Thursday, April 1, 2021

Lammaane

Labo sano ayaa ka soo wareegatay maalintii uu arooskoodu dhacay. Waxa ay isku guursadeen rabitaan labadooda ka yimid oo ay raalli isaga ahaayeen. Cid isku dartay ma jirin sida marar dhacda – waa is jeclaayeen. Wali wax ubad ah uma dhalan. Labadaas sano waxa ay ka soo gudbeen caqabdo badan oo ku hor gudbanaa. Caqabadaha ay ka soo gudbeen waxaa ka mid ah weydiimaha badan ee kaga imaanayay bulshada ay ku dhexnool yihiin. Waxa aad u maleynaysaa in ay dadka shaqadoodu tahay ku mashquulidda reeraha dhisan. Cid danteeda ku hawllan waa yar tahay ama ma jirtaba. Waxaa ka mid ahaa weydiimaha la warsanayay gabadha, “uur ma leedahay? Cilladu ma adigaa? Ma isagaa? Ma is baarteen? Yaa ma dhale ah labadiina?” Sidoo kale, wiilka waxaa la weydiinayay in ay afadiisu uur yeelatay wali iyo in kale. Haddii aysan wali yeelanna sababta uu xaas kale oo ilmo u dhasho u guursan waayay ama iyada isaga furi waayay. Waxa aadba mooddaa in ay dhalmada gacantooda ku jirto oo waxa ay doonayaan, in isla marka uu aroos dhacaba ilmo yimaadaan! Sabab laakiin? Maxaa ka galay? Haddii kale waxaa cudur ma dhaleysnimo dusha looga tuurayaa lammaanaha midkood.



Marka laga soo tago weydiimahaas bulshada kaga imaanayay, lammaanuhu aad bay ugu qanacsan yihiin is fahamkooda iyo wada jirkooda ah in ay nolosha wadaagayaan. In ubadku Eebbe baxsho marka laga yimaado, lammaanuhu ma dooneyn in ay horay ubad ka helaan. Taasi kama dhigna in aanay ubad ay ku ildoogsadaan u baahneyn. Waxa ay u soo joogeen ama maqleen lammaaneyaal badan oo iyaga oo hal ama labo carruur ah isu haayo is faham waa’ iyo kala tag ku dambeeyay. Sababaha ay u tirinayeen waxyaabahanna waa lammaaneyaasha oo aan wadajirka isku dabeecad fahmin. Waxaa laga yaabaa in waqtiga haasaawaha qofba inta ugu wanaagsan dabeecaddiisa soo bandhigo, taasna ay goordambe sababto in wajigiisii saxda ahaa ka geddismo kii lagu tuhmayay. Sidaa awgeed, waxa ay rabeen in ay bal ugu yaraan isa siiyaan muddo ay lammaanenimada isugu fahmaan. Is fahamka soo dhexmaro marka ay haasawayaan waxa uu horudhac u yahay is fahamka reerka, waa haddii ay is haleelaan oo ay reer noqdaane. Laakiin, marnaba dammaanad qaad uma aha in ay sidaas isku sii fahamsanaanayaan. Waa Eebbe mahaddii e, lammaanahani waxa ay ilaa hadda wada joogaan muddo labo sano ah iyaga oo aan wax ay isku hayaan bulshadu ka arkin. Dabcan, waa jiraan in mar mar wax la isku qabto laakiin waxa ay kaga gudbayeen ilaa haddana diyaar u yihiin in ay kaga gudbaan is faham iyo is qancin, wax isku sheegid, isla fariisi miiska wada hadalka, dood maangal ah oo midkoodba kan kale ku qancinayo waxa la isku haayo. Is faham waara ayay ka gaareen middaas. Dadku waa is qabtaa goor kaste oo wax isaga hor yimaadaa waxna isku diidaa. Mushkiladdu taas ma aha. Mushkiladdu waa in dadkii is qabtay heshiin waayaan, wada hadli waayaan, is qancin waayaan. Heshiiska iyo nabadda ay gacan saddexaadi soo diyaariso oo la rabo in labo is haysa lagu heshiisiiyo inta badan ma noqdo mid waara. Sabab? Markii horaba dhab uma heshiin labadii is haysay ee cid saddexaad baa heshiiska sameysay. Waa heshiis aan faruuryaha dhaafsiisnayn. Heshiiskaas oo xataa laga yaabo, inta badanna dhacdaba in gacanta saddexaadi labadaan is hayo midkood u xagliso.

