![]() |
Goobta Sawirka: Calmadoow, xuquuqda sawirka: Cali Ducale |
Kala
duwanaanta miyiga iyo magaalada xilli roobaadka
MIYIGA
Waa xilli roobaad, waxaa marba meel ka hillaacaya oo ka gugcaya,
guga roobka oo curtay. Dhirta qaar waa ay sii dhacriyeysaa roobka ka hor. Waxaa
da'ay roobkii la filayay da'istiisii, garo oo halka kan waa miyi. Xoolaha oo
abaarta ka bixisteeda xiisa u qabo waa laga celinayaa halka uu roobku ka da’ayo
ama uu ka qayoodo ay kaga timaaddo neecaawda iyo carafta roobka, oo way u
boholyowsan yihiin.
Roobkii ayaa da'ay Alxmdullilah. Sidii la rabay iyo si ka
wanaagsanba waa uu u da'ay. Dhulka waxaa meel walba oo hoos u godan waran
(daadsan) xareed aad u macaan. Marka ay ishaadu qabato waxa aad moodeysaa caano
shaah yar lagu dhexdaray. Togogga (waadiyada) waxa ay wadaan biyo gaduudan ay
kala soo hoobteen dhagaxa sare iyo buuraha dhaadheer. Dhulku muddo gaaban
dabadeed, waa kaa doogga ah oo ishii deymootaaba aysan kasoo noqon karayn.
Xooluhu inta badan waa irmaan. Dhulku waa dhul barwaaqo, subaxa hore lo'da
barqin loosii daayaa, dhulku waa wada dhado iyo dharab. Lo’da kolkii ay
barqinka kasoo noqoto ay usoo wada yeerto weylaheedii saakadii hore laga reebay
si ay ugu soo noqoto guriga, iyada oo si fiican u darartay ayaa la lisaa.
dabadeed xoolaha la sii wada daayaa. Qaalmaha (kuwa lo'da iyo geela) ayaa
orgoosho gala, kolkii ay ka dhargaan daaqa. Ariga abaartu dilatay kolkii ay
daaqa hore leefaan iyana waa wada rimaan. Dhirta oo aad moodday inay wada
nafbaxday goor hore se caleentu uun ka dhacsaneed nafta ayaa kusoo noqoto
quruxda iyo bilic badanina u keenaan deegaanka. Ubaxa kala nooca ah iyo miraha
ceynba ceynka ah ayaa aad la yaabeysaa, adiga oon cidina la wadaagin. Marka aad
dhex istaagto meelaha keymaha ah, dhirta kala nooca ah leh, aad moodeysid in ay
isku faanayaan.
Dhulku waa dhul doog iyo barwaaqo badani ka muuqato, waa dhul ay
indhuhu jecleysanayaan inay waligood eegaan. Marka aad neefsato soow kama sii
darna! Sanka ayaad la raacaysaa udugga ka soo baxaya ubaxyada kala geddisan ee
kala jaadka ah oo ay dabeyshu dhankaaga keentay. Dhegtaadu waxa ay
jecleysaneysaa jabaqda kala duduwan ee shimbiriha geedaha dulsaarani ku
ciyayaan, qaarbaad dhabanada la qabsaneysaa kolkaad aragto quruxda iyo
hannaanka ay kuugu heesayaan. Cajiib! Alla dunida dhammideed may sidaan noqoto.
Qaarbaad ku qosleysaa saa adigayba kaa foori qurxan yihiine, galbihii kolka la
gaaro ariga oo meyracanaya isha mala raacday, waa qaar iskii u fadhiga oo
baryo-qaadaya iyo qaar aad u maleysid in la yiri maanta ayaa duni kugu dambeyso
oo isagoo calsoohu ka koreyso wax kale kusii guraya.
