Waxa
aan socday waddada dhinaceeda. Aniga oo socda, iskana socdo ayaan arkay.
Iyadaan arkay. Waa gabadh. Waxa ay la taagan tahay dhowr hablo oo ay wada
sheekeysanayaan. Dhag. Waa anigaa istaagay! Dhaqdhaqaaqi kari waayay. Tallaab
geddin waayay. Oo tolow maxaa i joojiyay? Garan maayo e, waa anigaa istaagay!
Dhabankeeda labeenta saaran waa laga dhaashan karaa. Waa quruxdii la sheegayay
oo soconeysa. Iyadaan eegmo u galay. Waan ka jeesan kari waayay. Markay isoo
eegto waa anigaa qabooba. Dhidid baa SHAX iga soo yiraa. Ma karayo inaan la
hadlo se haddaanba indhaha ku eegi karo geesi ayaan ahay. Miyaanan ahayn? Way
qosleysaa. Alla may aamusto, qosolkeedu wuu i naafeynayaaye.
Waxay
leedahay ilka aad u cad oo dhuux yaro madow ku jiro. Afka marka ay kala qaaddo
meel baa hoos ii go’eysa. Halow. Waa iyadaa isoo eegtay. Alla maxaa i tusay!
Indho debecsan, weji furan, dhoolla caddeyn muusood ah wataa igu qaabishay.
Alla tani fariidsanaa! Kuwo kaloo aan horay u eegi jiray, wayba iska
caresnaayeen. Si iskood ah. Tani sidaa maaha! Wataa muusootay. Fariido dheh.
Indhaheeda waa dhay cad. Indho meesha cadi yartahay oo wareegga madow uu weyn
yahay, ayeey leedahay. Indhaha weyninka lagu sheego ee habluhu ku qurxan yihiin
alleen waa sidan! Qeybta madoobi, waa madow quli ah. Qeybta cadina waa dhaay.
Waa caddaan kii u caddaa. Sunniyaha bal eeg. Waa kuwo wareeg qurux badan ah.
Wallee tani waa quruxdii oo dad laga dhigay.
Waxa
aan sii sawirtay timaheeda. Waa dhuxul, dhererku intay ka bateen barkeed
dhaafeen dhabarka. Ka warran haddii ay furnaan lahaayeen? Inta barna soo
dhacaan, ayaa ay laydhu ku dheeli laheed. Midabkeedu waa dhiin. Dhiinku guduud
maaha ee waa maarriin mas ciided ah.
Waxaa igu soo dhacday
heestii uu qaadayay Axmed Cali Cigaal oo aheed:
Ilkaheeda dhuuxaa,
Indhaheedan dhaydaa,
Dhabankeeda curubtaa,
Sunniyaha bil dhalatiyo,
Sida qaanso lagu dhigay!
Timaheedan dhuxushaa,
Barkood dhaafay dhabarkaa,
Barna soo dhaceenee,
Laydhu ay ku dheeshiyo,
Midabkeedan dhiinkaa.
No comments:
Post a Comment