Wednesday, July 31, 2019

Marqaankayga


Heeskaan soo socdo markii iigu horreysay ee aan maqlay waxa aan saarnaa gaari gaadiidka dadweynaha ah -muddo dhowr sano laga joogo. Wadaha gaariga oo ku marqaamayay ayaan ka gartay sida uu u xamaasoonayay in heesku cajaa’ib leeyahay! Dhegtaan u raariciyay. Waan dhageystay waxoogaa, cuudkaaba i qaaday. In aan sidiisa marqaamayaan mooday. Ereyadaan u dhag taagay, cajab! Gaarigii aan saarnaa dhul ka baxsan bay i geysay heestii. Waxaan ku war helay, ninkii gaariga rarayay oo leh: “lacagta keena waa la gaaray goobtiiye”. Waan maleysan kari waayay in boosteejadii durba la gaaray.

Heestii ayaan raadiyay. Waxaan ku sigtay in aan youtube-ka uga baaro sidan: “Heestii uu dhageysanayay darawalkii gaariga”. Balse fannaaniinta qaadayay oo aan codkooda gartay ayaa ii sahashay. Dhowr daqiiqo baaritaan ah ka dib waan helay. Ilaa iyo hadda waxay iigu jirtaa kuwa iigu xamaasadda badan markaan dhageysanayo qaraamka.

Heeska waxaa wada qaadaya Xasan Aadan Samatar iyo AHUN Sahra Axmed Jaamac. Ma aqaan abwaanka sameeyay erayada. Fadlan ila wadaag haddii aad taqaano.  

Heesku wuxuu u dhacaya sidan:

(1)- X. A. Samatar:

Canabkoo magooliyo,

Cargaduudda mirihiyo,

Cosobiyo dhul baad laay!

Lagu mood cirjiireey,

Casar roob darrooroo,

Ay cadceeddu qabatiyo,

Calcalyada xareeddee.

Midabkaagan ciidkee,

Caashaqa u sahanaa,

Niyadeydii cugataye,

Ku calmadaye ma og tahay?

Humaagga aad sawiran karto ee uu abwaanka qeybtan ku muujiyay ayaa ashqaraar leh! In la calmaday istaahishaa qurux noocaas ahi.

(1)- Sahra Axmed (AUN):

Isu soo cayaarguda,

Cadallool wadaagtoo,

Berya cuudka wada jiray.

Cidahooda wada tiil,

Is taqiin carruurnimo,

Maynu noqon cashiiree,

Caawaynu kulannoo!

Ii culeysay sheekee,

Sideen kuu cajabiyaa?

Isma camal naqaannee,

Cududdayda sii daa!

Qeybtan wuxuu abwaanku faallo kooban ka bixinayaa gabadhan uu ninkaas qeybta kore ku sheegay inuu calmaday iyo iyada in aanay is aqoon, oo ay cawayskan uun isku arkeen. Gabadhu waxay wiilka ku leedahay: “War xitaa daris ma ahayne sideen kuu cajabiyaa?” oo yacnii ah qof i yaqaanoba ma tihid oo caawa keliya uun baan kulannay ee sideed ii calmatay? Waa la isku galay meesha!

 (2)- X. A. Samatar:

Carra laga hayaamoo,

Ciyowgii ka qayshoo,

Cooflaha libaaxiyo,

Cagweynow maroodigu,

Cimidh ay u joogaan.

Caarraha shabeelkiyo,

Wiyilihu cartamayaan!

Caashaqaa daraaddaa

Dhul cabsi le i mariyoo

Ku go’doomay cayntee

Ku calmadaye ma og tahay?

Dhulkaan uu abwaanka dhex joojiyay ninkaan gabadha rabo in uu u sharraxo sida uu u yahay ayaa la yaab leh. Waa dhul uu abwaanku ku kulmiyay duur-joogta kuwooda waaweyn. Wuxuu leeyahay: Dhulkaas cabsida leh caashaq aan kuu qaadaa i geeyay. 

 (2)- Sahra Axmed (AUN):

Casguduudka waaberi,

Cadceeddoo falaadhaha,

Ku cigaalan nuuriyo.

Manka caaradiisiyo,

Curub geed ku taalliyo,

Waxaan ahay carruur weli,

Waalidkii ceshanayoo,

Ma aqaanno caashaqa,

Caynka uu u dhiganyee,

Isma camal naqaannee,

Cududdayda sii daa!

Gabadhu waxay leedahay si ay ninkaan warkiisa isaga leexiso, waxaan ahay curdin soo baxaayo oo waalidkeed cishanayo oon caashaq aqoon xitaa sida uu u yaal!

Laxanka, cuudka iyo luuqdaba waa kuwo xiiso gaar ah iigu yeelay heeska. Waa marqaankeyga. 

Heesta halkaan ka raac link oo ka dhageyso: https://www.youtube.com/watch?v=E-ZOleeU9bU

 


No comments:

Post a Comment