Friday, April 13, 2018

MAR LA ARAG!

Waxa aan socday waddada dhinaceeda. Aniga oo socda, iskana socdo ayaan arkay. Iyadaan arkay. Waa gabadh. Waxa ay la taagan tahay dhowr hablo oo ay wada sheekeysanayaan. Dhag. Waa anigaa istaagay! Dhaqdhaqaaqi kari waayay. Tallaab geddin waayay. Oo tolow maxaa i joojiyay? Garan maayo e, waa anigaa istaagay! Dhabankeeda labeenta saaran waa laga dhaashan karaa. Waa quruxdii la sheegayay oo soconeysa. Iyadaan eegmo u galay. Waan ka jeesan kari waayay. Markay isoo eegto waa anigaa qabooba. Dhidid baa SHAX iga soo yiraa. Ma karayo inaan la hadlo se haddaanba indhaha ku eegi karo geesi ayaan ahay. Miyaanan ahayn? Way qosleysaa. Alla may aamusto, qosolkeedu wuu i naafeynayaaye.

Waxay leedahay ilka aad u cad oo dhuux yaro madow ku jiro. Afka marka ay kala qaaddo meel baa hoos ii go’eysa. Halow. Waa iyadaa isoo eegtay. Alla maxaa i tusay! Indho debecsan, weji furan, dhoolla caddeyn muusood ah wataa igu qaabishay. Alla tani fariidsanaa! Kuwo kaloo aan horay u eegi jiray, wayba iska caresnaayeen. Si iskood ah. Tani sidaa maaha! Wataa muusootay. Fariido dheh. Indhaheeda waa dhay cad. Indho meesha cadi yartahay oo wareegga madow uu weyn yahay, ayeey leedahay. Indhaha weyninka lagu sheego ee habluhu ku qurxan yihiin alleen waa sidan! Qeybta madoobi, waa madow quli ah. Qeybta cadina waa dhaay. Waa caddaan kii u caddaa. Sunniyaha bal eeg. Waa kuwo wareeg qurux badan ah. Wallee tani waa quruxdii oo dad laga dhigay.

Waxa aan sii sawirtay timaheeda. Waa dhuxul, dhererku intay ka bateen barkeed dhaafeen dhabarka. Ka warran haddii ay furnaan lahaayeen? Inta barna soo dhacaan, ayaa ay laydhu ku dheeli laheed. Midabkeedu waa dhiin. Dhiinku guduud maaha ee waa maarriin mas ciided ah.
Waxaa igu soo dhacday heestii uu qaadayay Axmed Cali Cigaal oo aheed:

Ilkaheeda dhuuxaa,
Indhaheedan dhaydaa,
Dhabankeeda curubtaa,
Sunniyaha bil dhalatiyo,
Sida qaanso lagu dhigay!
Timaheedan dhuxushaa,
Barkood dhaafay dhabarkaa,
Barna soo dhaceenee,
Laydhu ay ku dheeshiyo,
Midabkeedan dhiinkaa.


Aniga oo heestaa iska xasuusanaya, saw iyadaa dhaqaaqday. War socod waagsanaa! Aniga oo sii eegaya wataa iyada iyo asxaabteediiba gaariga raaceen. Waa mar la arag!

No comments:

Post a Comment