Habeen Axad ah 21 April, 2019; 09:25PM
Waxaan ka baxnay
goobta shaqada. Waa aniga (Yaxye Jacfar) iyo Sayidcali. Goobta shaqadu waxay ku
taal agagaarka shaqaalaha. Waxaan wataa laptop boorso ku jiro oo garabka ii
suran iyo moobil aan gacanta ku haysto, Sayidcalina moobil weyn iyo mid yar
(niicle), jeebka ayay ugu jiraan. Waxaan qaadnay waddada Taleex aaddo ee
Isgoysa Xaaji Baasto ka leexato. Isaga (waa Sayidcali e) oo taleefan ku hadlaya
ayaan ag marnay Jaamacadda Green Hope. Waxaa naga soo horjeedo irridda
Idaacadda Shabeelle. Waxaan u leexannay dhanka bidix, waddada hor marta
Frontier College. Marka aan sidaa u leexanay, waxay indhaheennu qabanayeen
Mooto Bajaaj taagan oo ay dadna saaran yihiin qofna uu dhulka taagan yahay.
Waxaa gadashooda soo socdo 2 nin iyo gabar. Dhammaantoodba afkooda wuxuu u
jiheysnaa liddiga jihadaan u soconnay. Annagu Galbeed ayuu afkeennu aaddisnaa
iyagana Bari.
Dadkii socday, ayaa
ay Mootadiina ku lug darsatay. Marka aan Bajaajta agmareyno waxaa si fiican noo
eegayay qofkii dhulka taagnaa. Aniga dareen ima gelin, Sayidcali ayaanan ku
dhahay: “Waa maxay kan siduu kuu eegayo?” wuxuu iigu jawaabay: “Waan ka
cabsiiyay oo wax bustoolad wataan isaga dhigay, jeebka dhinaciisa gacanta ku
qabsaday shaatigana hoos ayaan u celiyay!” aniga oo hadalkaas ku sii qoslayo
kaftanka ah ayaan sii dhaqaaqnay. Waxyar ka dib inta aanan gaarin Frontier
College waxaa gadaal ka soo xiintay mooto. Mootatii waa na lagu soo hor gooyay
iyadoo ay ka soo dageen labo qof labana ku hareen. Mid ayaa qori AK47 ah, hal
xabbad lugaheena ka dhex kiciyay oo nagaga naxsaday, midna toorrey markii ay bishu
qabato ‘walac’ leh ayuu ila ag yimid. “Ha is dilin” waan maqlayay wax intaa ka
dambeeyo se ha i weydiin. Bal muu aayar: “iska dhiiba waxa aad wadataan” na
dhaho, marka uu xabbad oo hadda xabbad ah afka naga gelinayo! Tuugadu waa in la
baraa qofka iyaga oo aan dilin in ay wax ka qaadan karaan! Waxaan maqli jiray,
qof la dhacay ayaa la dhaawacay oo wuu isku dhajiyay wixii laga dhacaayay,
markaasa lagana qaatay lana dhaawacay. Waxaan isi dhihi jiray muxuu isaga
dhiibi waayay. Laakiin sheekadu ka beddelen sidaa. Marka horeba waa in jugtu ku
gaartaa si aad wax u dhiibto, waa tuugada dhaqankooda. Laakin taasi waa
doqonnimo soomaaha? Haah.
Waxa ay qaateen
moobilkii aan gacanta ku haystay oo dhulka ku dhacay iyo boorsadii laabtoobku
iigu jiray. Orod ayaa ay is geddiyeen. Waxay ku leexdeen luuqa Masaajidka
Ramadaan hormaro. Waan sii dhaqaaqnay annaga oo anfariirsan! Durbadiiba iyadoo
xiimeyso ayaa ay na soo ag martay. Sayidcali ayaa talo soo jeediyay ah in aan
dabo galno. Anne waxaan ku dhahay: “Saaxiibow feerahay na goyanaaye aan isaga
harno”. Innagoo sidaa leh, waxaa inoo timid askar dad aruurinaysay. Dadkii ayaa
na la ku daray. Waa na la baaray oo saf dheer na la geliyay. Waxaan u sheegnay
in aan dhacan nahay oo ay na dhacday mootatii waxyar ka hor sii carareysay.
Askartiii dadka aruurinaysay ayaa nagu yiri: “Safka gala, ninkii wax qaba
taliyuhuu u sheegayaaye”. Taliyihii ayaa na loo geeyay, markii aan u sheegnay
waxa nagu dhacay, wuxuu na weydiiyay in aan weji ahaan garan karno iyo in kale.
“Maya” ayaan ugu jawaabnay, maxaa yeelay kuma dhiiran oo nagumaba soo dhicin in
aan taariko iyo wax la mid ah eegno. Marba haddii xabaddii na hareer martay waa
Alle mahaddii ayaan isugu laab qaboojinnay. Miyaanay ahayn? Waa ay tahay.
Xaqiiq. Wuxuu yiri Taliyuhu: “Shit, ciidanka ayay arkeen waana carareen”. Oo
miyeey u joogsan lahaayeen? Taliyihii wuxuu amray in nala sii daayo: “Nimanka
dhacan daaya iyagaba dhacane”. Waan maqlay intaas. Waan sii dhaqaaqnay dad badan
ayay askartu qabqabanayeen. Xaafaddii ayaan tagay oo Sayidcalina wuu sii
gudbay. Alxm si nabad ah ayaan u seexday. Waan hurday in kasta oo aan wax
tabayay. Eebbow mahaddaa! Subaxii waan soo baxay. Ilaa haddadaan, mootadii
gaduudan oo aan arko, ciilbaan u qaadaa.
Haddii aan tuugada
wax dhacda la qaban karin, almiina hala baro inay dadka si asluubaysan u
dhacaan!