Ma adigii baa? Malaha haaye, waxbaan kuu sheegayaa! Gees inoo bixi. Haa. Inta, inta, inta na istaaji. Ammaan iska fadhiisannaaba? Sidaasa la qaatay. Halkaa ina gee. Kursigan salka la hel. Haah, jawigu cakiranaa! Igamaad harin soo ma aha? Haa waa anigii ku iri waxbaan kuu sheegayaa. Sideedaba walxaha qaar waa is moodsiis. Waxa aad iska dhaacinaysaa wax aad rabtay inaad qabato, inay fududyihiin oo aad qaban doonto. Waad fekereysaa, sax? Haaye, ma wax aan loo fekerin baa! Waxa aad ogaaneysaa sheey/walax inaan dan kuugu jirin inuu wax ku seejiyo maahe, haddana waad sameynaysaa sheeygii/walaxdii aad ogaatay khasaaradeeda. Maya ma ogaanine waad iska dhaadhicisay inaad ogaatay oo sidaasay kula ahaatay. Sidaasi miyaanay ahayn horta? Haa. Sax. Waad ka leexan lahayd waxa aanay dani kuugu jirin haddaad ogaan lahayd. Malaha maahee? Waxaa ugu daran, marka aad is mooddo inaad tahay wax aanad ahayn. Fajac! Haddii ay ku la tahay in aad tahay wax aanad ahayn, miyeeysan fajac ahayn?
Markii hore halkaan ayaan fadhiisannay soo ma ahayn? Oo horta
goobtaan miyaysan dad joogin markii aan imaneynay? Weliba waa la buuxay. Anaa
hubo. Waa la wada shaaxayay. Oo shaax ma cabbi lahayd bal? Haa, waayo inan baa
shaaxa shideysay! Annagu kuraas kuma fadhinno miyaa? Wagar! Ciiddaanba
fadhinnaa! Ina istaaji yaan la ina layaabine. La yaab! Oo ma layaab? Ayaa nala
yaabaya? Ma dadka? Haa. Waan garnayay inaan sidaa u fekerayo. Dadkaa na la
yaabaya! Dadku waa dad, dadka la yaabi yaqaan! Marka horeba inaysan dadka kula
yaabin soo wax uma sameysid? Maya raalli noqo soo wax uma sameeyo. Haddee waa
qalad. Ma taas? Sug, sug. Maxaan keligay la daldalmayaa? Miyaanad adiga ila
joogin. Niyahow waxaan la yaabay sida aan su’aal u sheego misana aniga isaga
jawaabo, aniga oo aan adiga ku dhageysan! Marka aad keligaa wax isla doonto waa
sidan. Sidaasi sax miyaa?
Bal innaga wad meeshan cidladaa. U sug bal. Maxaa cidlo ah? Ma
in aysan goobtu dad joogin? Dadku kii la yaabka badnaa soo ma ha? Taa waxaa ka
daran, waa taan ku dhahay waxbaan kuu sheegayaa. Oo xataa ima weydiinaysid waxa
aan kuu sheegi lahaa? Waad i weydiin lahayde aniga ka hordhacay. Sidaasan isaga
fududahay. Dadkaba ma dhageysto! Oo hadda maxaan ku hadlayaa, bal aan ku
weydiiyee? Waad ila yaabi kartaa, saa dadkii la yaabka yaqaana tahee. Taasi ma
caadi baa? Sideedaba in aad wax u sameyso dadkaa rabo ama u sameyn waayso
dadkaa neceb, soo la yaab maaha?
Weli waxba kuuma sheegin. Waan ogahay. Aniga ayaa iska war jecel
ee waxba kuuma sheegi rabin. Horta waxaad ogaataa oo aadba ogtahay aniga
inaanan adiga ahayn, adigana aniga ahayn. Taasi waa caddahay. Markaa haka
walwalin wixii la yaab leh ee aan adiga kaa iman. Ma u walwaleysaa la yaabka
dadka? Wax maku weydiin karaa marka hore? Maanta dhanba waa aniga weydiimaha ku
weydiinaye hadda maxaan ku keenay wax maku weydiin karaa! Waa iska layaab!
Maxaad la yaabtaa adiga? Ma dadka layaabka sameeyay mase layaabka?
Waxa aan ku faraxsanahay inaan kula sheekeysto. Maya kuu
sheekeeyo. Maya maya, saas maaha. Weydiimo ku weydiiyo. Maya war kugu waalo…
waxaan ka wadaa … is aragno.
No comments:
Post a Comment