Thursday, April 1, 2021

Lammaane

Labo sano ayaa ka soo wareegatay maalintii uu arooskoodu dhacay. Waxa ay isku guursadeen rabitaan labadooda ka yimid oo ay raalli isaga ahaayeen. Cid isku dartay ma jirin sida marar dhacda – waa is jeclaayeen. Wali wax ubad ah uma dhalan. Labadaas sano waxa ay ka soo gudbeen caqabdo badan oo ku hor gudbanaa. Caqabadaha ay ka soo gudbeen waxaa ka mid ah weydiimaha badan ee kaga imaanayay bulshada ay ku dhexnool yihiin. Waxa aad u maleynaysaa in ay dadka shaqadoodu tahay ku mashquulidda reeraha dhisan. Cid danteeda ku hawllan waa yar tahay ama ma jirtaba. Waxaa ka mid ahaa weydiimaha la warsanayay gabadha, “uur ma leedahay? Cilladu ma adigaa? Ma isagaa? Ma is baarteen? Yaa ma dhale ah labadiina?” Sidoo kale, wiilka waxaa la weydiinayay in ay afadiisu uur yeelatay wali iyo in kale. Haddii aysan wali yeelanna sababta uu xaas kale oo ilmo u dhasho u guursan waayay ama iyada isaga furi waayay. Waxa aadba mooddaa in ay dhalmada gacantooda ku jirto oo waxa ay doonayaan, in isla marka uu aroos dhacaba ilmo yimaadaan! Sabab laakiin? Maxaa ka galay? Haddii kale waxaa cudur ma dhaleysnimo dusha looga tuurayaa lammaanaha midkood.



Marka laga soo tago weydiimahaas bulshada kaga imaanayay, lammaanuhu aad bay ugu qanacsan yihiin is fahamkooda iyo wada jirkooda ah in ay nolosha wadaagayaan. In ubadku Eebbe baxsho marka laga yimaado, lammaanuhu ma dooneyn in ay horay ubad ka helaan. Taasi kama dhigna in aanay ubad ay ku ildoogsadaan u baahneyn. Waxa ay u soo joogeen ama maqleen lammaaneyaal badan oo iyaga oo hal ama labo carruur ah isu haayo is faham waa’ iyo kala tag ku dambeeyay. Sababaha ay u tirinayeen waxyaabahanna waa lammaaneyaasha oo aan wadajirka isku dabeecad fahmin. Waxaa laga yaabaa in waqtiga haasaawaha qofba inta ugu wanaagsan dabeecaddiisa soo bandhigo, taasna ay goordambe sababto in wajigiisii saxda ahaa ka geddismo kii lagu tuhmayay. Sidaa awgeed, waxa ay rabeen in ay bal ugu yaraan isa siiyaan muddo ay lammaanenimada isugu fahmaan. Is fahamka soo dhexmaro marka ay haasawayaan waxa uu horudhac u yahay is fahamka reerka, waa haddii ay is haleelaan oo ay reer noqdaane. Laakiin, marnaba dammaanad qaad uma aha in ay sidaas isku sii fahamsanaanayaan. Waa Eebbe mahaddii e, lammaanahani waxa ay ilaa hadda wada joogaan muddo labo sano ah iyaga oo aan wax ay isku hayaan bulshadu ka arkin. Dabcan, waa jiraan in mar mar wax la isku qabto laakiin waxa ay kaga gudbayeen ilaa haddana diyaar u yihiin in ay kaga gudbaan is faham iyo is qancin, wax isku sheegid, isla fariisi miiska wada hadalka, dood maangal ah oo midkoodba kan kale ku qancinayo waxa la isku haayo. Is faham waara ayay ka gaareen middaas. Dadku waa is qabtaa goor kaste oo wax isaga hor yimaadaa waxna isku diidaa. Mushkiladdu taas ma aha. Mushkiladdu waa in dadkii is qabtay heshiin waayaan, wada hadli waayaan, is qancin waayaan. Heshiiska iyo nabadda ay gacan saddexaadi soo diyaariso oo la rabo in labo is haysa lagu heshiisiiyo inta badan ma noqdo mid waara. Sabab? Markii horaba dhab uma heshiin labadii is haysay ee cid saddexaad baa heshiiska sameysay. Waa heshiis aan faruuryaha dhaafsiisnayn. Heshiiskaas oo xataa laga yaabo, inta badanna dhacdaba in gacanta saddexaadi labadaan is hayo midkood u xagliso.

Labadii bil ee u dambeeyay gabadha waxa ay dareemaysay in saaxiibkeed wax iska baddaleen. Is baddalku waa mid muuqdo oo aan daah saarneyn. Muddo ayaa ay u sugtay oo ay hubinaysay bal in wuxu yihiin mashquul ku soo kordhay ee uu sidiisii ku soo laaban doono marka uu ka soo dhamaado. Qof wax jeceli waa marmarsiiyo badan yahay oo laba iyo toban cudurdaar ayuu u sameyn qofkiisa. Mar mar waxa ay is weydiinaysaa, xataa haddii mashquul kusoo siyaaday sababta uu u la socodsiin la’ayahay. Waxba kalama qarsadaan oo inay kala qarsadaan waaba qalad, ileen waa labo nafta is dhaafsadaye. Labadoodaba waa shaqeeyaan sida caadiga ah. Marka ay shaqada ka soo dhamaadaan ayaa ay si wadajir ah gurigooda u maamulan jireen una caweyn iyo damaashaadi jireen. Is badalka ay dareemayso hadda waa isaga oo habeennadan bannaanka kusoo caweeya kaligiis. Makhribka sida uu xaafadda uga baxo ayaa uu yimaadaa shanta iyo wax la jiro oo habeennimo. Ma weydiiso oo waxa ay u deysay bal in uu isagu is garto. Waxa ay sugeysaa in uu u sharraxo sababta uu habbeennadan keligiis u caweys tago.

Marka ay keligeed guriga iska sii joogto waxa ay in badan ka fekertaa oo ku soo dhacdo sida ay isku ahaayeen markii ay haasaawi jireen. In ay labadoodaba isku jajabnaayeen ayay qirsan tahay oo habbeenadii uu la joogi jirayba waa ka sheekeysan jireen waxyaabihii ay soo mareen markay sheeko wadaagga ahaayeen. Iyada oo ka fekereyso haasaawihii hore, ayaa waxaa ku soo dhacday ereyo hees ka mid ahaa oo uu aad u jeclaa marar badanna usoo diray. Dabcan, erayada heesaha laga soo xusho waa hubka ugu culus ee la isku beerlaxawsado marka la haasaawayo. In kasta oo ay erayo badan oo heeso ka mid ah isku diri jireen, haddana isagu waxa uu marar badan soo diri jiray erayo ka mid ah hees talantaalli ay u wada qaadaan Xasan Aadan iyo Khadiijo Qalanjo. Waxa uu taas u xushayna waxaa laga dareemayaa in saaxiibtiis si uga didsaneed oo uu isna is lahaa dhinacaaga usoo dun. Sida muuqato, waa u hirgashay doonistiisii. Caawa iyadu waxa ay ka fekeraysaa in ereyadaasu ka ahaayeen “been ku soo xero geli runna ku dhaq.” Sida saxda ah, waa dareensan tahay waana og tahay in aanu saaxiibkeed sidaas ahayn. Laakiin, mar haddii is baddal muuqdo saaxiibkeed ku yimid in ay sidaas wax u fasirato dantaa ku qasbeyso. Isagu qudhiisu waa dareensan yahay in waxa uu sameynaayo aysan ahayn wax reerkiisa u qumman oo aysan ka mid ahayn waxyaabahii ay isaga iyo afadiisu ku heshiiyeen. In la is weheshadaa oo la isla caweeyaa ayaa uu ballanku ahaa. Balse saaxiibadiis ayaa habeennadan caweys kale u wado.

