F.G: Faalladan markii ugu horreysay waxa ay ku soo baxday bogga
uu internet-ka ku leeyahay qoraha buugga.
Waa kan linkiga: https://abdullahijanno.com/faallo-buugga-dhakafaar/
Dulmar guud:
Buuggu waa Dhakafaar. Qoruhu
waa Cabdullaahi Janno. Daabacistu waa 2017. Magaca buugga ayaa ku dareensiin
karo waxa gudaha loogu tegi doono. Waxa aad dareemaysaa, si toos ahna u
arkeysaa, dhibaatooyinka dhakafaarka keenay ee ku qasbay qoraha inuu inala
wadaago. Billawga illaa dhammaadka sheeko walba oo aad akhriso dhakafaar ayaad
ku dhammeysaneysaa! Waxa uu buuggu kugu xambaarayaa in aad ka fekerto oo aad
maankaaga rogrogto si aad dhakafaarkan xal ugu raadiso.
Waa buug ka kooban 14 sheeko oo gaaban. Waa sheekooyin si uun
isugu xiran. Buuggu waxa uu ka hadlayaa qaran-jabkii ummadda ku yimid ka dib
iyo intii dhibaato ee ay ummaddu la soo daalaa-dhacday. Malahayguna waa ku wada
xusan yihiin dhib walba oo ay la kulmeen shacabka Soomaaliyeed, sida
dhibaatooyinkii u xumaa ay u gaysteen qab-qablayaashii, dagaal-oogayaashii,
siyaasi-isku-sheeggii, wadaad-sheegtihii iyo kooxo diimeedyadii guud ahaan
dalkaan kharribay. Dhibaatooyinka faraha badan ee uu buuggu xusayaa waxaa ka
mid ah tan qoyska. Waa dhib la iska caadeystay misana saameyn weyn ummadda ku
dhax leh.
Sheekada ugu horreyso ee uu buuggu ku daahfurayo qoruhu waa:
“DOODDII FARAHA IYO GARNAQII DAWACADA”. Markaad gudaha u gasho ee aad doodda
dhuuxdo, oo aad laftigaagu ka qeybqaadato, waxa aad u garaabeysaa far walba
waxa ay ku doodeyso. Laakiin waxaa is weyddiin mudan waa ayo cidda ay u
garnaqeysaa? Waa ayamo cidda ay xalka ka raadinayaan? Runtii markii ay faruhu
ku heshiin waayeen waxa ay iyagu isku hayaan, ayna marka hore ba ka wada hadli
waayeen, cid u kala garqaaddo ayey heleen – cid ay far waliba si miyir la’aan
ah ugu kalsoon tahay: waana dawacada. Maxaase ka raacay?! Maxayna ka dheefeen?!
Ma tiro yara inta dhib ee uu buuggu tilmaamayo. Caqabadaha
buuggu xusayo waxaa ka mid ah in shacabku laheystayaal u yihiin siyaasi
daneyste ah oo aan danta shacabka hal maalin wax ka qaban. Waa xaqiiqo jirta.
Si indho la’aan ah ayaynu ugu sacabbo tunnaa siyaasi khaa’in ah innaga oo ay
innagu riixayso xigto qabiilnimo. In shacabku la-hayste yahay waxaa innoogu
daliil ah siyaasiga hadalkiisa duuduub ayaynu ku liqnaa innaga oo aynaan
shaandheyn, iskana fiirin lafaha yar yar ee ku qarsoon ee dhuunta inoo
istaagayo, innagana cuna-qabateynayo inaannu noolaanno. Haa, waxa ay
cuna-qabateyn ku yihiin nolosheenna. Waxa aynu si iskeed ah u nacnaa siyaasiga
ka soo horjeedo siyaasiga beesheenna. Waxa aynu raalli ka nahay in aynu
siyaasiga tolkeenna ah ku taageerno qaladkiisa, qaran-dumintiisa, iyo falal
walbo oo liddi ku ah jiritaanka ummaddan si uu danahiisa u gaaro.
Sheekooyinka ay ka midka yihiin “QUMMANE” iyo “DAREEN HOOYO”
waxay ku wareeganeyaan oo ay hadba dhan ka eegayaan qoyska Soomaaliyeed ee
maanta jiro iyo duruufaha ay hooyada Soomaaliyeed wajahdo. Waxaa hubaal iyo
biyo kama dhibcaan ah in hooyooyinka Soomaaliyeed ay u tafo xeyteen, dhabarkana
u riteen, in ay qoysaskooda samato bixiyaan ka dib burburkii dalka saameeyay.
Waxa ay u dhabar adeygeen in ay soo saaraan noloshii iyo waxbarashadii
ilmahooda. Halka aabbihiina dhabar jab ku ahaa. Aabbuhu wuxuu u batay mid gabay
hawshiisa. Qaar waxay raaciyad u noqdeen qab-qable dagaal ooge ah, qaar
waxay noloshii ku soo koobeen jaad/qaad iyo fadhi ku dirir. Intaa uguma aysan
simine, kistii yaraa oo ay hooyadu ku soo heshay ha i wareerin ama ayuuto ayay
qaar xaasaskooda ka faro maroogsadaan. Waa wax soo dhacay, dhacana.
Buuggu waxa uu kugu kaabayaa feker xor ah oo ka madax bannaan in
aad meel duuduub ku raacdo. Waxa aad heleysaa su’aalo iyo doodo furfuraya
maanka, kuguna riixayo halka uu saxa iyo baraaraha ummaddan jiro. Waxaa
sababaya in aad fahamka noocaa ah hesho sida uu buuggu u qoran yahay. Waana si
farshaxameysan oo fahamkeedu fudud yahay. Waxa aad durbadiiba fahmeysaa
xumaan-falayaasha uu buuggu xusayo, ujeeddadii ay lahaayeen rubuc qarni ka hor
iyo tan maantadan la joogo in ay isku mid tahay. Sheekooyinka buugga Dhakafaar marka
aad mid walba dhammeyso waxa aad ka dhex helaysaa xalka ku jiro iyo xitaa
tabaha habboon ee loo xallin karo dhibtaa. Taasi micnaheedu ma aha in ay buuggu
ku xusan tahay: “Sidaa iyo sidaa dhibtaas haloo xalliyo.” Maya ee waa faham u
baahan in aad ka soo dheegato sheekadii aad dhammeysay. Runtii sidanna waa
farshaxanka uu buuggu u qoran yahay oo isla markiiba ku siinayo in aad fahamto
caqabadda taagan iyo xalkeeda.
Gunaanad:
Buugga Dhakafaar waxa uu
soo koobayaa dhibaatooyinkii rubuc qarnigii ina soo dhaafay hareeyay waddanka:
dhibaatooyinka qoyska iyo bulshada, dhaca, dilka, qandaraas-beeneedyada,
dillaalka qaran, qabyaaladda, xag-jirnimada, quursiga, hagardaamaynta
hal-doorka, iyo wixii la mid ah. Waxyaabaha uu farta ku fiiqayo ayaa ah in
dhibaatooyinka hadda soo haray ee taagan – oo ay ugu horreyso laheystinnimada
shacabka – ay mudan yihiin in isbeddel lagu sameeyo. Dhakafaar waa
buug mudan in la akhriyo. Akhris keliya ma aha ee in la weeleeyo, lagana
hortago dhibaatooyinka uu ka digayo.
Eebbaa mahad leh,
No comments:
Post a Comment