Labadii bil ee u dambeeyay gabadha waxa ay dareemaysay in saaxiibkeed wax iska baddaleen. Is baddalku waa mid muuqdo oo aan daah saarneyn. Muddo ayaa ay u sugtay oo ay hubinaysay bal in wuxu yihiin mashquul ku soo kordhay ee uu sidiisii ku soo laaban doono marka uu ka soo dhamaado. Qof wax jeceli waa marmarsiiyo badan yahay oo laba iyo toban cudurdaar ayuu u sameyn qofkiisa. Mar mar waxa ay is weydiinaysaa, xataa haddii mashquul kusoo siyaaday sababta uu u la socodsiin la’ayahay. Waxba kalama qarsadaan oo inay kala qarsadaan waaba qalad, ileen waa labo nafta is dhaafsadaye. Labadoodaba waa shaqeeyaan sida caadiga ah. Marka ay shaqada ka soo dhamaadaan ayaa ay si wadajir ah gurigooda u maamulan jireen una caweyn iyo damaashaadi jireen. Is badalka ay dareemayso hadda waa isaga oo habeennadan bannaanka kusoo caweeya kaligiis. Makhribka sida uu xaafadda uga baxo ayaa uu yimaadaa shanta iyo wax la jiro oo habeennimo. Ma weydiiso oo waxa ay u deysay bal in uu isagu is garto. Waxa ay sugeysaa in uu u sharraxo sababta uu habbeennadan keligiis u caweys tago.

Marka ay keligeed guriga iska sii joogto waxa ay in badan ka fekertaa oo ku soo dhacdo sida ay isku ahaayeen markii ay haasaawi jireen. In ay labadoodaba isku jajabnaayeen ayay qirsan tahay oo habbeenadii uu la joogi jirayba waa ka sheekeysan jireen waxyaabihii ay soo mareen markay sheeko wadaagga ahaayeen. Iyada oo ka fekereyso haasaawihii hore, ayaa waxaa ku soo dhacday ereyo hees ka mid ahaa oo uu aad u jeclaa marar badanna usoo diray. Dabcan, erayada heesaha laga soo xusho waa hubka ugu culus ee la isku beerlaxawsado marka la haasaawayo. In kasta oo ay erayo badan oo heeso ka mid ah isku diri jireen, haddana isagu waxa uu marar badan soo diri jiray erayo ka mid ah hees talantaalli ay u wada qaadaan Xasan Aadan iyo Khadiijo Qalanjo. Waxa uu taas u xushayna waxaa laga dareemayaa in saaxiibtiis si uga didsaneed oo uu isna is lahaa dhinacaaga usoo dun. Sida muuqato, waa u hirgashay doonistiisii. Caawa iyadu waxa ay ka fekeraysaa in ereyadaasu ka ahaayeen “been ku soo xero geli runna ku dhaq.” Sida saxda ah, waa dareensan tahay waana og tahay in aanu saaxiibkeed sidaas ahayn. Laakiin, mar haddii is baddal muuqdo saaxiibkeed ku yimid in ay sidaas wax u fasirato dantaa ku qasbeyso. Isagu qudhiisu waa dareensan yahay in waxa uu sameynaayo aysan ahayn wax reerkiisa u qumman oo aysan ka mid ahayn waxyaabahii ay isaga iyo afadiisu ku heshiiyeen. In la is weheshadaa oo la isla caweeyaa ayaa uu ballanku ahaa. Balse saaxiibadiis ayaa habeennadan caweys kale u wado.

Dhowr cisho ka hor, habeen ayaa uu guriga yimid caweyskiisii ka dib. Waa ammintii uu habeennadan iman jiray. Iyada oo sugeysay iskuna maaweelinaysay TV iyo aaladaha bulshada si aanay u hurdin ayaa u keentay casho fudud oo uu jeclaa in uu habeenkii cuno. Iyada goor hore ayaa ay casheysay oo habbeennadanba islama casheeyaan, maxaa yeelay isagaa duurgal noqday. Habeenkaan in ay la hadasho ayaa ay goosatay oo ay xasuusiso in aanay sidaani sax ahayn. Laakiin qorshaheedu waa ka duwan yahay qorshihii miiska wada hadalka. In aaanay sidan uga aamusin oo ay wax u sheegto waa go'aansatay, balse, habka ay wax ugu sheegi rabto ayaa ka geddisan habkii hore. Mar allaala marka ay cashadii u keentay ayaa ay soo ag fadhiisatay sidii caadada u ahaydba. Heestii uu erayadeeda inta isaga kaquseysay kasoo dirsan jiray bay dib u xasuusisay. Isla intii uu soo diri jiray ayay u geysay oo u shidday. Waa labada qeyb ee uu Xasan ku luuqeynayo. Heestu waxaa erayadeeda ka mid ah:

Nafteyda waan kuu huri lahaa;

Hantina kaa bixin lahaa;

Hagar kuuma quureen;

Halistaad i goysiyo;

Halkaad igaga taallee.