Dhowr cisho ka hor, habeen ayaa uu guriga yimid caweyskiisii ka dib. Waa ammintii uu habeennadan iman jiray. Iyada oo sugeysay iskuna maaweelinaysay TV iyo aaladaha bulshada si aanay u hurdin ayaa u keentay casho fudud oo uu jeclaa in uu habeenkii cuno. Iyada goor hore ayaa ay casheysay oo habbeennadanba islama casheeyaan, maxaa yeelay isagaa duurgal noqday. Habeenkaan in ay la hadasho ayaa ay goosatay oo ay xasuusiso in aanay sidaani sax ahayn. Laakiin qorshaheedu waa ka duwan yahay qorshihii miiska wada hadalka. In aaanay sidan uga aamusin oo ay wax u sheegto waa go'aansatay, balse, habka ay wax ugu sheegi rabto ayaa ka geddisan habkii hore. Mar allaala marka ay cashadii u keentay ayaa ay soo ag fadhiisatay sidii caadada u ahaydba. Heestii uu erayadeeda inta isaga kaquseysay kasoo dirsan jiray bay dib u xasuusisay. Isla intii uu soo diri jiray ayay u geysay oo u shidday. Waa labada qeyb ee uu Xasan ku luuqeynayo. Heestu waxaa erayadeeda ka mid ah:

Nafteyda waan kuu huri lahaa;

Hantina kaa bixin lahaa;

Hagar kuuma quureen;

Halistaad i goysiyo;

Halkaad igaga taallee.

Hawaa dhalisa caashaqee hiyi igu raac,

Hed baa keenta geeridee ku hor timaad.

Ragga iyo haweenkuba,

Midna haybad ma yeesheen,

Kan kaloo la haynine.

Hadhow bay oran;

Layma heesine;

Laylama hadline;

Doob hurdaa i helay;

Hoobeeyooy soo hor caashaqa;

Haa aan heshiinee.

 

***

Jacaylka waan kula habeynlaa;

Hiillaan kuu noqon lahaa;

Hawl kuguma dhaafeen;

Adigoo harraad qaba;

Habeen kaama seexdeen.

Hammaa keenta caashaqee halacsiga;

Hubbaa keenta hibashadee nabar horree.

Ragga iyo haweenkuba;

Midna haybad ma yeesheen;

Kan kaloo la haynine.

Hadhow bay oran;

Layma heesine;

Laylama hadline;

Doob hurda i helay;

Hoobeeyooy soo hor caashaqa;

Haa aan heshiinee.

Ujeedkeedu heesta ma wada aha. Dhowr tuduc oo farriinteeda khuseeya baa ku jiro balse ay dooneyso in uu isagu la soo baxo. In uu isagu fahmo ujeedka laga leeyahay. Qofkii u fiirsada waxa uu garan karaa in ay u jeeddo kan ugu horreeyo oo ah “nafteyda waan kuu huri lahaa” oo sida saxdi ahi ay nafaha isku hureen laakiin ay dareemayso is baddal iyo shanta tuduc ee ugu horreeyo qeybta labaad. Sidoo kale, waxa ay u duurxuleysaa in ay sheekeyntiisii iyo la caweyntiisa tabeyso oo ku leedahay la iima heeso, sheekeeyo, hawl la ilama qabto maalmahan iwm. Taasina waxaa farriinteeda u gudbinaayo inta hooriska ah. Heesuhu mararka qaar waxa ay kaa kaafinayaan kaana furanayaan meel sharraxaad dheer kaaga baahan. Saaxiibkeed marka uu dhageystay heestaa goonida u ahayd ee uu ku beer laxawsan jiray iyada markay gabadha ahayd. Soona xasuustay waxa uu dareemi jiray marka uu erayada heestaas qori jiray isaga oo naawilayo in ay ka ogolaan doonto doonistiisii ahayd in ay marwadiisa noqoto. Maantana sidii uu u rabay u dhacday oo ay afadiisa tahay ayaa uu joojiay cashadii uu daanqaadayay. Feker baa uu galay. Qaddar daqiiqado ah baa la kala aamusay ka dib markii ay dhammaatay heestii farriinta ahayd. Tiish ag yiilay baa uu inta afka isaga tiray, saaxiibtiis oo dhinaciisa fadhisay lagana dareemayay kalgacaylka ay u hayso marka la eego sida indhaha ay biyihu ku soo istaageen ugu eegeyso, isku duubay oo laabtiisa si daran isugu soo dhaweeyay. Habta uu siiyay waxa ay dareemaysay mid lamida inaanay waligiis ka arag. Heestaasi waxa ay saxday qaladkii uu ku socday waxaana ka dhashay heshiis aqbal iyo lagu ijaaboobay. Habeenkaas wixii ka dambeeyay afadiisa ayaa uu sidii uu horay ula caweyn jiray ula caweeyaa, hawlkastana la qabtaa oo la qoslaa. 

Wednesday, October 21, 2020

Waddada: Wadnaha Ganacsiga

Kaabayaasha dhaqaalaha waa asaasiyaadka iyo hannaanka fududeeyo in uu dhaqaalaha dal si hufan u shaqeeyo ama u shaqeyn waayo. Haddii uu dal kaabayaashiisa dhaqaale wanaagsan yahay, waxaa wanaagsan habsami u socodka dhaqaalaha waddankaas. Sidoo kale, haddii aanu wanaagsaneyna waxaanan si qumman u shaqeyn karin waxyaabaha uu dhaqaaluhu ka unkamo. Waxaa ka mid ah kaabashaasha dhaqaalaha: Garoomada diyaaradaha, dakadaha, buundooyinka isku xiro wabiga labadiisa daraf, waddooyinka iwm. Waddadu waxa ay ka mid tahay kaabayaasha dhaqaalaha waana midda ugu muhiimsan mashiinnada dhaqaajiyo dhaqaalaha. Waxa ay fududeysaa in ay kulmaan dhinacyada wax is-dhaafsanayo. Iyada la’aanteed waxaa joogsanaayo dhammaan dhaq-dhaqaaqa ganacsiyada (transactions).

Iyada oo ay waddoonyinka magalaada Muqdisho marar badan oo aan tiro lahayn la xiro sababo badanba, marka ay sababahaasi jirin waxaa abuurmo isku qataaran badan oo ka dhasho nidaam xumo. Ciidanka lagu magacaabo booliska waddooyinka (traffic police) uma shaqeeyaan si fududeyn karto in ay waddado qataarmin ama waxaaba lagu doodi karaa iyaga ayaa qeyb ka ah in ay waddadu xiranto. Marar badan waxaa qataarmo waddadii fududeynaysay isu socodka dadka iyo ganacsiga. Labo sheey ayaan u sababeyn karaa is qataaridda waddada: 1) Qorshe la’aanta dowladda Hoose ee Xamar oo aad is leedahay xilba kama saarna in ay waddadu shaqeyso ama aanay shaqeyn; iyo 2) Nidaam xumada wadayaasha baabuurta. Labadaan sababood midkoodba (si gaar ah) ka hadalkiisa ayaa noqon kara qoraal dheer, hadda se kama hadlaayo.

Sida kor ku xusanba, waddadu waa wadnaha iyo awoodda wareejiso garaangarta ganacsiga. Tusaale; ka soo qaad khudaarta la isticmaalo waxa ay ka baxdaa Afgooye. Haddii la waayo waddo isku xireyso Muqdisho iyo Afgooye, khudaar lama heleen. Marka ayse jirto waxaa uu qofku heli karaa khudaarta uu u baahdo. Waddada oo noqota mid si qumman u shaqeyso ama qaab daran waxa ay khudaarta ka dhigi kartaa mid jaban oo rakhiis ama sicirkeedu sarreeyo. Haddii waddadu tahay mid hagaagsan sicirka khudaartu waxa uu noqonayaa mid jaban, haddiise ay tahay mid silic iyo dhib badan, silicaas iyo dhibkaas lagu keeno khudaarta waxa uu dul fuulayaa qiimaha la iibinayo. Tusaalahani waxa aan u soo qaatay in waddadu ay qeyb ka tahay qaaliyobidda ama rakhiisidda badeeco ama adeeg.

