Thursday, October 26, 2017

WAAYIHII WARSAME (SHALAY IYO MAANTA)

Isha sawirka: Google

Maanta waxa uu u hanqal taagayaa, martabado iyo jagooyin uusan ku fekerin tobaneeyo gu' ka hor. Waxa uu naawilayaa in uu wax ka beddelo, siyaasadda waddanka uga dagsan xagga waxbarashada. Ujeedkiisu waa in qof wal uu helo aqoon naftiisa hagta. Waxa uu soo diyaarsaday, kana soo shaqeeyay qorshe lagu horumarin karo, laguna hagaajin karo waxbarashada waddanka guud ahaan ka jirto. Waxa uu ka soo shaqeeyay qorshe uu la kaashaday saaxiibkiis, Gallad. Gallad waa saaxiibka keli ah ee uu la wadaago arrin walba oo asiga ku soo korodho. Isaga iyo saaxiibkiis Gallad, waxa ay is barteen iyaga oo dugsiga dhexe dhiganaya, halkaa oo Warsame ku soo biiray dugsiga Dhexe Sare ee Aw-geeddi. Gallad ayaa uu ahaa qofkii uu la saaxibay, soo dhaweeyayna markii uu ku soo biirayay dugsigaan.


Warsame iyo reerkoodu waxa ay deggenaayeen tuulo yar oo xoogaa ka fog magaalada.  Aabbe Faarax iyo hooyo Faynuus ayaa dhalay Warsame. Reerkoodu waxa uu ahaa reer xoolo dhaqato ah. Isaga ayaa ah curadka reerka. Waxaa ka yar Caynaan iyo Caaliya. Markii uu soo koray oo uu kuray garasho gaaray noqday, aabbihii Faarax waxa uu geeyay dugsi uu quraanka ka barto. Kolkii uu in muddo ah dhiganayay quraanka, higgaadda iyo fartana si fiican u bartay, waxa uu aad u jecleystay barashada Farsoomaaliga. Macallin Raage ayaa dhiga hingaadda farsoomaaliga. Ammintii uu bartay farta iyo dhigaalka farsoomaaliga, waxa uu aad u jecleystay barashada tacliinta maadiga ah. Waxa uu ku raaxeysanayay akhrinta buugaagta naadirka ah ee (farsoomaaliga ku qoran) tuulada laga helayay. Macalin Raage kheyr Alle ha siiyo e, waa nin tacliin badan yaqaanna. Tuuladaan ayuu soo dagay markii uu waddanku burburay. Keligii sooma uu degin e, cilmigiisi iyo aqoon tiisina waa la yimid. Waxa uu si bilaash(lacag la'aan) ah ku baraa, higgaadda iyo barashada Farsoomaaliga. Aqoontiisa waxa uu uga faa'ideeyay boqolaal tuulada degganeyd oo yaryar iyo waaweynba isugu jiray. Warsame, Macalin Raage ayaa waxa uu ka dhageystay in badan isaga oo ka faalloonaya tacliintii waddanka taallay xiligii ay dawladda dhisneed. Aad ayaa uu xiiseynayay ogaanshaha iyo barashada aqoon hor leh kana xeel dheer farsoomaaligaan hadda uu bartay. Waxa uu la sheekeystay, waxbadanna ka wareeystay macallin Raage sidii uu aqoon dheeri ah ku raadin lahaa iyo halka uu ka baran lahaa. Macalinka ayaa u tilmaamay halka uu waxbarasho ka heli karo, isaga oo u sheegay in aan la heleyn aqoontii hore oo kale.

