Waan
isla soconnay. Isku mowqif ayaanu ahayn. Midkeenna iskiis go'aan uma gaari
jirin. Waan isku faraxsanayn, in labadeenaba aanu is fahannay ayaan ku
faraxsanayn. Go'aan walba halkeedii ayaanu isla dhigi jirnay. Annagoo sidaa ku
soconno, ujeeddo iyo hal yoolna wada leh, ayuu mid labadeenaba naga weyni
dhexda nagaga soo dhacay oo nagu soo lug darsaday naguna dhahay: "horay ma
idiin sii raacaa?" Awal waxa ay aheed inaan wax walbaaba ka tashanno oo
go'aan wada jira kasoo saarno e, saaka aniga uun baa go'aankii gaaray:
"haaye inna mari. Maxaannu ku diidaynaa inaad na sii wehliso?" Show
wuxu wehelba ma galo.
Halkaas waxaa ka bilowday is maandhaaf aniga iyo rafiiqeygii aanu safarka ku wada soconnay. Asaga intaas waxba uma arkin, inkasta oo go'aanka aan keligeey gaaray yaab ku ahaa. Waxa aannu noqonnay saddex. Labadeennii hore iyo mid dhexda innooga soo dhacay, anigu ismaba aan lahayn saaxiibkaa iyo rafiiqaagii safarka aad isla soo bilowdeen ayaad ka dhaqaaqeysaa, se waabay dhacday taas. Mid kani jidka innooga soo dhacay, waa mid war badan oo afka uun ka falan. Saaxiibkeeyna, iskiis ayuuba u neceb yahay, dadka warka badan. Aniga mar walba, waxaan isku dayi jiray, inaan is fahamsiiyo labadooda, maadaama uu saaxiib keey dhibsanayay, ninkaan la socodkiisa. Laakiin waan fahmi waayay inuu saaxiibkey saxnaa. Waxaan soconnaba, waxaan sheeko iyo kaftan gurnaba, wuxuu noqday mid iga koobiya wax walbo, xataa hadaan sida idaha u ciyo: "macaac", wuxuu iigu jiibin jiray: "kkkkk, waad u ciyi taqaanaa sidooda e". Halka la iga raacay waaba qosolkaas. Dadku maxay u jecel yihiin inay saaxiibada kala geeyaan? Weydiintaas war celinteeda ma helin weli, se meeshaas waxaa ku yaraaday, aniga iyo saaxiibkeey is ka warqab keennii, wada tashigii iyo wax walbo oo aan isla socod siin jirnay.
Dhowr
mar oo uu isku dayay inuu ila hadlo waxaan dhageey sanayay aanan fiirinayay
afka ninkii da’da weynaa oo carruurta iska yeelayay. Saaxiibkeey, wuxuu iiga
digayay uuna arkay inaan saaxiib mooday ninkan naga wada weyn labadeena, anne
waxaa dhagjalaq uma siine, ninkaan baanba ku tixmay oo aan xer u noqday. Marka
ay iigu darnayd waxa ay ahayd marka uu igu yiri saaxiibkey oo hurda: “kasoo
tag, aan baxnee labadeena waan isku filan nahay e?”. Marka uu arkay inay taasi
ii cuntami waysay ayuu igu harqiyay, waxyaabo aan ku illaaway saaxiibkeey.
Toloow ma doqon baan aha markaa? Haaye, maxaan war kaaga daalin waanka
dhaqaaqay saaxiibkeey, weliba meel cidla ah, isaga oo kaaga daran e, sii hurda.
Saaxibtinamadeydu xumaa! Waan dhaqaaqnay, jidka ayaan cagta saarnay, mowjad
kale aan tii aan ku jiray ahayn, ayuu ii saaray. Qosol doqon ah oo i hilmaan
siiyay, jidkeygii hore ayuu iga keenay waan iska daba galay uun. Sida uu marba
marka kasii dambeysa hawada iigula sii baxayay, ayuu i joojiyay, meel bahgooya
ah. Inta igu soo jeesayay igu yiri: "waryaa doqonka? Cagta wadada saar
hadaad is bixin karto anigu waankaa weynahoo, iima cunnanto inaan siqiirkaa la
socdee". Ma adeer baan dhahaa mise saaxiib, waa kan da’ weyni iigu
faanayee. Adeer aa! Sow asagii markii horeba saaxiibtinimada idinkuu soo galay,
ilaa meeshanna saaxiib-ta gurayay. War adeerna ha dhihin kan, waa kii
saaxiibkaa kaa soo fogeeyee. Intaas aniga oo isku la hadlaya ayaan weydiiyay:
"maxaa is badalay? Sow innagii wada soconnay? Maxay tahay aan kala
harnadaan?" Waxkasto hadaan dhahay wuxuu iigu digtay inuu iga waayo
aragsan yahay damiirkiisuna uusan siinayn inuu dhoocil xun lasii socdo intaan
ka badan: "waryaa doqonka, intaanba dulqaad baan kugula soo socdee orodoo
meelahaa la mar fud fudeyd kaaga". Yaab! Waxaan weydiiyay “Hadaad sidaan
noqoneysid maxaad saaxiib keey iiga soo kaxeysay? Wuxuu iigu jawaabay:
"waxaan ogaa in saaxiibkaa haddii uu kula socon lahaa, aan sida aan rabo
aanan kaa yeesheen”. Xilligaa muxuu tarayaa calaacal iyo qoomamo.
Waxaan
ku roonaaday inaan dib usoo noqday soona raadiayay saaxiibkeey. Intaan wadada
gadaal uga soo jiray waxaa mar mar igu soo dhacayay sheekooyinkii uu igu
maasheeyay kii weynaanta iigu faanay. Horta miyaan fiyoobaa markaan saaxiibkeey
oo hurda kasoo dhaqaaqay. Suufigan ilaaheyna soo raacay. Waxaan u tagay
saxiibkeey oo aan la fiirin Karin, duruufta iyo diifta ka muuqato waa mid aan
aniga sababteeda lahaa. Kol hadaan u sheegay inaan usoo noqday, ninkii aan
isaga ka raacayna meel cidlaa igaga dhaqaaqay waa iska keey cafiyay dib ayaana
u bilownay safarkeennii.
`Dhammaad`