Aan u soo laabto dhibta waddooyinka magaalada Muqdisho. Marka laga yimaado qaababka ay waddadu u xiranto oo aan is leeyahay inyar ayaad kor ku xustay, waxaa si maalinle ah u istaago ganacsiyo haddii ay shaqeyn lahayd soo saari lahaa malaayiin doollar. Waxa ay waddadu ka xiranto waa badeeco meel loo waday, arday waxbarasho u socday, macallin wax barid u socday, qof shaqo u socday iwm. Ka soo qaad, waxa ay waddadu ku xirantay qof farsamo yaqaan ah oo lacagta soo gashaa ay ku xiran tahay shaqada uu sida maalinlaha ah u qabto. Waxa ay qof ku ballameen in uu shaqo u qabto oo marka uu dhammeeyo shaqada la siin doono lacagta. Isaga awooddiisa marka la eego shaqada waxa uu ku dhammeyn karay hal maalin. Maalinkii uu shaqada u soo baxay waddadii ayaa ku qataarantay oo ma helaayo baabuur si fudud u geeyo goobtii uu shaqada ka qabanayay. Haddii uu lugeeyo waxaa ka lumaayo waqti badan. Ka soo qaad inuu sugay inta ay waddadu is furayso ama lugeeyay. Waxa uu goor dambe tagay goobti shaqada. U ma aysan suurto gelin in uu maalinkaas shaqada ku dhameeyo, sida ay ballantu ahaydna isaga oo aan shaqada dhameyn wax lacag ah ma helaayo. Waxa uu xaafadda ku laabtay isaga oo aan habeenkaas wadin wax cidda casho u noqda. Yaa haddaba habeenkaas reerka casho la’aan dhigay? Dhanka kale, qofkii hawsha loo qabanayay isna loo ma dhammeyn howshii oo laga yaabo in ay ahayd mid si guud muhiim u ah. Bal malee in uu maalinkaas shaqada dhameeyay, lacagtiisa soo qaatay. Waxa uu haddaba lacagtii ugu soo adeegay reerka. Dukaan ayaa uu ka soo iibsaday dhammaan wixii ay u baahnaayeen reerka. Dukaankii isagana lacagtii ka soo gashay Farso-yaqaanka waxa uu ku dalbaday badeeco kale … sii wad.

Sidaa iyo si ka ballaaran ayaa ay waddadu muhiim inoogu tahay. Dhammaanteenna waa aan og nahay middaas ee waxa dowladda Hoose la gudboon in ay dajiso nidaam lagu hago waddooyinka, ganacsatada iyagana waa in ay ka fekeraan in ay waddadu muhiim u tahay ganacsigooda ay ka ilaaliyaan waxyaabaha qataari kara isu socodka. Xilalkaan tiro beelka ah ee mushaarka uun agu cuno maxaa loo waayay hal hay’ad oo si hufan u shaqeyso?

 

Sunday, March 1, 2020

Tororog

Ma adigii baa? Malaha haaye, waxbaan kuu sheegayaa! Gees inoo bixi. Haa. Inta, inta, inta na istaaji. Ammaan iska fadhiisannaaba? Sidaasa la qaatay. Halkaa ina gee. Kursigan salka la hel. Haah, jawigu cakiranaa! Igamaad harin soo ma aha? Haa waa anigii ku iri waxbaan kuu sheegayaa. Sideedaba walxaha qaar waa is moodsiis. Waxa aad iska dhaacinaysaa wax aad rabtay inaad qabato, inay fududyihiin oo aad qaban doonto. Waad fekereysaa, sax? Haaye, ma wax aan loo fekerin baa! Waxa aad ogaaneysaa sheey/walax inaan dan kuugu jirin inuu wax ku seejiyo maahe, haddana waad sameynaysaa sheeygii/walaxdii aad ogaatay khasaaradeeda. Maya ma ogaanine waad iska dhaadhicisay inaad ogaatay oo sidaasay kula ahaatay. Sidaasi miyaanay ahayn horta? Haa. Sax. Waad ka leexan lahayd waxa aanay dani kuugu jirin haddaad ogaan lahayd. Malaha maahee? Waxaa ugu daran, marka aad is mooddo inaad tahay wax aanad ahayn. Fajac! Haddii ay ku la tahay in aad tahay wax aanad ahayn, miyeeysan fajac ahayn?

Wednesday, July 31, 2019

Marqaankayga


Heeskaan soo socdo markii iigu horreysay ee aan maqlay waxa aan saarnaa gaari gaadiidka dadweynaha ah -muddo dhowr sano laga joogo. Wadaha gaariga oo ku marqaamayay ayaan ka gartay sida uu u xamaasoonayay in heesku cajaa’ib leeyahay! Dhegtaan u raariciyay. Waan dhageystay waxoogaa, cuudkaaba i qaaday. In aan sidiisa marqaamayaan mooday. Ereyadaan u dhag taagay, cajab! Gaarigii aan saarnaa dhul ka baxsan bay i geysay heestii. Waxaan ku war helay, ninkii gaariga rarayay oo leh: “lacagta keena waa la gaaray goobtiiye”. Waan maleysan kari waayay in boosteejadii durba la gaaray.

Heestii ayaan raadiyay. Waxaan ku sigtay in aan youtube-ka uga baaro sidan: “Heestii uu dhageysanayay darawalkii gaariga”. Balse fannaaniinta qaadayay oo aan codkooda gartay ayaa ii sahashay. Dhowr daqiiqo baaritaan ah ka dib waan helay. Ilaa iyo hadda waxay iigu jirtaa kuwa iigu xamaasadda badan markaan dhageysanayo qaraamka.

Heeska waxaa wada qaadaya Xasan Aadan Samatar iyo AHUN Sahra Axmed Jaamac. Ma aqaan abwaanka sameeyay erayada. Fadlan ila wadaag haddii aad taqaano.  

Heesku wuxuu u dhacaya sidan:

(1)- X. A. Samatar:

Canabkoo magooliyo,

Cargaduudda mirihiyo,

Cosobiyo dhul baad laay!

Lagu mood cirjiireey,

Casar roob darrooroo,

Ay cadceeddu qabatiyo,

Calcalyada xareeddee.

Midabkaagan ciidkee,

Caashaqa u sahanaa,

Niyadeydii cugataye,

Ku calmadaye ma og tahay?

Humaagga aad sawiran karto ee uu abwaanka qeybtan ku muujiyay ayaa ashqaraar leh! In la calmaday istaahishaa qurux noocaas ahi.

(1)- Sahra Axmed (AUN):

Isu soo cayaarguda,

Cadallool wadaagtoo,

Berya cuudka wada jiray.

Cidahooda wada tiil,

Is taqiin carruurnimo,

Maynu noqon cashiiree,

Caawaynu kulannoo!

Ii culeysay sheekee,

Sideen kuu cajabiyaa?

Isma camal naqaannee,

Cududdayda sii daa!

Qeybtan wuxuu abwaanku faallo kooban ka bixinayaa gabadhan uu ninkaas qeybta kore ku sheegay inuu calmaday iyo iyada in aanay is aqoon, oo ay cawayskan uun isku arkeen. Gabadhu waxay wiilka ku leedahay: “War xitaa daris ma ahayne sideen kuu cajabiyaa?” oo yacnii ah qof i yaqaanoba ma tihid oo caawa keliya uun baan kulannay ee sideed ii calmatay? Waa la isku galay meesha!

 (2)- X. A. Samatar:

Carra laga hayaamoo,

Ciyowgii ka qayshoo,

Cooflaha libaaxiyo,

Cagweynow maroodigu,

Cimidh ay u joogaan.

Caarraha shabeelkiyo,

Wiyilihu cartamayaan!

Caashaqaa daraaddaa

Dhul cabsi le i mariyoo

Ku go’doomay cayntee

Ku calmadaye ma og tahay?

Dhulkaan uu abwaanka dhex joojiyay ninkaan gabadha rabo in uu u sharraxo sida uu u yahay ayaa la yaab leh. Waa dhul uu abwaanku ku kulmiyay duur-joogta kuwooda waaweyn. Wuxuu leeyahay: Dhulkaas cabsida leh caashaq aan kuu qaadaa i geeyay. 

 (2)- Sahra Axmed (AUN):

Casguduudka waaberi,

Cadceeddoo falaadhaha,

Ku cigaalan nuuriyo.

Manka caaradiisiyo,

Curub geed ku taalliyo,

Waxaan ahay carruur weli,

Waalidkii ceshanayoo,

Ma aqaanno caashaqa,

Caynka uu u dhiganyee,

Isma camal naqaannee,

Cududdayda sii daa!

Gabadhu waxay leedahay si ay ninkaan warkiisa isaga leexiso, waxaan ahay curdin soo baxaayo oo waalidkeed cishanayo oon caashaq aqoon xitaa sida uu u yaal!

Laxanka, cuudka iyo luuqdaba waa kuwo xiiso gaar ah iigu yeelay heeska. Waa marqaankeyga. 

