Sheekadani
waa mid Buube ku dhacday isaga oo meelaha eeg eegaya. Waxa uu uga sheekeeyay
saaxiibkiis. Waxayna u dhacday sida tan:
Buube:
Saaxiibow ma kugu dhacday sheeko eegmo la dhaho?
Saaxiibkiis:
Hhhh. Mayee, maxaad soo waddaa maanta?
Buube:
Shalay ayaan meel hawl uga baahday. Meeshii ayaan aaday. Mashquul ayeey ahayd
goobti aan shaqada ka rabay. Aniga oo is leh: “war dadkan ma dhexmartaa si
hawshaada laguugu fududeeyo”, ayaan is qabtay oo waxaan arkay dad iga soo
horreeyay oo wada taagan. “dadkaanba waa taagan yihiine xaq is laameed ha
qaadan, waa la gaa soo horreeyee” ayaan is kula hadlay. Geesahan eeg eegay, mise waxbaa
isoo eegaya. Si xooggan baan u eegay waxa aan arkay, si aan u hubiyo in ay run
yihiin iyo in kale. Run. Wallee waa run. Waa qof dhan oo fadhiya! Fadhi
qurxoonaa! Kuraasta nasiinada ayeey fadhisaa. Inta aan safkii dheeraa ka
soo baxay ayaan soo jeedkeeda kuraasta taallay, mid salka la haleelay. Aaway
ninkii daahsanaa ee dadka dardari gaaray?! Mooyi.
Marka
koobaad waxa aan si cajiib leh uga bogtay qaab fadhigeeda. Dhabarkeeda waxa uu
ku santeecaa kursiga ay ku fadhiso. Lugta bidix ayaa dhulka u taal, tan midigna
waa kor saaran tahay. Kabo aad iska jeclaaneyso ayaa ku jiro cago aan u muuqan
kuwo soo cagaagay. Labadeeda gacan waxa ay isugu geysay moobil aan qiyaasay in
ay internet ku isticmaaleysay. Faro buur-buuran oo u muuqday kuwo la
dhaqaaleeyay ayaa moobilka sal-salaaxaya. Nasiib badanaa moobilkaasu! Waxa ay
hadba ku dugeysay moobilkeeda iyada oo muusooneysa. Malaha “waad qurux badan
tahay” farriin ah ayaa usoo dhaceysay. Oo miyaanay qurxaneynba?! Marka ay
madaxeeda kor usoo qaaddo, aniga ayeey toos ii soo eegeysaa. Waayo, waa ay
dareemaysay markii ay farriinta ku maqneed, in aan anigana iyada ku maqnaa. Qof
laga jeesan karo ma ay ahayn.
Saaxiibkiis:
Cajiib! Haye qoftan aad sidan dhan u tilmaantay, maxaa idin kala dhex maray?
Buube:
Maxaa na kala dhex mari lahaa. Sida ay u fadhisay, qof gudaha ku jiray ayaa soo
baxay waa ayna is raaceen.
`DHAMMAAD`