Saakay, magaaladu waa magaalo kale. Tii aan ogaa maaha. Magacu
waa magacii dhulkuna waa dhulkii, laakiin is baddal ayaa ii muuqdo. Is baddal
weyn waliba. Inta uu is baddalka noocaan ah dhacayay taloow xageen jiray? Guriga waan ka
soo dhammaaday. Waddadii ayaan cagta soo saaray. Iyadii maaha! Dukaamaha iyo
dhismayaasha ku yaal hareeraheeda waa sidii, balse wax weyn ayaa is baddalay.
Waa ‘nadaafadda’. Waddo sideeda u nadiifsan weligeey kuma socon. Qurux badnaa
socodku maanta?! Waxa aan weydiin u galay sidii ay waxaan oo is baddal ah ku
dhaceen? Ma intan yar ee aan ku socdo ayaa nadiif ah, mise dhammaan
waddooyinka? Ma waddooyinka bas mise dhammaan magaalada? Aniga oo aan cidna
weydiin sida ay wax yihiin, ayaan soo qaaday waddada. Waan socday oo aan iska
socday.
Wiil 10 gu’ kor u dhaafay ayaa bac uu jallaato ka cunayay ku
tuuray waddada. Aniga waxba ilama ahayn oo sidaa mar walbo ayaa ay dhacdaa.
Wiil ku labbisnaa shaar caddaan ah iyo surwaal baluug ah una socday dugsi
(iskuul hoose) ayaa bacdii qaaday, geeyayna daasad weyn oo loogu talo galay in
wixii qashin ah lagu shubo. Wiilkii yaraa ayaa ku yiri kii bacda tuuray:
‘walaal, haku tuurin bacda waddada ay dadku marayaan. Ka soo qaad meel walba in
uu gurigiinna oo kale tahay. Gurigiinna ma u ogolaaneysaa in sidaa qashin loogu
tuuro?’ ‘maya walaal, waan hilmaamay. Waad mahadsan tahay’. Ayuu ugu jawaabay.
Filan waa’ ayeey igu noqotay in aan arko qof dhallinyaro ah oo sidaa falayo,
waayo dabeecaddaa oo kale uma aanan baran. Waxa aan filayay in uu yiraahdo:
‘maxaa kaa galay’ iyo wax la mid ah.
Aniga oo uu yaabanaha ii shidan yahay, ayaan sii socday. Dadku
waa dhoolla caddeynayaan. Xitaa arki maysid wiilka gaariga caasiga ah raro iyo
qof lacag isku haysto. War cajiibsanaa magaalku! Waddada iyo dhammaan waxa dul
socdaahi saaka waa nadiif. Waad fariisan kartaa meel walba.
Nin oday ah ayaan wareystay:
- Adeer, waxaan sidee ku dhaceen? Dadkii qallafsanaa miyaa
magaalka laga saaray?
- Dadka ayagaa fahmay in ay nadaafaddu muhiim u tahay. Iyagaa is
xilqaamay. cid laga saaray magaalkana ma laha adeer. Adigu ma hadda ayaad soo
gashay?
Ma aniga! Saw anigii joogay?
- Adeer, maya maya, waan iska xaaladeysnaa. Laakiin ma fahmin
sida ay wax u dhaceen?
- Dadka waxaa lagu wacyi geliyay in ay nadaafadda ku dadaalaan.
“Qof walba sida uu uga fekero nadaafadda gurigiisa, ha uga fekero bannaanka
inta irridiisa hortiisa ah. Maxaa yeelay magaalkuba waa guryahaa iyo bannaanka
irdaha oo isku tagay” sidaa ayaa loogu digriyay.
Aniga oo aan fahmin waxa ay sidan ku dhaceen ayaan iska sii
dhaqaaqay. War hawadu nadiifsanaa! Bacdii iyo bustii isla buubayay saakay
maleh! Hawada aad qaadaneysaa waa nadiif. Waad ku raaxeysaneysaa in aad
magaaladii ku dhex neefsaneyso.
Aniga oo intaa sii marinaya, qof baa iga kala daadiyay riyadii.
No comments:
Post a Comment