Hadda dagaalkii sokeeye waa uu yaraaday, dadka intoodii waddanka dibadda uga baxday maahee intii tuulooyinka miyiga ku qaxay magaalooyinka ayeey dib ugu laabanayeen. Isaga caqabad ayaa hor taalla, waayo isaga ayaa reerka xoog u ah. Aabihii isaga ayaaba ka fir fircoon. Galab ayuu u yimid aabihii, isaga oo geedka kullanka ah ee ay harsadaan, derin (salli ka sameysan caw) u taal oo dhageysanaya BBC. Markii uu la dhageystay bbc-dii ayuu aabihii uga faallooday sheekooyin ka hadlaya, tacliinta iyo faa'idadeeda. Aabihii oo awal luguhu u fidsanaayeen, xusulna u saarnaa barkin caws laga sameeyay ayaa u soo fariistay hadalka uu wiilkiisu ka hadlaayo. Oday Faarax waxa uu awal ku dhibbanaa warqad uu walaalkiis dibadda uga soo diri jiray wax u akhriya, una qora wixii uu u celin lahaa. Taa maalmahan waxa uu uga maarmay wiilkiisa oo soo bartay sida loo akhriyo loona kiciyo Farsoomaaliga kadibna dib ugu qori jiray adeerkii Caynaan. Caynaan waa adeerka lagu samiyay wiilka reer Faarax ugu yar.
Faarax ayaa ku yiri wiilkiisa: “Aabbow, horta tacliintu waa wax fiican, sidaan arkayba. Waa ayna fiican tahay inaad farta gasho oo aad sii barato, laakiin aniga waa ii jeeddaa oo adigaan kugu nastaa, waayo dhib ayaan ku jiray inta uusan xoogaagu igu soo biirin, oo aanad cidda dhaankeeda iyo xoolahaba iga kaalmeyn. Balse kol haddaad leedahay, tacliin ayaan baranayaa horta aniga waan doonayaa inaad barato, maxaa yeelay; anigaa ‘ar hebeloow, walaalow kaalay warqad ii akhri iyo ii qor’ tuugmo ah la igu nacee in aanad sideeyda noqon oo dhammaantiin aadan wada noqon naha. Adi iyo walaaladaaba. Aabbe waad ogtahay cidna magaalada nooma deggena, adeerkaana waddankaba ma joogo. Aniga waa aanba iska adkeysanayaaye, aan xitaa Caynaan xooggiisa suga e, balse haddaad dhahdo, wax ayaan soo baranayaa, ayaa magaalada kuu joogo? Yaad la joogi oo quud la cuni yaad. Yaad yaad..."
Isaga oo sii wata ayuu ka dhexgalay: “Aabbe dhibba ha igu qaadatee kol hadaad adiga i fasixi quud iyo wax kaleba la waayi maa”.  

Reer Faarax waxaa u joogay xoogaa halo ah iyo tiro (100 neef) ari ah. Faarax ayaa talo u dhaqaaqay waxa uu u tagay xaaskisii Faynuus, una sheegay waxa dhex maray isaga iyo wiilkiisa. Labadoodii ayaa talo isula dhaqaaqay.
Faynuus ayaa tiri: “Horta Faaraxow, Xareed kaad ilma adeerka aheydeen soo maagalada ma deggena?".
“Haa, aniga ayaaba ku dago (gurigiisa joogo), marka aan magaalada innooga soo adeegaayo. Laakiin reer wiilkeenna u roon maaha. Xareedku waaba nin roone, afadiisaa inkaar qabto ah. Maya Maya ciddaa cid aan Warsame u dhiibi karnaa maaha.” Ayuu ku jawabay Oday Faarax.
Faynuus ayaa tiri: “kol hadeynaan cid kale heleyn, waa inaan iyaga miciin bidnaa oo ‘wiilkaas innaga haya dhibkiinba ha ahaadee’ ku dhahnaa.”
“Bal waa yahay" ayuu kaga jawaabay Faarax.

