Wednesday, July 31, 2019

Marqaankayga


Heeskaan soo socdo markii iigu horreysay ee aan maqlay waxa aan saarnaa gaari gaadiidka dadweynaha ah -muddo dhowr sano laga joogo. Wadaha gaariga oo ku marqaamayay ayaan ka gartay sida uu u xamaasoonayay in heesku cajaa’ib leeyahay! Dhegtaan u raariciyay. Waan dhageystay waxoogaa, cuudkaaba i qaaday. In aan sidiisa marqaamayaan mooday. Ereyadaan u dhag taagay, cajab! Gaarigii aan saarnaa dhul ka baxsan bay i geysay heestii. Waxaan ku war helay, ninkii gaariga rarayay oo leh: “lacagta keena waa la gaaray goobtiiye”. Waan maleysan kari waayay in boosteejadii durba la gaaray.

Heestii ayaan raadiyay. Waxaan ku sigtay in aan youtube-ka uga baaro sidan: “Heestii uu dhageysanayay darawalkii gaariga”. Balse fannaaniinta qaadayay oo aan codkooda gartay ayaa ii sahashay. Dhowr daqiiqo baaritaan ah ka dib waan helay. Ilaa iyo hadda waxay iigu jirtaa kuwa iigu xamaasadda badan markaan dhageysanayo qaraamka.

Heeska waxaa wada qaadaya Xasan Aadan Samatar iyo AHUN Sahra Axmed Jaamac. Ma aqaan abwaanka sameeyay erayada. Fadlan ila wadaag haddii aad taqaano.  

Heesku wuxuu u dhacaya sidan:

(1)- X. A. Samatar:

Canabkoo magooliyo,

Cargaduudda mirihiyo,

Cosobiyo dhul baad laay!

Lagu mood cirjiireey,

Casar roob darrooroo,

Ay cadceeddu qabatiyo,

Calcalyada xareeddee.

Midabkaagan ciidkee,

Caashaqa u sahanaa,

Niyadeydii cugataye,

Ku calmadaye ma og tahay?

Humaagga aad sawiran karto ee uu abwaanka qeybtan ku muujiyay ayaa ashqaraar leh! In la calmaday istaahishaa qurux noocaas ahi.

(1)- Sahra Axmed (AUN):

Isu soo cayaarguda,

Cadallool wadaagtoo,

Berya cuudka wada jiray.

Cidahooda wada tiil,

Is taqiin carruurnimo,

Maynu noqon cashiiree,

Caawaynu kulannoo!

Ii culeysay sheekee,

Sideen kuu cajabiyaa?

Isma camal naqaannee,

Cududdayda sii daa!

Qeybtan wuxuu abwaanku faallo kooban ka bixinayaa gabadhan uu ninkaas qeybta kore ku sheegay inuu calmaday iyo iyada in aanay is aqoon, oo ay cawayskan uun isku arkeen. Gabadhu waxay wiilka ku leedahay: “War xitaa daris ma ahayne sideen kuu cajabiyaa?” oo yacnii ah qof i yaqaanoba ma tihid oo caawa keliya uun baan kulannay ee sideed ii calmatay? Waa la isku galay meesha!

 (2)- X. A. Samatar:

Carra laga hayaamoo,

Ciyowgii ka qayshoo,

Cooflaha libaaxiyo,

Cagweynow maroodigu,

Cimidh ay u joogaan.

Caarraha shabeelkiyo,

Wiyilihu cartamayaan!

Caashaqaa daraaddaa

Dhul cabsi le i mariyoo

Ku go’doomay cayntee

Ku calmadaye ma og tahay?

Dhulkaan uu abwaanka dhex joojiyay ninkaan gabadha rabo in uu u sharraxo sida uu u yahay ayaa la yaab leh. Waa dhul uu abwaanku ku kulmiyay duur-joogta kuwooda waaweyn. Wuxuu leeyahay: Dhulkaas cabsida leh caashaq aan kuu qaadaa i geeyay. 

 (2)- Sahra Axmed (AUN):

Casguduudka waaberi,

Cadceeddoo falaadhaha,

Ku cigaalan nuuriyo.

Manka caaradiisiyo,

Curub geed ku taalliyo,

Waxaan ahay carruur weli,

Waalidkii ceshanayoo,

Ma aqaanno caashaqa,

Caynka uu u dhiganyee,

Isma camal naqaannee,

Cududdayda sii daa!

Gabadhu waxay leedahay si ay ninkaan warkiisa isaga leexiso, waxaan ahay curdin soo baxaayo oo waalidkeed cishanayo oon caashaq aqoon xitaa sida uu u yaal!

Laxanka, cuudka iyo luuqdaba waa kuwo xiiso gaar ah iigu yeelay heeska. Waa marqaankeyga. 