Hawaa dhalisa caashaqee hiyi igu raac,

Hed baa keenta geeridee ku hor timaad.

Ragga iyo haweenkuba,

Midna haybad ma yeesheen,

Kan kaloo la haynine.

Hadhow bay oran;

Layma heesine;

Laylama hadline;

Doob hurdaa i helay;

Hoobeeyooy soo hor caashaqa;

Haa aan heshiinee.

 

***

Jacaylka waan kula habeynlaa;

Hiillaan kuu noqon lahaa;

Hawl kuguma dhaafeen;

Adigoo harraad qaba;

Habeen kaama seexdeen.

Hammaa keenta caashaqee halacsiga;

Hubbaa keenta hibashadee nabar horree.

Ragga iyo haweenkuba;

Midna haybad ma yeesheen;

Kan kaloo la haynine.

Hadhow bay oran;

Layma heesine;

Laylama hadline;

Doob hurda i helay;

Hoobeeyooy soo hor caashaqa;

Haa aan heshiinee.

Ujeedkeedu heesta ma wada aha. Dhowr tuduc oo farriinteeda khuseeya baa ku jiro balse ay dooneyso in uu isagu la soo baxo. In uu isagu fahmo ujeedka laga leeyahay. Qofkii u fiirsada waxa uu garan karaa in ay u jeeddo kan ugu horreeyo oo ah “nafteyda waan kuu huri lahaa” oo sida saxdi ahi ay nafaha isku hureen laakiin ay dareemayso is baddal iyo shanta tuduc ee ugu horreeyo qeybta labaad. Sidoo kale, waxa ay u duurxuleysaa in ay sheekeyntiisii iyo la caweyntiisa tabeyso oo ku leedahay la iima heeso, sheekeeyo, hawl la ilama qabto maalmahan iwm. Taasina waxaa farriinteeda u gudbinaayo inta hooriska ah. Heesuhu mararka qaar waxa ay kaa kaafinayaan kaana furanayaan meel sharraxaad dheer kaaga baahan. Saaxiibkeed marka uu dhageystay heestaa goonida u ahayd ee uu ku beer laxawsan jiray iyada markay gabadha ahayd. Soona xasuustay waxa uu dareemi jiray marka uu erayada heestaas qori jiray isaga oo naawilayo in ay ka ogolaan doonto doonistiisii ahayd in ay marwadiisa noqoto. Maantana sidii uu u rabay u dhacday oo ay afadiisa tahay ayaa uu joojiay cashadii uu daanqaadayay. Feker baa uu galay. Qaddar daqiiqado ah baa la kala aamusay ka dib markii ay dhammaatay heestii farriinta ahayd. Tiish ag yiilay baa uu inta afka isaga tiray, saaxiibtiis oo dhinaciisa fadhisay lagana dareemayay kalgacaylka ay u hayso marka la eego sida indhaha ay biyihu ku soo istaageen ugu eegeyso, isku duubay oo laabtiisa si daran isugu soo dhaweeyay. Habta uu siiyay waxa ay dareemaysay mid lamida inaanay waligiis ka arag. Heestaasi waxa ay saxday qaladkii uu ku socday waxaana ka dhashay heshiis aqbal iyo lagu ijaaboobay. Habeenkaas wixii ka dambeeyay afadiisa ayaa uu sidii uu horay ula caweyn jiray ula caweeyaa, hawlkastana la qabtaa oo la qoslaa. 

3 comments:

  1. Jacfar iyo jacaylkiisii.
    Farshaxanka qoraalka waa mid heerkiisu sarreeyo,gogol dhigga hore ayaaba sifiican ii so jiitay.
    Waxaan so xuustay maanso uu tiriyey abwaan saaxiibkay ah.

    Fillan waa adduunyoo
    Fadad iyo dhibbadanee
    Farxad jeer kugalisaa
    Marna kaa faxicisaa.

    Yagleelidda qosku waxa uu ku taaganyahy daacadnimo iyo is aaminaad,jaceylkuna waa intaas un.



    ReplyDelete
    Replies
    1. Saaxiib, ku mahadsanid faalladaadani. Runtii waa ii shidaal iyo karaar aan isugu dayi doono inaan wax uun ku qoro.

      Delete
  2. sida gabadhaas ookale waan haystaa nin ifahmaya oo ii wanaagsan, lkn sideeda ookale malaga yaabaa inaan jacaylkayga guursado!🥺

    ReplyDelete