Warsame oo cidda dhaan ugu maqnaa ayaa yimid. Waxaa loo sheegay in cid reer Xareed la yiraa oo ay qaraabo yihiin lagala hadli doono, sidaas na uu gurigooda ku joogi doono inta ay waxbarashadu u socoto. Farxad iyo damaashad ayuu kaga fal celiyay hadalkaa. Faarax ayaa beledka labo neef oo ari ah u waday si uu reerka raashiin ugu soo iibiyo, reer Xareedna ugula soo hadlo arrintii ay isku waafaqeen isaga iyo afadiisa. Faarax ayaa Xareed kulan kula qaatay gurigiisa. Xareed ayaa arrinta uu Faarax ka dalbaday ka meer meeriyay oo madaxa ka dadbaday, meelo kalena iin uga yeelay, uguna soo gunaanuday: “Bal waan fiirin doonnaa”. Faarax ayaa is ka aamusay, kana dhaqaaqay, reerkiisana dib isaga noqday. Warsame waxa uu dareemay in reer Xareed aysan oggoleyn in uu la joogo iyaga. Dhawr maalin ka dib  ayuu talo soo jeediyay ah; in isaga la wado, reer Xareedna loo geeyo laguna yiraa oo keliya: “Xareedow wiilka waa wiilkaagii oo kale, waad ila dhashay, ilmahaaga ayuu la mid yahay, maanta ayuu waxtar kaa rabaa ee waa kaas Warsame Faarax” Oday Faarax ayaa markii hore diiday in uu sidaa yeelo, kana xumaaday sababta uu wiilkiisu isku liidayo. Isaga ayaa ugu jawaabay: “Aabbe danteenna masallo (maqaar) eey ayaan ugu seexaneynaa” Faarax ayaa ku qancay jawabta wiilkisa. Sidii ayuuna yeelay.

Reer Xareed ayaa loo geeyay Warsame. Oday Faarax, oday caqli badan ayuu ahaaye markii ay magaalada usii socdeen, labo neef oo ay sii wadeen; neef ka mid ah lacagtiisii waxa uu si qarsoodi ah u siiyay wiilkiisa isaga oo ku yiri: “Marka aad xaafadda wax ka weyso, meelaha maqaayadaha ah wax uga cun kistaan”. Markii uu dhawr maalin joogay xaafadda ayuu adeerkii ka codsaday in la geeyo dugsi (iskuul) hoose. Xareed ayaa sidii uu u meer meerinayay maalinkii dambe geeyay dugsi hoose oo ilmaha agoomaha ah la geeyo isaga oo arkaayo in ilmaha Xareed, iyaga oo aad u labbisan baabuur lagu qaado dugsi kalana la geeyo. Aad ayuu uga xumaaday in isagana dugsiga agoomaha la geeyo, ilmaha adeerkiina dugsi heer sare ah dhigtaan. Waa uu u dhabar adeygay in ay weydiiyaan ardadii uu dugsiga agoomaha ugu tagay: “Aabe, goorma ayuu dhintay? Hooyo ma kuu nooshahay adiga? Ehelkaagii wax aad taqaan miyaad la joogtaa?” Waayo ilmaha meshaas joogay ma garanayaan meel ay ku dambeeyeen waalidkood nolol iyo geeri.

Waxa uu soo maray rafaad badan. Mar waxa uu go’aan saday in uu baadiyihii isaga laabto kana tago meeshaan dan darrada iyo darxumada ku hayso. Waxa uu ahaa wiil yaqaan ad adeegga iyo adkeysiga. Markii uu dhammeystay dugsigii hoose ayuu aaday reerkiisii isaga oo ka cabanaya cunno xumi, hoy la’aan iyo waliba arrad la’aan. Hooyo Feynuus ayaa dhegaha ugu shubtay in uu adkeysto. Waxa uu dib ugu soo noqday magaaladii waxa uu ka tagay reer Xareed magaalada ayuu dhinac ka galay waxa uu raadiyay shaqo uu qaban karo si uu uga maarmo in uu reer Xareed dib ugu noqdo, waayo rafaad badan ayuu ku qabay. Isaga oo aan quud (cunno) ku heysan ayaa waxa u sii dheeraa jiif xumo, canaan joogto ah iyo waliba afadi Xareed oo aan arki karin isaga.

