![]() |
Isha sawirka: Google |
Waa Buube. Saaka aadbuu isu diyaariyay. Ciddu waxa ay
moodeysaa in uu iskuulka isku diyaarinayo, balse kala warla'. Saaka waa kan is
eeg eegaya, iskuna leh: “subaxaan, waa in aad dhiiranaan muujisaa.” waxa uu isu
dhiirrigelinayaa waa gabadha ay xaafadda isla deggan yihiin ee guriga sii jeeda
kan kusoo jeedo deggan. Waa Bushra waa inan dabeecad fur furan iyo weji dhoolla
cadeyn kugu qaabilaya leh. Waa qof joog iyo jamaalba isku darsatay. Hadaad
aragto adigaaba isku jeclaan – oo keliya.
Buube dhowr mar ayuu horay isugu dayay in uu la hadlo
misna la wadaago arrimahan uu kelida ku noqday ee ah in uu ka helay cuddoontan.
Is-aragoodii koobaad waxa uu ahaa isaga oo iskuulka u cararaya aroor hore oo uu
kula kulmay iyada oo suuqa kasoo adeegaysay. Aragtidii koobaad ayaa samada
loola baxay Buube. Oo waxa baas ee la baxay maxay ahaayeen tolow? Kollay
mooyiye, indhahooda ayaa mar qura is qabtay: QAC car bal ka jeedi adiga.Waa uu
ku dheygagay. Dhoolla cadeyn ayeey ku qaabishay, waana ka dhaqaaqday. Buube
meeshii ayuu kelidii ka dhaqaaqay asago la yaaban waxa socodkii sii ka
joojiyay. Waxa uu isa sii weydiinayay: “adduunyadaanna ma xaafadey kula dagneed
waa yaabe? Wuxu maxay ahayd, ma dad?” iyo weydiimo la mid ah.
Maalin
walba waxa uu kula kulmayay halkii uu ku arkay markii ugu horreysay. Dhowr
subax oo is-fiirin iyo is-garab mar la isku arkayay, waa kii Buube dhiiranaan
iska dayay oo dorraad la hadlay:
“Asc,
walaal. Sidee tahay?” Buube ayaa yiri.
“Wcs,
walaal. waan fiicanahay. Adigu sidee tahay?” Bushra ayaa ugu jawaabtay.
“Anigu
waan ficanahay, een een walaal horta een ma xaafada ayaad deggan tahay?” ayuu
hadana weydiiyay isagoo hoosta iska leh: “ma anigaa ba fiyoow, illaa jeerkaan
ku arkay. Halkaa iyo meel aanan garanayn ayaad durbaan nagaga tumeysaaye”.
“Haa
walaal”. ayeey ugu hadal celisay.
“Een
kumana aqaanne, halkaan uunbaan subaxii kugu arkaaye, waxaan is iri uun iska
nabdi oo bal salaam” intaas ayaa neef tuur kaga soo baxday miskiinka.
“Haa
dhib malaha walaal, waa runtaa anigu ba waan ku arkaa, balse kulama hadlin oo
kumaba aan aqoonin” ayeey ugu jawaabtay.
“Haaye
walaal horta magacaa?” ayuu su’aalay.
“Bushra
walaal. Adigana?” ayeey ugu jawaabtay.
“Geeddi
walaal, laakiin dadku Buube ayey iigu yeeraan.” ayuu ugu celiyay.
“Haye
xaafaddaan sii aadayaa oo adeeggaan ayaa la iga sugayaa, walaal kheyr badan,
barasho wanaagsan” ayeey ku tiri.
“Haa,
haye haye walaal. Waa runtaayoo waa lagu sugayaaye kheyr badan.” ayuu ku yiri.
Ma
isagaa rabo inayba ka tagto. Oo haday la joogto xitaa ma isagaaba la sii hadli
kara waa kan intaan ku xiiqee.
Shalay ayuu go'aansaday inuu la sheekeysto, uuna la
wadaago in uu daneynayo oo uu doon doonayo, balse waa ku adkaatay oo waxa uu ka
bixi waayay salaam iyo nabdin. Markii ay kasoo hor baxday waa kan barafka ka
qaboobaaday hadalna dhihi waayay – aan ka ahayn bariidiin.
“Asc,
Bushra. Sidee tahay walaal?” ayaa uu hadalka ku bilaabay.
“Wcs,
waan ficnahay walaal. Adigu sidee baa tahay?” ayeey ugu jawaabtay.
“Waan
fiyoobahay, bal xaafada sidee lagu yahay?” ayuu ugu celiyay.
“Nabad
walaal aadbaa loogu fiicnaa.” Ayeey ugu jawabtay.
Intaas
kolka uu yiri hadal kale waa ku dari waayay oo sida uu isku leeyahay bal wax
kale ka hadal waxa uu kusoo celiyanaa:
“Waad
fiican tahay somahan.” Iyadana “Haa” uun bey ugu jawabeysay.
Markii
uu in muddo ah hortaagnaa, ayeey ku tiri: “walaal waan daahaye, nabad galyo.”
“Haye
walaal” inta ku yiri ayuu ka dhaqaaqay isagoo is canaananayo: “War maxaad qofta
ula hadli waysay inta aysan kaa tagin? Alleylahe waa inoo berri” inta uu yiri
ayuu iska dhaqaaqay.
Waa
kan saaka dhaarsan oo u dhararaya la kulanka gabadhii uu ka helay. Waddadii
ayuu cagta soo saaray. Waxa uu is weydiinayaa wixii uu ku dhihi lahaa iyo
meeshii uu warka uga bilaabi lahaa: “Horta maxaan ku dhahaa markaan salaamo ka
dib? Abaayo waankaa helay, ka warran hadaan dhaho? War haday dhahdo ka warran:
“sideed iiga heshay?” Hay iyadu ma doqon baa marka ay sidaas ku dhaheyso. Maya
maya, wax kale raadi. Ka warran hadaan dhaho, een een Abaayo waan ku rabaa?
Kaba daran. War hadii ay ku dhahdo ka warran, xageed iga rabtaa? Yac! Sidaas
dhihi mayso malahee, ninyow laakiin gabdhahaan waa iska dhib badan yihiine,
haddii ay rabto waa ku dhaheysaa. Een een ka warran een, abaayo waad isoo
jiidatay? Waa wareey! Tanaaaba ka daran. War sidey kuu soo jiidan kartaa qof
dhan! Ar sug, jiiditaanka kii dhulka sida tooska la isugu jiidayay maahee, oo
ninyow qoftu ma magnad baa?!”
Intii uu su’aalahaa oo dhan is weydiinayay waa taa xaga
kasoo muuqata oo dhinaciisa usoo socota. Indhaha kolkii uu ku dhuftay, wixii uu
maanta dhan soo dhisayay car bal keen. Nag. Waa uu waayay wax uu la shir tago.
Dhinac kale ayeey u wareegtay dhiiranaantiisi oo hoosta ayuu ka leeyahay: “Alla
waa tan wallaahi! Bisinka tolow maxaan sameeyaa? Alla maan caag noqdo! Maya,
tan lama hadli kartid saaxiibow. Miyaan dhuuntaa horta? Dhuumasho? Oo halkee
ayaad ku dhuuman?” Wax intaa kasii badan, isaga oo is weydiinaya waa kaa
gabadhii xurgufta ku agmaray – isagoo xiimaya. Ma fatuurad baa walaalow? Mayee,
waa uu ka baqayaa miskiinka.
~Dhammaad~
No comments:
Post a Comment