Iyada oo ay
waddoonyinka magalaada Muqdisho marar badan oo aan tiro lahayn la xiro sababo
badanba, marka ay sababahaasi jirin waxaa abuurmo isku qataaran badan oo ka
dhasho nidaam xumo. Ciidanka lagu magacaabo booliska waddooyinka (traffic
police) uma shaqeeyaan si fududeyn karto in ay waddado qataarmin ama waxaaba
lagu doodi karaa iyaga ayaa qeyb ka ah in ay waddadu xiranto. Marar badan waxaa
qataarmo waddadii fududeynaysay isu socodka dadka iyo ganacsiga. Labo sheey
ayaan u sababeyn karaa is qataaridda waddada: 1) Qorshe la’aanta dowladda Hoose
ee Xamar oo aad is leedahay xilba kama saarna in ay waddadu shaqeyso ama aanay
shaqeyn; iyo 2) Nidaam xumada wadayaasha baabuurta. Labadaan sababood midkoodba
(si gaar ah) ka hadalkiisa ayaa noqon kara qoraal dheer, hadda se kama hadlaayo.
Sida kor ku xusanba,
waddadu waa wadnaha iyo awoodda wareejiso garaangarta ganacsiga. Tusaale; ka
soo qaad khudaarta la isticmaalo waxa ay ka baxdaa Afgooye. Haddii la waayo
waddo isku xireyso Muqdisho iyo Afgooye, khudaar lama heleen. Marka ayse jirto
waxaa uu qofku heli karaa khudaarta uu u baahdo. Waddada oo noqota mid si
qumman u shaqeyso ama qaab daran waxa ay khudaarta ka dhigi kartaa mid jaban oo
rakhiis ama sicirkeedu sarreeyo. Haddii waddadu tahay mid hagaagsan sicirka
khudaartu waxa uu noqonayaa mid jaban, haddiise ay tahay mid silic iyo dhib badan,
silicaas iyo dhibkaas lagu keeno khudaarta waxa uu dul fuulayaa qiimaha la
iibinayo. Tusaalahani waxa aan u soo qaatay in waddadu ay qeyb ka tahay
qaaliyobidda ama rakhiisidda badeeco ama adeeg.
Aan u soo laabto
dhibta waddooyinka magaalada Muqdisho. Marka laga yimaado qaababka ay waddadu u
xiranto oo aan is leeyahay inyar ayaad kor ku xustay, waxaa si maalinle ah u
istaago ganacsiyo haddii ay shaqeyn lahayd soo saari lahaa malaayiin doollar. Waxa
ay waddadu ka xiranto waa badeeco meel loo waday, arday waxbarasho u socday,
macallin wax barid u socday, qof shaqo u socday iwm. Ka soo qaad, waxa ay
waddadu ku xirantay qof farsamo yaqaan ah oo lacagta soo gashaa ay ku xiran
tahay shaqada uu sida maalinlaha ah u qabto. Waxa ay qof ku ballameen in uu
shaqo u qabto oo marka uu dhammeeyo shaqada la siin doono lacagta. Isaga awooddiisa
marka la eego shaqada waxa uu ku dhammeyn karay hal maalin. Maalinkii uu
shaqada u soo baxay waddadii ayaa ku qataarantay oo ma helaayo baabuur si fudud
u geeyo goobtii uu shaqada ka qabanayay. Haddii uu lugeeyo waxaa ka lumaayo
waqti badan. Ka soo qaad inuu sugay inta ay waddadu is furayso ama lugeeyay. Waxa
uu goor dambe tagay goobti shaqada. U ma aysan suurto gelin in uu maalinkaas
shaqada ku dhameeyo, sida ay ballantu ahaydna isaga oo aan shaqada dhameyn wax
lacag ah ma helaayo. Waxa uu xaafadda ku laabtay isaga oo aan habeenkaas wadin
wax cidda casho u noqda. Yaa haddaba habeenkaas reerka casho la’aan dhigay? Dhanka
kale, qofkii hawsha loo qabanayay isna loo ma dhammeyn howshii oo laga yaabo in
ay ahayd mid si guud muhiim u ah. Bal malee in uu maalinkaas shaqada dhameeyay,
lacagtiisa soo qaatay. Waxa uu haddaba lacagtii ugu soo adeegay reerka. Dukaan ayaa
uu ka soo iibsaday dhammaan wixii ay u baahnaayeen reerka. Dukaankii isagana
lacagtii ka soo gashay Farso-yaqaanka waxa uu ku dalbaday badeeco kale … sii
wad.
Sidaa iyo si ka
ballaaran ayaa ay waddadu muhiim inoogu tahay. Dhammaanteenna waa aan og nahay
middaas ee waxa dowladda Hoose la gudboon in ay dajiso nidaam lagu hago
waddooyinka, ganacsatada iyagana waa in ay ka fekeraan in ay waddadu muhiim u
tahay ganacsigooda ay ka ilaaliyaan waxyaabaha qataari kara isu socodka.
Xilalkaan tiro beelka ah ee mushaarka uun agu cuno maxaa loo waayay hal hay’ad
oo si hufan u shaqeyso?