Maqaayad ayaa waxa uu ka helay shaqo ah: in uu saxamada dhaqo (xalo) iyo in uu miisaska tirtiro.  Ducaale oo ahaa ninka maqaayadda leh, ayaa la sheekeystay kana wareeystay halka uu ka yimid iyo waxa uu magaalada ka soo doonay. Ducaale ayaa ahaa nin wanaagsan, marka uu arkay wiilkan yar ee hawl karka ah iyo sida uu wax barashada u jecel yahay, u ballan qaaday in uu u ogolaanayo gelin waxbarasho ah. Waxa uu u sheegay in uu geyn doono dugsi ay ilmihiisu dhigtaan, oo uu maaluhana kala hadli doono si lacag yar looga qaado. Isagana uu siin doono mushaar uu isaga bixin karo lacagtaas yar,  maqaayaddiisana ka shaqeysto. Aad ayuu ugu farxay uguna mahad celiyay. Ducaale ayaa geeyay dugsiga dhexe sare ee Aw-geeddi waa halka ay Gallad isku barteen. Gallad ayaa ahaa isagana wiil duruufo badan soo maray. Labadooda ayeey dani saaxiibbo, wax walba wadaago ka dhigtay.

Warsame, waxa uu dhameeyay dugsigii sare. Kheyr Alle ha siiyo e, Ducaale ayaa soo gacan qabtay xilli uu u baahnaa caawinaad. Inta uu dugsiga sare ku guda jiray maqaayaddii waxa uu ka noqday xisaabiye. Shaqadii hoosena waa uu ka baxay. Oday Ducaale waa uu helayay cid u xisaabisa ama lacag qabte u noqota, waayo wiilashiisa oo aqoon sare leh ayaa joogay. Balse waxa uu is lahaa: Warsame niyadda yuusan ka dareemin in uu shaqo hoose (weelal dhaqid) bas ka haayo maqaayadda Ducaale. Sidaa awgeed ayuu shaqadan ugu soo dallacsiiyay. Isaga laftiisu waxa uu ahaa mid xisaabta ku fiican kana soo dhalaali karo shaqadaas loo igmaday.

Waxa uu weligiiba jeclaa suugaanta. Xilligii uu baadiyaha joogay ee uu gabanka yar ahaa. Waxa uu daawan xilliga aroosyada, ciyaaraha la soo bandhigo. Waxa uu aad u jeclaa ciyaarta dhaantada iyo ciyaaraha marka la ciyaarayo gabay ama tix laga horumarsiiyo. Isaga waxa uu jeclaa gabayadaas. Mudadaas uu arooska maalmaha sii jirana gabayadii uu habeennadii arooska soo dhageystay waa uu yaqiinay, laakiin muddo ka dib waa u hilmaami jiray. Dugsiga sare waxa uu ugu yimid suugaantii uu jeclaa oo qoran. Gabayadii uu xiiseyn jiray kuwo ka xeel dheer, kana mug weyn. Marka gabay uu macalinka ardayda u diro, isagu horay ayuu ka qeybi jiray.

Dugsigii uu dhiganayay ayaa uu macallin ka noqday markii uu dhameeyay. Macallin dhiga Suugaanta. Saaxibkiis Gallad, isaguna waxa uu noqday macallin dhiga Cilmiga Bulshada. Labadoodii waxa ay noqdeen isku mihnad. In kasta oo ay kala maaddo dhigayeen. Waxa ay wada degganaayeen guri ay kireysteen markii ay waxooga jeeb ah yeesheen. Habeenkii kolka ay casharrada berri diyaarinayaan waxa ay falanqeyn jireen qaabka iyo sida ay u shaqeeyaan dugsiyada. Waxa ay raadiyeen tabo ay iyaga aqoontooda ku sii kordhin karaan, inta aysan ka doodin kana faalloon tan dugsiyada taal. Gelin waxa ay ahaayeen bareyaal. Gelinna iyaga ayaa waxbarasho heer Jaamacadeed ah galay.

“Jiilaal abaariyo,
Jabad laga hayaamiyo,
Waxaan jabaqla’ soo maray.

Jarmaadiyo carraababa,
Jidka waxaan ku soo jiray,
Hadba jimicsi iyo taah,
Jabkaan anigu soo maray” 

– heesta Jamaadeey ee uu qaaday: AUN Cumar N. Cabdulle.