Heesta halkaan ka raac link oo ka dhageyso: https://www.youtube.com/watch?v=E-ZOleeU9bU

 


Tuesday, April 23, 2019

ANFARIIR


Habeen Axad ah 21 April, 2019; 09:25PM

Waxaan ka baxnay goobta shaqada. Waa aniga (Yaxye Jacfar) iyo Sayidcali. Goobta shaqadu waxay ku taal agagaarka shaqaalaha. Waxaan wataa laptop boorso ku jiro oo garabka ii suran iyo moobil aan gacanta ku haysto, Sayidcalina moobil weyn iyo mid yar (niicle), jeebka ayay ugu jiraan. Waxaan qaadnay waddada Taleex aaddo ee Isgoysa Xaaji Baasto ka leexato. Isaga (waa Sayidcali e) oo taleefan ku hadlaya ayaan ag marnay Jaamacadda Green Hope. Waxaa naga soo horjeedo irridda Idaacadda Shabeelle. Waxaan u leexannay dhanka bidix, waddada hor marta Frontier College. Marka aan sidaa u leexanay, waxay indhaheennu qabanayeen Mooto Bajaaj taagan oo ay dadna saaran yihiin qofna uu dhulka taagan yahay. Waxaa gadashooda soo socdo 2 nin iyo gabar. Dhammaantoodba afkooda wuxuu u jiheysnaa liddiga jihadaan u soconnay. Annagu Galbeed ayuu afkeennu aaddisnaa iyagana Bari.

Dadkii socday, ayaa ay Mootadiina ku lug darsatay. Marka aan Bajaajta agmareyno waxaa si fiican noo eegayay qofkii dhulka taagnaa. Aniga dareen ima gelin, Sayidcali ayaanan ku dhahay: “Waa maxay kan siduu kuu eegayo?” wuxuu iigu jawaabay: “Waan ka cabsiiyay oo wax bustoolad wataan isaga dhigay, jeebka dhinaciisa gacanta ku qabsaday shaatigana hoos ayaan u celiyay!” aniga oo hadalkaas ku sii qoslayo kaftanka ah ayaan sii dhaqaaqnay. Waxyar ka dib inta aanan gaarin Frontier College waxaa gadaal ka soo xiintay mooto. Mootatii waa na lagu soo hor gooyay iyadoo ay ka soo dageen labo qof labana ku hareen. Mid ayaa qori AK47 ah, hal xabbad lugaheena ka dhex kiciyay oo nagaga naxsaday, midna toorrey markii ay bishu qabato ‘walac’ leh ayuu ila ag yimid. “Ha is dilin” waan maqlayay wax intaa ka dambeeyo se ha i weydiin. Bal muu aayar: “iska dhiiba waxa aad wadataan” na dhaho, marka uu xabbad oo hadda xabbad ah afka naga gelinayo! Tuugadu waa in la baraa qofka iyaga oo aan dilin in ay wax ka qaadan karaan! Waxaan maqli jiray, qof la dhacay ayaa la dhaawacay oo wuu isku dhajiyay wixii laga dhacaayay, markaasa lagana qaatay lana dhaawacay. Waxaan isi dhihi jiray muxuu isaga dhiibi waayay. Laakiin sheekadu ka beddelen sidaa. Marka horeba waa in jugtu ku gaartaa si aad wax u dhiibto, waa tuugada dhaqankooda. Laakin taasi waa doqonnimo soomaaha? Haah.

Waxa ay qaateen moobilkii aan gacanta ku haystay oo dhulka ku dhacay iyo boorsadii laabtoobku iigu jiray. Orod ayaa ay is geddiyeen. Waxay ku leexdeen luuqa Masaajidka Ramadaan hormaro. Waan sii dhaqaaqnay annaga oo anfariirsan! Durbadiiba iyadoo xiimeyso ayaa ay na soo ag martay. Sayidcali ayaa talo soo jeediyay ah in aan dabo galno. Anne waxaan ku dhahay: “Saaxiibow feerahay na goyanaaye aan isaga harno”. Innagoo sidaa leh, waxaa inoo timid askar dad aruurinaysay. Dadkii ayaa na la ku daray. Waa na la baaray oo saf dheer na la geliyay. Waxaan u sheegnay in aan dhacan nahay oo ay na dhacday mootatii waxyar ka hor sii carareysay. Askartiii dadka aruurinaysay ayaa nagu yiri: “Safka gala, ninkii wax qaba taliyuhuu u sheegayaaye”. Taliyihii ayaa na loo geeyay, markii aan u sheegnay waxa nagu dhacay, wuxuu na weydiiyay in aan weji ahaan garan karno iyo in kale. “Maya” ayaan ugu jawaabnay, maxaa yeelay kuma dhiiran oo nagumaba soo dhicin in aan taariko iyo wax la mid ah eegno. Marba haddii xabaddii na hareer martay waa Alle mahaddii ayaan isugu laab qaboojinnay. Miyaanay ahayn? Waa ay tahay. Xaqiiq. Wuxuu yiri Taliyuhu: “Shit, ciidanka ayay arkeen waana carareen”. Oo miyeey u joogsan lahaayeen? Taliyihii wuxuu amray in nala sii daayo: “Nimanka dhacan daaya iyagaba dhacane”. Waan maqlay intaas. Waan sii dhaqaaqnay dad badan ayay askartu qabqabanayeen. Xaafaddii ayaan tagay oo Sayidcalina wuu sii gudbay. Alxm si nabad ah ayaan u seexday. Waan hurday in kasta oo aan wax tabayay. Eebbow mahaddaa! Subaxii waan soo baxay. Ilaa haddadaan, mootadii gaduudan oo aan arko, ciilbaan u qaadaa.

Haddii aan tuugada wax dhacda la qaban karin, almiina hala baro inay dadka si asluubaysan u dhacaan!

Sunday, December 16, 2018

FAALLO: BUUGGA DHAKAFAAR



F.G: Faalladan markii ugu horreysay waxa ay ku soo baxday bogga uu internet-ka ku leeyahay qoraha buugga. 

Dulmar guud:
Buuggu waa Dhakafaar. Qoruhu waa Cabdullaahi Janno. Daabacistu waa 2017. Magaca buugga ayaa ku dareensiin karo waxa gudaha loogu tegi doono. Waxa aad dareemaysaa, si toos ahna u arkeysaa, dhibaatooyinka dhakafaarka keenay ee ku qasbay qoraha inuu inala wadaago. Billawga illaa dhammaadka sheeko walba oo aad akhriso dhakafaar ayaad ku dhammeysaneysaa! Waxa uu buuggu kugu xambaarayaa in aad ka fekerto oo aad maankaaga rogrogto si aad dhakafaarkan xal ugu raadiso.

Saturday, October 20, 2018

EEGMO!



Sheekadani waa mid Buube ku dhacday isaga oo meelaha eeg eegaya. Waxa uu uga sheekeeyay saaxiibkiis. Waxayna u dhacday sida tan:

Buube: Saaxiibow ma kugu dhacday sheeko eegmo la dhaho? 
Saaxiibkiis: Hhhh. Mayee, maxaad soo waddaa maanta?
Buube: Shalay ayaan meel hawl uga baahday. Meeshii ayaan aaday. Mashquul ayeey ahayd goobti aan shaqada ka rabay. Aniga oo is leh: “war dadkan ma dhexmartaa si hawshaada laguugu fududeeyo”, ayaan is qabtay oo waxaan arkay dad iga soo horreeyay oo wada taagan. “dadkaanba waa taagan yihiine xaq is laameed ha qaadan, waa la gaa soo horreeyee” ayaan is kula hadlay. Geesahan eeg eegay, mise waxbaa isoo eegaya. Si xooggan baan u eegay waxa aan arkay, si aan u hubiyo in ay run yihiin iyo in kale. Run. Wallee waa run. Waa qof dhan oo fadhiya! Fadhi qurxoonaa! Kuraasta nasiinada ayeey fadhisaa. Inta aan safkii dheeraa ka soo baxay ayaan soo jeedkeeda kuraasta taallay, mid salka la haleelay. Aaway ninkii daahsanaa ee dadka dardari gaaray?! Mooyi.