Heesta halkaan ka raac link oo ka dhageyso: https://www.youtube.com/watch?v=E-ZOleeU9bU

 


Tuesday, April 23, 2019

ANFARIIR


Habeen Axad ah 21 April, 2019; 09:25PM

Waxaan ka baxnay goobta shaqada. Waa aniga (Yaxye Jacfar) iyo Sayidcali. Goobta shaqadu waxay ku taal agagaarka shaqaalaha. Waxaan wataa laptop boorso ku jiro oo garabka ii suran iyo moobil aan gacanta ku haysto, Sayidcalina moobil weyn iyo mid yar (niicle), jeebka ayay ugu jiraan. Waxaan qaadnay waddada Taleex aaddo ee Isgoysa Xaaji Baasto ka leexato. Isaga (waa Sayidcali e) oo taleefan ku hadlaya ayaan ag marnay Jaamacadda Green Hope. Waxaa naga soo horjeedo irridda Idaacadda Shabeelle. Waxaan u leexannay dhanka bidix, waddada hor marta Frontier College. Marka aan sidaa u leexanay, waxay indhaheennu qabanayeen Mooto Bajaaj taagan oo ay dadna saaran yihiin qofna uu dhulka taagan yahay. Waxaa gadashooda soo socdo 2 nin iyo gabar. Dhammaantoodba afkooda wuxuu u jiheysnaa liddiga jihadaan u soconnay. Annagu Galbeed ayuu afkeennu aaddisnaa iyagana Bari.

Dadkii socday, ayaa ay Mootadiina ku lug darsatay. Marka aan Bajaajta agmareyno waxaa si fiican noo eegayay qofkii dhulka taagnaa. Aniga dareen ima gelin, Sayidcali ayaanan ku dhahay: “Waa maxay kan siduu kuu eegayo?” wuxuu iigu jawaabay: “Waan ka cabsiiyay oo wax bustoolad wataan isaga dhigay, jeebka dhinaciisa gacanta ku qabsaday shaatigana hoos ayaan u celiyay!” aniga oo hadalkaas ku sii qoslayo kaftanka ah ayaan sii dhaqaaqnay. Waxyar ka dib inta aanan gaarin Frontier College waxaa gadaal ka soo xiintay mooto. Mootatii waa na lagu soo hor gooyay iyadoo ay ka soo dageen labo qof labana ku hareen. Mid ayaa qori AK47 ah, hal xabbad lugaheena ka dhex kiciyay oo nagaga naxsaday, midna toorrey markii ay bishu qabato ‘walac’ leh ayuu ila ag yimid. “Ha is dilin” waan maqlayay wax intaa ka dambeeyo se ha i weydiin. Bal muu aayar: “iska dhiiba waxa aad wadataan” na dhaho, marka uu xabbad oo hadda xabbad ah afka naga gelinayo! Tuugadu waa in la baraa qofka iyaga oo aan dilin in ay wax ka qaadan karaan! Waxaan maqli jiray, qof la dhacay ayaa la dhaawacay oo wuu isku dhajiyay wixii laga dhacaayay, markaasa lagana qaatay lana dhaawacay. Waxaan isi dhihi jiray muxuu isaga dhiibi waayay. Laakiin sheekadu ka beddelen sidaa. Marka horeba waa in jugtu ku gaartaa si aad wax u dhiibto, waa tuugada dhaqankooda. Laakin taasi waa doqonnimo soomaaha? Haah.

Waxa ay qaateen moobilkii aan gacanta ku haystay oo dhulka ku dhacay iyo boorsadii laabtoobku iigu jiray. Orod ayaa ay is geddiyeen. Waxay ku leexdeen luuqa Masaajidka Ramadaan hormaro. Waan sii dhaqaaqnay annaga oo anfariirsan! Durbadiiba iyadoo xiimeyso ayaa ay na soo ag martay. Sayidcali ayaa talo soo jeediyay ah in aan dabo galno. Anne waxaan ku dhahay: “Saaxiibow feerahay na goyanaaye aan isaga harno”. Innagoo sidaa leh, waxaa inoo timid askar dad aruurinaysay. Dadkii ayaa na la ku daray. Waa na la baaray oo saf dheer na la geliyay. Waxaan u sheegnay in aan dhacan nahay oo ay na dhacday mootatii waxyar ka hor sii carareysay. Askartiii dadka aruurinaysay ayaa nagu yiri: “Safka gala, ninkii wax qaba taliyuhuu u sheegayaaye”. Taliyihii ayaa na loo geeyay, markii aan u sheegnay waxa nagu dhacay, wuxuu na weydiiyay in aan weji ahaan garan karno iyo in kale. “Maya” ayaan ugu jawaabnay, maxaa yeelay kuma dhiiran oo nagumaba soo dhicin in aan taariko iyo wax la mid ah eegno. Marba haddii xabaddii na hareer martay waa Alle mahaddii ayaan isugu laab qaboojinnay. Miyaanay ahayn? Waa ay tahay. Xaqiiq. Wuxuu yiri Taliyuhu: “Shit, ciidanka ayay arkeen waana carareen”. Oo miyeey u joogsan lahaayeen? Taliyihii wuxuu amray in nala sii daayo: “Nimanka dhacan daaya iyagaba dhacane”. Waan maqlay intaas. Waan sii dhaqaaqnay dad badan ayay askartu qabqabanayeen. Xaafaddii ayaan tagay oo Sayidcalina wuu sii gudbay. Alxm si nabad ah ayaan u seexday. Waan hurday in kasta oo aan wax tabayay. Eebbow mahaddaa! Subaxii waan soo baxay. Ilaa haddadaan, mootadii gaduudan oo aan arko, ciilbaan u qaadaa.

Haddii aan tuugada wax dhacda la qaban karin, almiina hala baro inay dadka si asluubaysan u dhacaan!