MAGAALADA
Waa meel iskeed u kulul. Ma dadkaa mise waa dhisma yaasha qaabka
daran loo dhisay? Kolleey mooyiye iskeed beey u kulushahay. Roobka waa la rabaa
oo la tebeyaa si loo qaboobo, se inkaarbaa ka dambeysa. Sababtu waxa waaye
marka uu roobku yimaad malahan meelo hagaagsan oo biyaha kala maareeya. Guri
kastaaba si qaab daran ayuu u dhisan yahay oo waxaa dhistay mid lacag ku faana,
aanan ka fikirin aayaha guryaha ku xeeran. Mid kastaaba waxa uu ku mintidayaa
yaan lagaa guri dheeraan oo daadka lagugu soo rogin. Halkaa waxaa ka baxay in
laga fekero meeshii lagu qaabeyn lahaa biyahan aadka u heer sarreeyo.
Cidkastaaba subaxii waxa ay bannaanka kusoo qubtaa wax allaale iyo
wixii raashiin si kas cad xaqdarro loogu karshay, waayo cid kastaaba way
awooddaa inay aqoolato raashinka quud ahaan ugu filan maalin kasta se waa yaan
la idin dhihin reerka kan waa faqiir iyo wax lamid ah. Marka uu roobku yimaad
aadbaad ugu farxeysaa illeen waa nimco Rabbi keenee, marka uu qayoodo roobku ma
is tiri bal bannaanka fiiri adiga oo moodaya inaad biyo xareed iyo neecaaw
qabow bannaanka ka heleyso, saa abkeey bullaacad soo hunqaacday iyo luuq
luuqyada xaafadda oo asalba aaad moodeysay in maalin walba xeeys u gooniyi ku
da'o oo wada ureysa ayaa aad la kulmeysaa, socod isku day ayaad is dhaheysaa,
saa waaba ka daran waa; “bajiiq bajuuq, bajuuq bajiiq” iyo dhul soo wada uraya,
waxaad is leedahay war halkaan waa xaafad dhexdeeda e, Laaamiga bal eeg.
Haddaad yaab aragtay! Waa kasii daran, waxaad u maleynaysaa tog hooraya. Maxaa
loogu samayn waayay biyahaan meel ay ka baxaan? “Waddanku waa bilaa dowlad oo
muddo badan buu dunsanaa”. ayaa laguugu jawaabayaa.
Ganacsadahaan ama xoole qabeen kaan guriga ku faanayow, ayaa kaa
hortaagan in aad uga fekerto quruxda baladkaaga, sida aad uga
fekertay in aan "waa faqiir" lagu dhihin? Iska dhaaf wax kala e,
bacihii qashinka lagu aruurin jiray xitaa, inta kol hore la gubi lahaa, waxa
lala sugayaa roobka. Halka bac socda waad la yaabi. Biyo aad cabto inta iska
dhaafto, dhaafto, dhaafto, ayaad ka shakiyeysaa dhibicda roobka ee magaalada
korkeeda ku soo dhacdaa ma sidaan ayeey u wasakheysan tahay mise. Taa waxaa
kasii daran hadaad meel ku jeeddo laamiga ma ag mari kartid. Mid kastaa oo
gaari cas wataaba (intooda badan) waakan biyahaa iyo bacahaa is dhex yaacaya shacabka
ku dhibaateynaya "fash" iskuulleey ahoow, habar suuq kasoo
adeeganeyso ahow, ama mid si kale isaga socdo ahow e, adiga iyo dharkaagiiba
bac iyo biyo wasakh isla roorayaa ku salaamaya "assalamu caleykum, xagee
baad ku jeedday? Xaafaddii isaga noqo adeer bilaa shuruud" , waa habaar
toos ah waa hadalkaan ku iriye doonistii roobka miyeyna ka dambeyn habaarkaa.
Kolkaasaad qaadi hees bilaa muusig ah:
Magaaladu qarribanaa,
Qurun iyo dhibaatiyo,
Qaab-dhisme xumo badanaa!.
`Dhammaad`