Marka koobaad waxa aan si cajiib leh uga bogtay qaab fadhigeeda. Dhabarkeeda waxa uu ku santeecaa kursiga ay ku fadhiso. Lugta bidix ayaa dhulka u taal, tan midigna waa kor saaran tahay. Kabo aad iska jeclaaneyso ayaa ku jiro cago aan u muuqan kuwo soo cagaagay. Labadeeda gacan waxa ay isugu geysay moobil aan qiyaasay in ay internet ku isticmaaleysay. Faro buur-buuran oo u muuqday kuwo la dhaqaaleeyay ayaa moobilka sal-salaaxaya. Nasiib badanaa moobilkaasu! Waxa ay hadba ku dugeysay moobilkeeda iyada oo muusooneysa. Malaha “waad qurux badan tahay” farriin ah ayaa usoo dhaceysay. Oo miyaanay qurxaneynba?! Marka ay madaxeeda kor usoo qaaddo, aniga ayeey toos ii soo eegeysaa. Waayo, waa ay dareemaysay markii ay farriinta ku maqneed, in aan anigana iyada ku maqnaa. Qof laga jeesan karo ma ay ahayn.

Saaxiibkiis: Cajiib! Haye qoftan aad sidan dhan u tilmaantay, maxaa idin kala dhex maray?
Buube: Maxaa na kala dhex mari lahaa. Sida ay u fadhisay, qof gudaha ku jiray ayaa soo baxay waa ayna is raaceen.

`DHAMMAAD`

Friday, April 13, 2018

MAR LA ARAG!

Waxa aan socday waddada dhinaceeda. Aniga oo socda, iskana socdo ayaan arkay. Iyadaan arkay. Waa gabadh. Waxa ay la taagan tahay dhowr hablo oo ay wada sheekeysanayaan. Dhag. Waa anigaa istaagay! Dhaqdhaqaaqi kari waayay. Tallaab geddin waayay. Oo tolow maxaa i joojiyay? Garan maayo e, waa anigaa istaagay! Dhabankeeda labeenta saaran waa laga dhaashan karaa. Waa quruxdii la sheegayay oo soconeysa. Iyadaan eegmo u galay. Waan ka jeesan kari waayay. Markay isoo eegto waa anigaa qabooba. Dhidid baa SHAX iga soo yiraa. Ma karayo inaan la hadlo se haddaanba indhaha ku eegi karo geesi ayaan ahay. Miyaanan ahayn? Way qosleysaa. Alla may aamusto, qosolkeedu wuu i naafeynayaaye.

Waxay leedahay ilka aad u cad oo dhuux yaro madow ku jiro. Afka marka ay kala qaaddo meel baa hoos ii go’eysa. Halow. Waa iyadaa isoo eegtay. Alla maxaa i tusay! Indho debecsan, weji furan, dhoolla caddeyn muusood ah wataa igu qaabishay. Alla tani fariidsanaa! Kuwo kaloo aan horay u eegi jiray, wayba iska caresnaayeen. Si iskood ah. Tani sidaa maaha! Wataa muusootay. Fariido dheh. Indhaheeda waa dhay cad. Indho meesha cadi yartahay oo wareegga madow uu weyn yahay, ayeey leedahay. Indhaha weyninka lagu sheego ee habluhu ku qurxan yihiin alleen waa sidan! Qeybta madoobi, waa madow quli ah. Qeybta cadina waa dhaay. Waa caddaan kii u caddaa. Sunniyaha bal eeg. Waa kuwo wareeg qurux badan ah. Wallee tani waa quruxdii oo dad laga dhigay.

Waxa aan sii sawirtay timaheeda. Waa dhuxul, dhererku intay ka bateen barkeed dhaafeen dhabarka. Ka warran haddii ay furnaan lahaayeen? Inta barna soo dhacaan, ayaa ay laydhu ku dheeli laheed. Midabkeedu waa dhiin. Dhiinku guduud maaha ee waa maarriin mas ciided ah.
Waxaa igu soo dhacday heestii uu qaadayay Axmed Cali Cigaal oo aheed:

Ilkaheeda dhuuxaa,
Indhaheedan dhaydaa,
Dhabankeeda curubtaa,
Sunniyaha bil dhalatiyo,
Sida qaanso lagu dhigay!
Timaheedan dhuxushaa,
Barkood dhaafay dhabarkaa,
Barna soo dhaceenee,
Laydhu ay ku dheeshiyo,
Midabkeedan dhiinkaa.


Aniga oo heestaa iska xasuusanaya, saw iyadaa dhaqaaqday. War socod waagsanaa! Aniga oo sii eegaya wataa iyada iyo asxaabteediiba gaariga raaceen. Waa mar la arag!

Saturday, January 20, 2018

KELIYA SAAXIIBBO

Isha sawirka: Google


Waxa uu ahaa wiil daggan, waxoogaa fud-fud. Dabeecad wanaagsan oo kaftan badan. Magaciisu waa Guuleed, aniga se waxa aan ugu yeeri jiray ‘Sheekeeye’. Ardayda kale waa uu ka duwanaa. (ama aniga ayuu iiga duwanaa). Waxa uu ka mid ahaa gabdho iyo wiilal dhowr ah oo fasalka igu soo dhaweeyay markii aan ku soo biirayay dugsiga. Soo dhaweyn mashxarad iyo damaashaad leh ma ahyn ee qalbi furnaan iyo dhoolla caddeyn ayeey igu soo dhaweeyeen. Waa ay iskeey bareen waliba.

Fasalka waxa uu ka fariisan jiray safka dhexda ah, kursiga ugu horreeyo kan ku xiga. Waliba dhanka gabdhaha, safka soo xiga. Dugsiga oo aan ku cusbaa iyo fasalka afaraad ee dugsiga sare oo aan ku jirnay waxa ay innaga dhigtay saaxiibbo. Waxa aan iska kaashan jirnay maadooyinka qaar oo wadashaqeyn iyo iskaashi u baahnaa. Aniga, saaxiibteey Sareedo, isaga iyo saaxiibkiis Caynaan waxa aynu ku midownay is kaashigaas. Runtii, aniga waxa uu ii noqday saaxiib wanaagsan. Maalinka uu fasalka ka maqan yahay waa aan tabi jiray, isaga se ma ogi. In badan ayaa uu iga qoslin jiray. Sheekooyin kaftan iyo madadaalo leh ayaa ina dhex mari jiray. Iskuulka in aan aadayo waa xiiseyn jiray, weliba waan u dag dagi jiray. Ma ogeyn sababtaas laakiin hadda ayaan ogaaday. Isaga ayaan xiiseyn jiray, --aragtidiisa. Isaga laftiisu igama uu liidan oo sida aan u daneynayay, si ka daran ayaan ka dareemayay. Laakiin marna labadeennu iskuma soo qaadin wax ka baxsan hawlaha dugsiga iyo tan fasalka ee ah barashadeenna iyo ka gudbidda dugsiga sare.

Mar mar ayaannu ballami jirnay afarteenna (aniga, saaxiibteey, isaga iyo saaxiibkiis) si aan si wadajir ah uga shaqeyno layliyo keli keli innoogu adkaaday. Maalin ayaannu ku ballannay in aannu isu nimaad. Labadii kale ayaa inoo gooyay, sida ay inoo sheegeenna hawlo kale ayeey ku habsaameen. Maalintaa labadeenna ayaannu noqonay. Xaafadeenna ayaanu joognay. Waxoogaa markii aan layliyadii fiir fiirinnay, ayaanu sheeko qabsannay. Si qoto dheer ayaan u wada sheekeysannay maalinkaa. Sida aan u garanayay si ka sii durugsan ayaan u bartay. Sheekooyin dhinac walba leh ayaa ina dhex maray. Weli ma hilmaamin sidii uu iigu warramay markii aan ka hadleynay haasaawaha dhex mara wiilasha iyo gabdhaha. Guurka waxa uu ka dhigo lammaanaha iyo hawsha la wada leeyahay ee timaada marka uu reer dhismo. Waxa uu ahaa qof yaqaan qadarinta iyo xushmadda ay ka mudan tahay gabadha uu la haasaawayo ama uu guursan doono. Maalinkaa aad baan ula dhacay sida qurxoon ee aanu u sheekeysannay.

Wixii intaas ka dambeeyay, sannad dugsiyeedkii ayaa inoo soo idlaaday innaga oo aynaan wax kale ka wada hadalin. Waxa aan is lahaa dareenkiisa ayuu kula wadaagayaa, balse walaalnimo iyo saaxiibnimo isku dugsi ka badan iima uu dhaafin. Anigana meeshaas uma dhaafin.

