waxa uu kusoo celiyanaa:
“Waad fiican tahay somahan.” Iyadana “Haa” uun bey ugu jawabeysay.
Markii uu in muddo ah hortaagnaa, ayeey ku tiri: “walaal waan daahaye, nabad galyo.”
“Haye walaal” inta ku yiri ayuu ka dhaqaaqay isagoo is canaananayo: “War maxaad qofta ula hadli waysay inta aysan kaa tagin? Alleylahe waa inoo berri” inta uu yiri ayuu iska dhaqaaqay.

Waa kan saaka dhaarsan oo u dhararaya la kulanka gabadhii uu ka helay. Waddadii ayuu cagta soo saaray. Waxa uu is weydiinayaa wixii uu ku dhihi lahaa iyo meeshii uu warka uga bilaabi lahaa: “Horta maxaan ku dhahaa markaan salaamo ka dib? Abaayo waankaa helay, ka warran hadaan dhaho? War haday dhahdo ka warran: “sideed iiga heshay?” Hay iyadu ma doqon baa marka ay sidaas ku dhaheyso. Maya maya, wax kale raadi. Ka warran hadaan dhaho, een een Abaayo waan ku rabaa? Kaba daran. War hadii ay ku dhahdo ka warran, xageed iga rabtaa? Yac! Sidaas dhihi mayso malahee, ninyow laakiin gabdhahaan waa iska dhib badan yihiine, haddii ay rabto waa ku dhaheysaa. Een een ka warran een, abaayo waad isoo jiidatay? Waa wareey! Tanaaaba ka daran. War sidey kuu soo jiidan kartaa qof dhan! Ar sug, jiiditaanka kii dhulka sida tooska la isugu jiidayay maahee, oo ninyow qoftu ma magnad baa?!”


Intii uu su’aalahaa oo dhan is weydiinayay waa taa xaga kasoo muuqata oo dhinaciisa usoo socota. Indhaha kolkii uu ku dhuftay, wixii uu maanta dhan soo dhisayay car bal keen. Nag. Waa uu waayay wax uu la shir tago. Dhinac kale ayeey u wareegtay dhiiranaantiisi oo hoosta ayuu ka leeyahay: “Alla waa tan wallaahi! Bisinka tolow maxaan sameeyaa? Alla maan caag noqdo! Maya, tan lama hadli kartid saaxiibow. Miyaan dhuuntaa horta? Dhuumasho? Oo halkee ayaad ku dhuuman?” Wax intaa kasii badan, isaga oo is weydiinaya waa kaa gabadhii xurgufta ku agmaray – isagoo xiimaya. Ma fatuurad baa walaalow? Mayee, waa uu ka baqayaa miskiinka.

~Dhammaad~