![]() |
Heeskaan soo socdo markii
iigu horreysay ee aan maqlay waxa aan saarnaa gaari gaadiidka dadweynaha ah
-muddo dhowr sano laga joogo. Wadaha gaariga oo ku marqaamayay ayaan ka gartay
sida uu u xamaasoonayay in heesku cajaa’ib leeyahay! Dhegtaan u raariciyay.
Waan dhageystay waxoogaa, cuudkaaba i qaaday. In aan sidiisa marqaamayaan
mooday. Ereyadaan u dhag taagay, cajab! Gaarigii aan saarnaa dhul ka baxsan bay
i geysay heestii. Waxaan ku war helay, ninkii gaariga rarayay oo leh: “lacagta
keena waa la gaaray goobtiiye”. Waan maleysan kari waayay in boosteejadii durba
la gaaray.
Heestii ayaan
raadiyay. Waxaan ku sigtay in aan youtube-ka uga baaro sidan: “Heestii uu
dhageysanayay darawalkii gaariga”. Balse fannaaniinta qaadayay oo aan codkooda
gartay ayaa ii sahashay. Dhowr daqiiqo baaritaan ah ka dib waan helay. Ilaa iyo
hadda waxay iigu jirtaa kuwa iigu xamaasadda badan markaan dhageysanayo
qaraamka.
Heeska waxaa wada qaadaya Xasan Aadan Samatar iyo AHUN Sahra
Axmed Jaamac. Ma aqaan abwaanka sameeyay erayada. Fadlan ila wadaag haddii aad
taqaano.
Heesku wuxuu u dhacaya sidan:
(1)- X. A. Samatar:
Canabkoo
magooliyo,
Cargaduudda
mirihiyo,
Cosobiyo
dhul baad laay!
Lagu mood
cirjiireey,
Casar
roob darrooroo,
Ay
cadceeddu qabatiyo,
Calcalyada
xareeddee.
Midabkaagan
ciidkee,
Caashaqa
u sahanaa,
Niyadeydii
cugataye,
Ku
calmadaye ma og tahay?
Humaagga aad sawiran
karto ee uu abwaanka qeybtan ku muujiyay ayaa ashqaraar leh! In la calmaday
istaahishaa qurux noocaas ahi.
(1)- Sahra Axmed (AUN):
Isu soo
cayaarguda,
Cadallool
wadaagtoo,
Berya
cuudka wada jiray.
Cidahooda
wada tiil,
Is taqiin
carruurnimo,
Maynu
noqon cashiiree,
Caawaynu
kulannoo!
Ii
culeysay sheekee,
Sideen
kuu cajabiyaa?
Isma
camal naqaannee,
Cududdayda
sii daa!
Qeybtan wuxuu
abwaanku faallo kooban ka bixinayaa gabadhan uu ninkaas qeybta kore ku sheegay
inuu calmaday iyo iyada in aanay is aqoon, oo ay cawayskan uun isku arkeen.
Gabadhu waxay wiilka ku leedahay: “War xitaa daris ma ahayne sideen kuu
cajabiyaa?” oo yacnii ah qof i yaqaanoba ma tihid oo caawa keliya uun baan
kulannay ee sideed ii calmatay? Waa la isku galay meesha!
(2)- X. A. Samatar:
Carra
laga hayaamoo,
Ciyowgii
ka qayshoo,
Cooflaha
libaaxiyo,
Cagweynow
maroodigu,
Cimidh ay
u joogaan.
Caarraha
shabeelkiyo,
Wiyilihu
cartamayaan!
Caashaqaa
daraaddaa
Dhul
cabsi le i mariyoo
Ku
go’doomay cayntee
Ku
calmadaye ma og tahay?
Dhulkaan uu abwaanka dhex
joojiyay ninkaan gabadha rabo in uu u sharraxo sida uu u yahay ayaa la yaab
leh. Waa dhul uu abwaanku ku kulmiyay duur-joogta kuwooda waaweyn. Wuxuu
leeyahay: Dhulkaas cabsida leh caashaq aan kuu qaadaa i geeyay.
(2)- Sahra Axmed
(AUN):
Casguduudka
waaberi,
Cadceeddoo
falaadhaha,
Ku
cigaalan nuuriyo.
Manka
caaradiisiyo,
Curub
geed ku taalliyo,
Waxaan
ahay carruur weli,
Waalidkii
ceshanayoo,
Ma
aqaanno caashaqa,
Caynka uu
u dhiganyee,
Isma
camal naqaannee,
Cududdayda
sii daa!
Gabadhu waxay
leedahay si ay ninkaan warkiisa isaga leexiso, waxaan ahay curdin soo baxaayo
oo waalidkeed cishanayo oon caashaq aqoon xitaa sida uu u yaal!
Laxanka, cuudka iyo luuqdaba waa kuwo xiiso gaar ah iigu yeelay
heeska. Waa marqaankeyga.
Heesta halkaan ka raac link oo ka dhageyso: https://www.youtube.com/watch?v=E-ZOleeU9bU