Hadda, waxbarasho ayuu u joogaa dalka dibaddiisa. Waan is xiriirinnaa laakiin weli iskuma soo qaadin xiriir ka durugsan walaalnimada oo ina dhex mara. 

Tuesday, December 12, 2017

Maalin riyood!



Saakay, magaaladu waa magaalo kale. Tii aan ogaa maaha. Magacu waa magacii dhulkuna waa dhulkii, laakiin is baddal ayaa ii muuqdo. Is baddal weyn waliba. Inta uu is baddalka noocaan ah dhacayay taloow xageen jiray? Guriga waan ka soo dhammaaday. Waddadii ayaan cagta soo saaray. Iyadii maaha! Dukaamaha iyo dhismayaasha ku yaal hareeraheeda waa sidii, balse wax weyn ayaa is baddalay. Waa ‘nadaafadda’. Waddo sideeda u nadiifsan weligeey kuma socon. Qurux badnaa socodku maanta?! Waxa aan weydiin u galay sidii ay waxaan oo is baddal ah ku dhaceen? Ma intan yar ee aan ku socdo ayaa nadiif ah, mise dhammaan waddooyinka? Ma waddooyinka bas mise dhammaan magaalada? Aniga oo aan cidna weydiin sida ay wax yihiin, ayaan soo qaaday waddada. Waan socday oo aan iska socday.

Wiil 10 gu’ kor u dhaafay ayaa bac uu jallaato ka cunayay ku tuuray waddada. Aniga waxba ilama ahayn oo sidaa mar walbo ayaa ay dhacdaa. Wiil ku labbisnaa shaar caddaan ah iyo surwaal baluug ah una socday dugsi (iskuul hoose) ayaa bacdii qaaday, geeyayna daasad weyn oo loogu talo galay in wixii qashin ah lagu shubo. Wiilkii yaraa ayaa ku yiri kii bacda tuuray: ‘walaal, haku tuurin bacda waddada ay dadku marayaan. Ka soo qaad meel walba in uu gurigiinna oo kale tahay. Gurigiinna ma u ogolaaneysaa in sidaa qashin loogu tuuro?’ ‘maya walaal, waan hilmaamay. Waad mahadsan tahay’. Ayuu ugu jawaabay. Filan waa’ ayeey igu noqotay in aan arko qof dhallinyaro ah oo sidaa falayo, waayo dabeecaddaa oo kale uma aanan baran. Waxa aan filayay in uu yiraahdo: ‘maxaa kaa galay’ iyo wax la mid ah.
Aniga oo uu yaabanaha ii shidan yahay, ayaan sii socday. Dadku waa dhoolla caddeynayaan. Xitaa arki maysid wiilka gaariga caasiga ah raro iyo qof lacag isku haysto. War cajiibsanaa magaalku! Waddada iyo dhammaan waxa dul socdaahi saaka waa nadiif. Waad fariisan kartaa meel walba.
Nin oday ah ayaan wareystay:

- Adeer, waxaan sidee ku dhaceen? Dadkii qallafsanaa miyaa magaalka laga saaray?
- Dadka ayagaa fahmay in ay nadaafaddu muhiim u tahay. Iyagaa is xilqaamay. cid laga saaray magaalkana ma laha adeer. Adigu ma hadda ayaad soo gashay?
Ma aniga! Saw anigii joogay? 
- Adeer, maya maya, waan iska xaaladeysnaa. Laakiin ma fahmin sida ay wax u dhaceen?
- Dadka waxaa lagu wacyi geliyay in ay nadaafadda ku dadaalaan. “Qof walba sida uu uga fekero nadaafadda gurigiisa, ha uga fekero bannaanka inta irridiisa hortiisa ah. Maxaa yeelay magaalkuba waa guryahaa iyo bannaanka irdaha oo isku tagay” sidaa ayaa loogu digriyay.

Aniga oo aan fahmin waxa ay sidan ku dhaceen ayaan iska sii dhaqaaqay. War hawadu nadiifsanaa! Bacdii iyo bustii isla buubayay saakay maleh! Hawada aad qaadaneysaa waa nadiif. Waad ku raaxeysaneysaa in aad magaaladii ku dhex neefsaneyso.
Aniga oo intaa sii marinaya, qof baa iga kala daadiyay riyadii.

Saturday, December 2, 2017

WAALLIDII BUUBE


Geedi, waxa uu ahaa wiil fud fudud oo jecel howl kasta inuu dag dag ku qabto. Hayeeshee howshii loo diraa ma uusan dhameystiri jirin, iyadoo qabya ahna wuu ka tagi jiray. Sidaa darteed geedi waxa markii la arkay fudeedkiisa iyo haad haadkiisa loogu magac daray Buube. Buube inta badan waqtigiisa firaaqada wuxuu ku mashqulsan yahay, mobile-kiisa gacanta.

Maalin isaga oo qolkiisa ku jira, sariirtana dul fadhiya, mobilekana ku mashqulsan ayaa waxa soo wacay gabadh uu jeclaa oo lagu magacaabayay Falxado. Isaga iyo Falxado maalmo isma aysan arkin, mana aysan isa soo xiriirin. Marka ay soo wacday aad ayuu ugu farxay in uu maqlo codkii cuddoontiisa.

- "Haloow Geeddi?"
- "Haa Gammaan dumareey".
- "Sidee tahay xabiibi?" 


Buube xabiibi markii la dhahay farxad ayuu la aamusay. Cabbaar yar ka dib waxa uu la soo booday.

- "Haa falxado waan caafimad sanahay, adiga sidee tahay xabibti?"
- "Waan ficnahay alxmdullilah. Malmahan kuma arkin, maxaa kugu dhacay?"
- "Waxba iguma aysan dhicin e, waan mashqulsanaa xbbti".
- "Haye maantana mashquul miyaa tahay?"
- "Maya fariido".
- "Ka warran, haddii aan is aragno?"
- "Afkeygad kala baxday".
- "Hayee xaggeen ku kullannaa goormeesa kullannaa?"

Hadda amintu waa 03:20 kii galabnimo

- "04:00 isugu kaayo keen meel hebla, si aan meel hebla isugu raacno".
- "Haye xabiibi".
- "Haye, haye gacalooy".

Aminta ay ballameen waxaa ka harsan 40 daqiiqo, durbadiiba inta taw yiri shaambo miiska u saarneed gacanta ku qabsaday waa kaa suuliga dalaq yiri, biyo isku boobay. Waxyar ka dib ayuu ka soo baxay, isaga oo geesdhan qalalan yahay hal geesna ka qubeystay, shaambana madaxa kaga taal. Hooyadiis ayaa aragtay. “Waryaa Buube, maxaa kugu dhacay?” Ku tiri. “Maya hooyo, waxba.” ayuu ugu jawaabay. Duqdii oo yaaban ayaa iska aamustay. Qolkiisuu galay, waxa uu ka fekerayaa wixii dhax mari lahaa isaga iyo gacaladiisa. Isaga oo awalba howl kastaa qabyo kaga tagi jiray maalinkaa waxa u dheeraa fikir iyo isla shekeysi “Taloow Falxado sidii ay aheed ma kasii qurux badnaatay? Ma u sheegi doontaa in aad si xad dhaafa ugu xiistay? Inaad jecel mug weyn usii qaadday? Iyada xaggeeda maxaad kala kulmi doontaa? Ma kula midaa mise?” Su’aalahaas iyo kuwo la cayn ah ayuu is weydiinayay. Saa wuxuu qolka kasoo baxay isagoo shaatiga u kala dheer yahay, guluuska dhexe meesha ugu hooseyso ku xiran yahay, kab dacas-shiinees ah iyo mid saandal ah wato. Shaatiga uu xeran yahayna, waa shaatigii uu kula qeeylinayay gabdhaha walaalihiis ah “maxaa la iigu dhaqi waayay”, oo waaba wasakh. Isla markii uu qolka furdug kasoo yiri, hooyadiis oo awalba la yaabanayd marka uu suuliga kasoo baxayay ayaa aragtay. Waxa ay isugu yeertay dhalinyartii deriska ahayd kuna tiri: “Buube waa uu waashay e, hala soo qabto.” Afar xoog xooggan ayaa laga daba diray, isagii oo weli isla sii faqaaya ayaa ay qabteen iyagoo leh “Acuudu billaahi mina sheydaani rajiim”. Isagii oo naxsan “waar maxaa idinka qaldan”. Warkiisaba lama dhageysane waa la qabtay oo lasoo waday iyagoo aayatul kursi akhrinaaya.

