![]() |
Isha sawirka: Google |
Waxa
uu ahaa wiil daggan, waxoogaa fud-fud. Dabeecad wanaagsan oo kaftan badan.
Magaciisu waa Guuleed, aniga se waxa aan ugu yeeri jiray ‘Sheekeeye’. Ardayda
kale waa uu ka duwanaa. (ama aniga ayuu iiga duwanaa). Waxa uu ka mid ahaa
gabdho iyo wiilal dhowr ah oo fasalka igu soo dhaweeyay markii aan ku soo
biirayay dugsiga. Soo dhaweyn mashxarad iyo damaashaad leh ma ahyn ee qalbi
furnaan iyo dhoolla caddeyn ayeey igu soo dhaweeyeen. Waa ay iskeey bareen
waliba.
Fasalka
waxa uu ka fariisan jiray safka dhexda ah, kursiga ugu horreeyo kan ku xiga.
Waliba dhanka gabdhaha, safka soo xiga. Dugsiga oo aan ku cusbaa iyo fasalka
afaraad ee dugsiga sare oo aan ku jirnay waxa ay innaga dhigtay saaxiibbo. Waxa
aan iska kaashan jirnay maadooyinka qaar oo wadashaqeyn iyo iskaashi u baahnaa.
Aniga, saaxiibteey Sareedo, isaga iyo saaxiibkiis Caynaan waxa aynu ku midownay
is kaashigaas. Runtii, aniga waxa uu ii noqday saaxiib wanaagsan. Maalinka uu
fasalka ka maqan yahay waa aan tabi jiray, isaga se ma ogi. In badan ayaa uu
iga qoslin jiray. Sheekooyin kaftan iyo madadaalo leh ayaa ina dhex mari jiray.
Iskuulka in aan aadayo waa xiiseyn jiray, weliba waan u dag dagi jiray. Ma
ogeyn sababtaas laakiin hadda ayaan ogaaday. Isaga ayaan xiiseyn jiray,
--aragtidiisa. Isaga laftiisu igama uu liidan oo sida aan u daneynayay, si ka
daran ayaan ka dareemayay. Laakiin marna labadeennu iskuma soo qaadin wax ka
baxsan hawlaha dugsiga iyo tan fasalka ee ah barashadeenna iyo ka gudbidda
dugsiga sare.
Mar
mar ayaannu ballami jirnay afarteenna (aniga, saaxiibteey, isaga iyo
saaxiibkiis) si aan si wadajir ah uga shaqeyno layliyo keli keli innoogu
adkaaday. Maalin ayaannu ku ballannay in aannu isu nimaad. Labadii kale ayaa
inoo gooyay, sida ay inoo sheegeenna hawlo kale ayeey ku habsaameen. Maalintaa
labadeenna ayaannu noqonay. Xaafadeenna ayaanu joognay. Waxoogaa markii aan
layliyadii fiir fiirinnay, ayaanu sheeko qabsannay. Si qoto dheer ayaan u wada
sheekeysannay maalinkaa. Sida aan u garanayay si ka sii durugsan ayaan u
bartay. Sheekooyin dhinac walba leh ayaa ina dhex maray. Weli ma hilmaamin
sidii uu iigu warramay markii aan ka hadleynay haasaawaha dhex mara wiilasha
iyo gabdhaha. Guurka waxa uu ka dhigo lammaanaha iyo hawsha la wada leeyahay ee
timaada marka uu reer dhismo. Waxa uu ahaa qof yaqaan qadarinta iyo xushmadda
ay ka mudan tahay gabadha uu la haasaawayo ama uu guursan doono. Maalinkaa aad
baan ula dhacay sida qurxoon ee aanu u sheekeysannay.
Wixii
intaas ka dambeeyay, sannad dugsiyeedkii ayaa inoo soo idlaaday innaga oo
aynaan wax kale ka wada hadalin. Waxa aan is lahaa dareenkiisa ayuu kula
wadaagayaa, balse walaalnimo iyo saaxiibnimo isku dugsi ka badan iima uu
dhaafin. Anigana meeshaas uma dhaafin.
Hadda, waxbarasho ayuu u joogaa dalka dibaddiisa. Waan is
xiriirinnaa laakiin weli iskuma soo qaadin xiriir ka durugsan walaalnimada oo
ina dhex mara.