Markii la keenay ayaa waxa uu yiri: “Waar maxaad sidii qof waalan quranka igugu akhriyaysaan:” Waxaa loogu jawaabay “Ma adigaaba fiyoow, soow adigaan shaatiga kala dheer wata, kabaha kala noocaa xeran”. Inta isku naxay shibna yiri qolkiisa aaday ayuu boorsadiisa furay, shaatigii uu xeran lahaaba boorsaduu ku jiraa. Inta xanaaqay shaatigii soo bixiyay jeexay. Markasa lagu yiri “waar maxaad u jeexeysaa?” Kuye wuu iga dhuuntay. Hooyadiis ayaa ku tiri dhallintii: "war xira kan wuu waashee, wadaaddana iigu yeera."

Thursday, October 26, 2017

WAAYIHII WARSAME (SHALAY IYO MAANTA)

Isha sawirka: Google

Maanta waxa uu u hanqal taagayaa, martabado iyo jagooyin uusan ku fekerin tobaneeyo gu' ka hor. Waxa uu naawilayaa in uu wax ka beddelo, siyaasadda waddanka uga dagsan xagga waxbarashada. Ujeedkiisu waa in qof wal uu helo aqoon naftiisa hagta. Waxa uu soo diyaarsaday, kana soo shaqeeyay qorshe lagu horumarin karo, laguna hagaajin karo waxbarashada waddanka guud ahaan ka jirto. Waxa uu ka soo shaqeeyay qorshe uu la kaashaday saaxiibkiis, Gallad. Gallad waa saaxiibka keli ah ee uu la wadaago arrin walba oo asiga ku soo korodho. Isaga iyo saaxiibkiis Gallad, waxa ay is barteen iyaga oo dugsiga dhexe dhiganaya, halkaa oo Warsame ku soo biiray dugsiga Dhexe Sare ee Aw-geeddi. Gallad ayaa uu ahaa qofkii uu la saaxibay, soo dhaweeyayna markii uu ku soo biirayay dugsigaan.


Warsame iyo reerkoodu waxa ay deggenaayeen tuulo yar oo xoogaa ka fog magaalada.  Aabbe Faarax iyo hooyo Faynuus ayaa dhalay Warsame. Reerkoodu waxa uu ahaa reer xoolo dhaqato ah. Isaga ayaa ah curadka reerka. Waxaa ka yar Caynaan iyo Caaliya. Markii uu soo koray oo uu kuray garasho gaaray noqday, aabbihii Faarax waxa uu geeyay dugsi uu quraanka ka barto. Kolkii uu in muddo ah dhiganayay quraanka, higgaadda iyo fartana si fiican u bartay, waxa uu aad u jecleystay barashada Farsoomaaliga. Macallin Raage ayaa dhiga hingaadda farsoomaaliga. Ammintii uu bartay farta iyo dhigaalka farsoomaaliga, waxa uu aad u jecleystay barashada tacliinta maadiga ah. Waxa uu ku raaxeysanayay akhrinta buugaagta naadirka ah ee (farsoomaaliga ku qoran) tuulada laga helayay. Macalin Raage kheyr Alle ha siiyo e, waa nin tacliin badan yaqaanna. Tuuladaan ayuu soo dagay markii uu waddanku burburay. Keligii sooma uu degin e, cilmigiisi iyo aqoon tiisina waa la yimid. Waxa uu si bilaash(lacag la'aan) ah ku baraa, higgaadda iyo barashada Farsoomaaliga. Aqoontiisa waxa uu uga faa'ideeyay boqolaal tuulada degganeyd oo yaryar iyo waaweynba isugu jiray. Warsame, Macalin Raage ayaa waxa uu ka dhageystay in badan isaga oo ka faalloonaya tacliintii waddanka taallay xiligii ay dawladda dhisneed. Aad ayaa uu xiiseynayay ogaanshaha iyo barashada aqoon hor leh kana xeel dheer farsoomaaligaan hadda uu bartay. Waxa uu la sheekeystay, waxbadanna ka wareeystay macallin Raage sidii uu aqoon dheeri ah ku raadin lahaa iyo halka uu ka baran lahaa. Macalinka ayaa u tilmaamay halka uu waxbarasho ka heli karo, isaga oo u sheegay in aan la heleyn aqoontii hore oo kale.

Hadda dagaalkii sokeeye waa uu yaraaday, dadka intoodii waddanka dibadda uga baxday maahee intii tuulooyinka miyiga ku qaxay magaalooyinka ayeey dib ugu laabanayeen. Isaga caqabad ayaa hor taalla, waayo isaga ayaa reerka xoog u ah. Aabihii isaga ayaaba ka fir fircoon. Galab ayuu u yimid aabihii, isaga oo geedka kullanka ah ee ay harsadaan, derin (salli ka sameysan caw) u taal oo dhageysanaya BBC. Markii uu la dhageystay bbc-dii ayuu aabihii uga faallooday sheekooyin ka hadlaya, tacliinta iyo faa'idadeeda. Aabihii oo awal luguhu u fidsanaayeen, xusulna u saarnaa barkin caws laga sameeyay ayaa u soo fariistay hadalka uu wiilkiisu ka hadlaayo. Oday Faarax waxa uu awal ku dhibbanaa warqad uu walaalkiis dibadda uga soo diri jiray wax u akhriya, una qora wixii uu u celin lahaa. Taa maalmahan waxa uu uga maarmay wiilkiisa oo soo bartay sida loo akhriyo loona kiciyo Farsoomaaliga kadibna dib ugu qori jiray adeerkii Caynaan. Caynaan waa adeerka lagu samiyay wiilka reer Faarax ugu yar.
Faarax ayaa ku yiri wiilkiisa: “Aabbow, horta tacliintu waa wax fiican, sidaan arkayba. Waa ayna fiican tahay inaad farta gasho oo aad sii barato, laakiin aniga waa ii jeeddaa oo adigaan kugu nastaa, waayo dhib ayaan ku jiray inta uusan xoogaagu igu soo biirin, oo aanad cidda dhaankeeda iyo xoolahaba iga kaalmeyn. Balse kol haddaad leedahay, tacliin ayaan baranayaa horta aniga waan doonayaa inaad barato, maxaa yeelay; anigaa ‘ar hebeloow, walaalow kaalay warqad ii akhri iyo ii qor’ tuugmo ah la igu nacee in aanad sideeyda noqon oo dhammaantiin aadan wada noqon naha. Adi iyo walaaladaaba. Aabbe waad ogtahay cidna magaalada nooma deggena, adeerkaana waddankaba ma joogo. Aniga waa aanba iska adkeysanayaaye, aan xitaa Caynaan xooggiisa suga e, balse haddaad dhahdo, wax ayaan soo baranayaa, ayaa magaalada kuu joogo? Yaad la joogi oo quud la cuni yaad. Yaad yaad..."
Isaga oo sii wata ayuu ka dhexgalay: “Aabbe dhibba ha igu qaadatee kol hadaad adiga i fasixi quud iyo wax kaleba la waayi maa”.  

Reer Faarax waxaa u joogay xoogaa halo ah iyo tiro (100 neef) ari ah. Faarax ayaa talo u dhaqaaqay waxa uu u tagay xaaskisii Faynuus, una sheegay waxa dhex maray isaga iyo wiilkiisa. Labadoodii ayaa talo isula dhaqaaqay.
Faynuus ayaa tiri: “Horta Faaraxow, Xareed kaad ilma adeerka aheydeen soo maagalada ma deggena?".
“Haa, aniga ayaaba ku dago (gurigiisa joogo), marka aan magaalada innooga soo adeegaayo. Laakiin reer wiilkeenna u roon maaha. Xareedku waaba nin roone, afadiisaa inkaar qabto ah. Maya Maya ciddaa cid aan Warsame u dhiibi karnaa maaha.” Ayuu ku jawabay Oday Faarax.
Faynuus ayaa tiri: “kol hadeynaan cid kale heleyn, waa inaan iyaga miciin bidnaa oo ‘wiilkaas innaga haya dhibkiinba ha ahaadee’ ku dhahnaa.”
“Bal waa yahay" ayuu kaga jawaabay Faarax.

Warsame oo cidda dhaan ugu maqnaa ayaa yimid. Waxaa loo sheegay in cid reer Xareed la yiraa oo ay qaraabo yihiin lagala hadli doono, sidaas na uu gurigooda ku joogi doono inta ay waxbarashadu u socoto. Farxad iyo damaashad ayuu kaga fal celiyay hadalkaa. Faarax ayaa beledka labo neef oo ari ah u waday si uu reerka raashiin ugu soo iibiyo, reer Xareedna ugula soo hadlo arrintii ay isku waafaqeen isaga iyo afadiisa. Faarax ayaa Xareed kulan kula qaatay gurigiisa. Xareed ayaa arrinta uu Faarax ka dalbaday ka meer meeriyay oo madaxa ka dadbaday, meelo kalena iin uga yeelay, uguna soo gunaanuday: “Bal waan fiirin doonnaa”. Faarax ayaa is ka aamusay, kana dhaqaaqay, reerkiisana dib isaga noqday. Warsame waxa uu dareemay in reer Xareed aysan oggoleyn in uu la joogo iyaga. Dhawr maalin ka dib  ayuu talo soo jeediyay ah; in isaga la wado, reer Xareedna loo geeyo laguna yiraa oo keliya: “Xareedow wiilka waa wiilkaagii oo kale, waad ila dhashay, ilmahaaga ayuu la mid yahay, maanta ayuu waxtar kaa rabaa ee waa kaas Warsame Faarax” Oday Faarax ayaa markii hore diiday in uu sidaa yeelo, kana xumaaday sababta uu wiilkiisu isku liidayo. Isaga ayaa ugu jawaabay: “Aabbe danteenna masallo (maqaar) eey ayaan ugu seexaneynaa” Faarax ayaa ku qancay jawabta wiilkisa. Sidii ayuuna yeelay.

Reer Xareed ayaa loo geeyay Warsame. Oday Faarax, oday caqli badan ayuu ahaaye markii ay magaalada usii socdeen, labo neef oo ay sii wadeen; neef ka mid ah lacagtiisii waxa uu si qarsoodi ah u siiyay wiilkiisa isaga oo ku yiri: “Marka aad xaafadda wax ka weyso, meelaha maqaayadaha ah wax uga cun kistaan”. Markii uu dhawr maalin joogay xaafadda ayuu adeerkii ka codsaday in la geeyo dugsi (iskuul) hoose. Xareed ayaa sidii uu u meer meerinayay maalinkii dambe geeyay dugsi hoose oo ilmaha agoomaha ah la geeyo isaga oo arkaayo in ilmaha Xareed, iyaga oo aad u labbisan baabuur lagu qaado dugsi kalana la geeyo. Aad ayuu uga xumaaday in isagana dugsiga agoomaha la geeyo, ilmaha adeerkiina dugsi heer sare ah dhigtaan. Waa uu u dhabar adeygay in ay weydiiyaan ardadii uu dugsiga agoomaha ugu tagay: “Aabe, goorma ayuu dhintay? Hooyo ma kuu nooshahay adiga? Ehelkaagii wax aad taqaan miyaad la joogtaa?” Waayo ilmaha meshaas joogay ma garanayaan meel ay ku dambeeyeen waalidkood nolol iyo geeri.

Waxa uu soo maray rafaad badan. Mar waxa uu go’aan saday in uu baadiyihii isaga laabto kana tago meeshaan dan darrada iyo darxumada ku hayso. Waxa uu ahaa wiil yaqaan ad adeegga iyo adkeysiga. Markii uu dhammeystay dugsigii hoose ayuu aaday reerkiisii isaga oo ka cabanaya cunno xumi, hoy la’aan iyo waliba arrad la’aan. Hooyo Feynuus ayaa dhegaha ugu shubtay in uu adkeysto. Waxa uu dib ugu soo noqday magaaladii waxa uu ka tagay reer Xareed magaalada ayuu dhinac ka galay waxa uu raadiyay shaqo uu qaban karo si uu uga maarmo in uu reer Xareed dib ugu noqdo, waayo rafaad badan ayuu ku qabay. Isaga oo aan quud (cunno) ku heysan ayaa waxa u sii dheeraa jiif xumo, canaan joogto ah iyo waliba afadi Xareed oo aan arki karin isaga.

Maqaayad ayaa waxa uu ka helay shaqo ah: in uu saxamada dhaqo (xalo) iyo in uu miisaska tirtiro.  Ducaale oo ahaa ninka maqaayadda leh, ayaa la sheekeystay kana wareeystay halka uu ka yimid iyo waxa uu magaalada ka soo doonay. Ducaale ayaa ahaa nin wanaagsan, marka uu arkay wiilkan yar ee hawl karka ah iyo sida uu wax barashada u jecel yahay, u ballan qaaday in uu u ogolaanayo gelin waxbarasho ah. Waxa uu u sheegay in uu geyn doono dugsi ay ilmihiisu dhigtaan, oo uu maaluhana kala hadli doono si lacag yar looga qaado. Isagana uu siin doono mushaar uu isaga bixin karo lacagtaas yar,  maqaayaddiisana ka shaqeysto. Aad ayuu ugu farxay uguna mahad celiyay. Ducaale ayaa geeyay dugsiga dhexe sare ee Aw-geeddi waa halka ay Gallad isku barteen. Gallad ayaa ahaa isagana wiil duruufo badan soo maray. Labadooda ayeey dani saaxiibbo, wax walba wadaago ka dhigtay.

Warsame, waxa uu dhameeyay dugsigii sare. Kheyr Alle ha siiyo e, Ducaale ayaa soo gacan qabtay xilli uu u baahnaa caawinaad. Inta uu dugsiga sare ku guda jiray maqaayaddii waxa uu ka noqday xisaabiye. Shaqadii hoosena waa uu ka baxay. Oday Ducaale waa uu helayay cid u xisaabisa ama lacag qabte u noqota, waayo wiilashiisa oo aqoon sare leh ayaa joogay. Balse waxa uu is lahaa: Warsame niyadda yuusan ka dareemin in uu shaqo hoose (weelal dhaqid) bas ka haayo maqaayadda Ducaale. Sidaa awgeed ayuu shaqadan ugu soo dallacsiiyay. Isaga laftiisu waxa uu ahaa mid xisaabta ku fiican kana soo dhalaali karo shaqadaas loo igmaday.

Waxa uu weligiiba jeclaa suugaanta. Xilligii uu baadiyaha joogay ee uu gabanka yar ahaa. Waxa uu daawan xilliga aroosyada, ciyaaraha la soo bandhigo. Waxa uu aad u jeclaa ciyaarta dhaantada iyo ciyaaraha marka la ciyaarayo gabay ama tix laga horumarsiiyo. Isaga waxa uu jeclaa gabayadaas. Mudadaas uu arooska maalmaha sii jirana gabayadii uu habeennadii arooska soo dhageystay waa uu yaqiinay, laakiin muddo ka dib waa u hilmaami jiray. Dugsiga sare waxa uu ugu yimid suugaantii uu jeclaa oo qoran. Gabayadii uu xiiseyn jiray kuwo ka xeel dheer, kana mug weyn. Marka gabay uu macalinka ardayda u diro, isagu horay ayuu ka qeybi jiray.

Dugsigii uu dhiganayay ayaa uu macallin ka noqday markii uu dhameeyay. Macallin dhiga Suugaanta. Saaxibkiis Gallad, isaguna waxa uu noqday macallin dhiga Cilmiga Bulshada. Labadoodii waxa ay noqdeen isku mihnad. In kasta oo ay kala maaddo dhigayeen. Waxa ay wada degganaayeen guri ay kireysteen markii ay waxooga jeeb ah yeesheen. Habeenkii kolka ay casharrada berri diyaarinayaan waxa ay falanqeyn jireen qaabka iyo sida ay u shaqeeyaan dugsiyada. Waxa ay raadiyeen tabo ay iyaga aqoontooda ku sii kordhin karaan, inta aysan ka doodin kana faalloon tan dugsiyada taal. Gelin waxa ay ahaayeen bareyaal. Gelinna iyaga ayaa waxbarasho heer Jaamacadeed ah galay.

“Jiilaal abaariyo,
Jabad laga hayaamiyo,
Waxaan jabaqla’ soo maray.

Jarmaadiyo carraababa,
Jidka waxaan ku soo jiray,
Hadba jimicsi iyo taah,
Jabkaan anigu soo maray” 

– heesta Jamaadeey ee uu qaaday: AUN Cumar N. Cabdulle.